Iiran oo ' toogasho ku xukuntay basaasiin CIA-da u shaqaynayey'

, Lahaanshaha sawirka EPA

Iiran ayaa xabsiga dhigtay 17 basaas oo ay sheegtay in ay u shaqeynayeen CIA-da Maraykanka, waxayna qaar ka mid ah ku xukuntay dil toogasho ah.

Wasaradda mukhaabaraadka ayaa sheegtay in dadka la tuhunsan yahay ay xog ka aruurinayeen dhinacyo dhowr ah - oo ay ka mid yihiin ciidamada militariga iyo koobaha ay ka socdaan hawlaha nuclear-ka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyey sheegashadaas, asagoo sheegay in warkaas "uu gebi ahaanba been yahay".

Xiisad ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhex aloosnayd xukuumadaha Washington iyo Tehran.

Madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore isaga baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee nuclear-ka Iran, waxaana Maraykanku uu Iran ku soo rogay cunaqabataynno adag.

Toddobaadyadii u dambeeyey, labada dal ayaa qarka u fuulay in dagaal militari uu dhex maro.

Maxaan ka ognahay arrinta "basaasnimada"?

Iran ayaa sheegaysa in basaasyadan oo ay sheegtay in ay u shaqaynayeen hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, la xidhay muddo haatan laga joogo 12 bilood ka hor.

17-kan qof ayaa dhammaantood ah dad Iiraan u dhashay oo ka shaqaynayey "xarumo xasaasi ah" oo ay ka mid yihiin ciidamada iyo xarumaha nuclear-ka, sida uu sheegay sarkaal sare oo reer Iran ah.

Ma aanu xusin inta qof ee toogashada lagu xukumay iyo goorta uu xukunkaasi dhacay toona.

"Xukunnada saddex basaas ayaa soo baxay, qaar ka mid ah waxaa lagu fulinayaa dil toogasho ah si waafaqsan shareecada Islaamka," sidaas waxaa ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee (ISNA) oo soo xiganaysa madaxa hay'adda sirdoonka.

Axaddii, ayaa wasiirka mukhaabaraadka Mahmoud Alavi waxa uu ku dhawaaqay in warka ku saabsan basaasyada xidhiidhka la lahaa Maraykanka iyo qabashadoodaba laga baahin doono telefishinka Iran.

"Waxaan ogaannay basaasyo u shaqaynaya Maraykanka iyo ajaanib kale kuwaas oo ka shaqaynayey xarumo xasaasi ah annagoo u gacan galinnay garsoorka"

Dadkeenna ayaan la socodsiin doonnaa taxane faahfaahin doona arrintan annagoo barri [22 July] ka baahin doonna telefishinka qaranka," ayuu yidhi Mr Alavi, asagoon wax faahfaahin ah aan ka bixin goorta dadkaas la xir xiray.

Bishii hore, ayaa Iran waxay sheegtay in ay curyaamisay shabakad xidhiidh la lahayd CID-a Maraykanka, balse ma cadda in warka soo baxay maanta oo Isniin ah uu kiiskaas xidhiidh la leeyahay.

Lahaanshaha sawirka Google