Carruurta cabsida badan sida loola tacaalo

Gabadh uu xanaaq ka muuqdo Lahaanshaha sawirka Getty Images

Canug walba sida dadka kale ee waaweyn wuxuu dareemaa xanaaq mararka qaar. Balse qaar ka mid ah carruurtan murugo darteed ayaa laga yaaba inaysan ku farxin waxyaabaha ay haystaan.

Baaritan cusub oo ay samaysay prof. Cathy Creswell waxay ku cadeysay waxyaabaha ay waalidiinta samayn karaan si ay uga hortagaan arrinkan. Prof Creswell ayaa horay u qortay buugag badan oo ku saabsan sida looga hortagi karo xanaaqa carruurta.

Haku dhihin "dhib malahan mar dambe ma dhici doonto"

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waxaa jira carruur badan oo ka cabsada xayawaanka waaweyn iyo reer-akhiraadka.

Carruurta ay da'dooda yara weyntahay waxay ka cabsadaan inay dhibaato soo gaarto mararka qaar sida in dil loo gaysto, argagixisada ama dagaal madaafiic la isku adeegsanayo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Da' kasta oo canugaaga uu jiro, ha dhayalsanin xilliyada ay cabsida dareemayaan. Haddii aad kaliye u sheegtid waxa ay ka cabsanayaan, taasi ma caawinayso. Hase yeeshe waxa aad ku wargelisaa sida ay cabsidooda dareensiinayso.

Ka fogow waxyaabaha naftaada u keenaya cabsida

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Haddii ay carruurtaada ka cabsanayaan eeyaha ama xawaanada kale ama aad dareentid maahan inaad ku qasabto si aad u cabsi geliso balse ku dhiirageli in si tartiib ah oo sahlan ay ugu dhawaadan.

Ilmaha haku qasbin ra'yigaaga balse si fiican u dhagayso

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Fikarada waxay tahay in aad fahantid sida ay dareemayaan marka hore balse si joogta ah ha u weydiinin dareenkooda.

Waxa aad xaqiijisaa inaad dhagaysato si aad u ogaatid waxa ku qasbaya in ay cabsi dareemaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Aad ayey u fududahay in aan natiijada ama xalka ku hormarno, balse dhagayso, fahanka canugga ayuu xalka ku xiranyahay.

Prof Cathy waxay tiri, "Markii aan yaraa waxaan ka cabsan jiray inaan raaco tareenka dheereeya."

Kaliye waxaad caawin kartaa marka aad ogtahay waxa uu canugga ka baqayo.

Weydii su'aalo si ay u ogaadaan in cabsidooda ay ku dhisantahay wax aanan xaqiiqo ahayn

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tusaale ahaan, weydii waxyaabaha horseeday cabsidaan ee horay ugu dhacay.

Marka hore ku bilaw su'aallo fudud si aad u ogaato heerka ay cabsidiisa marayso iyo waxyaabaha uu ka cabsanayo.

Ku dhiiirageli ilmahaaga inay kalsooni isku qabaan si ay cabsidooda u maareeyaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Sidoo kale, waxaa siisaa fursad ay su'aalo kugu weydiiyaan, taasi waxay dhiseysaa kalsoonidooda.

Haddii aad arrimahaas isticmaasho waxay caruurta siineysaa kalsooni in ay ku qabaan naftooda ayna maareeyaan cabsida.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan