Xulka Jabuuti oo xulka Soomaaliya ku karbaashay ciyaar saaxibtinimo

.

Xulka kubadda cagta Soomaliya oo guuldaro kala kulmay dhiggiisa Jabuuti, kaddib markii ay wada ciyaareen ciyaar saaxibtanimo.

Xulka Somaliya oo shalay gaaray dalka Jabuti ayaa ciyaaray ciyaar saaxibtanimo, ayadoo tani ay isku diyaarinayaan Chan Cup (AFRICAN NATIONS CHAMPIONSHIP) oo ku wajahayaan xulka Uganda 27-ka Bishan.

Kulankaan oo ahaa mid aad u adaga ayaa qaybtii hore ku soo dhamaatay 0-0 oo ay labada xul isla dhaafi waayen, ayagoo soo bandhigay ciyaar aad u adag.

Markii dib la iskugu soo laabtay qaybti labaad ee ciyaarta ayey labadi kooxood dadaalkoodi ay gol ku radinayeen halkoodi ka sii wadeen.

Golki koobaadna waxaa ciyaartaasi ka dhaliyey xulka Jabuuti ciyaryahanka weerarka uga ciyaaro ee Mahdi Xuseen Mahabe oo ka ciyaarayey lambarka 9.

Ugu dambeentii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 uu ku badiyay xulka Jabuti,waxa ay tani ka dhigantahay in Tababare Bashiir Hayrofrd uu la kulamay guuldaradii ugu horeesay,asiga oo hogaaminaayo xulka Somaliya.

Ciyaarti Saaxibtino ee Jabuuti ku dhex martay Xulka Soomaaliya iyo Xulka Jabuuto waxay ku soo gabagaboowday 1-0 iyada oo ay guusha ku raacda xulka Jabuuti.

Ciyaartan saaxibtinimo ee ay labada kooxood yeesheen ayaa mid ay isugu diyaarinayaan ciyaaraha Chan Cup oo 2020 lagu qabanayo dalka Cameroon.

Sawirra dheeraad ah: