Qaab noocee ah ayay garsoorayaasha Maxakamadaha go'aannada u gaaraan?

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gabadha caddaaladda ma ahan mid indhaha la' waa oraah caan ka ah dalka Mareykanka

Gabadha caddaaladda ma ahan mid indhaha la' waa oraah caan ka ah dalka Mareykanka oo loola jeedo sawirka kor ka muuqda oo inta badan la suro dhismayaasha maxakamadaha Mareykanka.

Sidaas waxaa marar badan lagu adeegsaday daraasado dhowr ah oo dhawaan lagaga hadlay sida go'aannada garsoorayaasha maxkmadaha Mareykanka ay u saameyn karaan arrimo dhowr ah, si lamid ah qofkasta oo kale.

Bulshada waxay inta badan garsoorayaasha ka filayaan in maxkamaddaha ay dadka u caddaalad falaan, marka ay gaarayaan go'aanada saameynta ku yeelanaya dadka nafsadooda, si simanna ay ugu dhaqmaan sharciga iyagoo ka duulaya xaqiiqada iyo caddeeymaha la horkeeno.

Jeffrey J. Rachlinski waa macallim jaamacadeed oo dadka bara culuunta sharciga, wuxuu labaatan sano ka shaqeynayay qaladaadka ay sameeyaan garsoorayaasha maxkamadaha Mareykanka ee dhanka go'aanada xukunnada ay ridaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mareykanka oo ah dal horumarsan ayaa haddana garsoorkiisa waxaa la sheegayaa in uu yahay mid ay wax ka qaldan yihiin

Mid ka mid ah daraasadaha ayaa lagu eegay sida garsoorayaasha maxkamadaha ay inta badan xukunka ay gaaraan ay ugu saleeyaan hadba waxa ugu horreeya ee la soo hordhigo, niyadiisana ay ka tusaale qaadato macluumaadkaas la horkeenay.

Qeyb ka mid ah daraasadda ayaa sidoo kale lagu eegay kiis la mala awaalay, waxaana kiiskaas la horgeeyay koox garsoorayaal ah, wuxuuna kiiskaas ku saabsanaa dad ku sugnaa kalaab lagu caweeyo oo aad u qeylinayay.

Garsoorayaasha ayaa loo soo bandhigay sida ay wax u dhaceen iyo macluumaadkii ay u bahnaayeen, si ay go'aan uga garaan kiiska, waxaase dhacday "in dadkii la ganaaxay saddex jibaar inkabadan intii markii hore, taas oo muujineysa in ugu horreeyn uu garsooraha ka tusaale qaato hadba waxa ugu horeeya ee ay indhihiisu qabtaan.

Marka kala horeynta cadeynta ay saameyso natiijada

Daraasadda oo sidoo kale lagu soo qaatay kiisas kale oo lagu baarayo qaabka garsoorayaasha maxkamadaha ay go'aan uga gaaraan kiisaska hortooda yaalla.

Dhacdo tii hore ka duwan ayaa ahayd, garsoorayaal lagu yiri waxaad xukuntaan laba qof oo horay loo xukumay, kuwaa oo dembiyadii ay galeen ku kala muteystay hal sano oo xarig ah iyo sagaal sano oo xarig kale ah.

"Markii ay maxbuuskii koowaad ay ku xukumeen hal sano ayaa haddana kii sagaalka sano lagu xukumay waxay markale ku xukumeen lix sano," sidaa waxaa yiri Rachlinski oo daraasadda sameeyay.

Sababta ayuu ku sheegay in mar haddii qofkii koowaad lagu xukumay hal sano ay macquul la noqon weyday in kan kaleena ay ku xukumaan sagaal sano, ayna yareyeen xukunka maxbuuska labaad.

Isla kiiskaas ayuu Rachlinski sheegay in markale ay hor dhigeen koox kale oo garsoorayaal ah, waxayna marka koowaad xukun ku rideen qofkii sagaal ka sano lagu xukumay, halka qofkii kale ee sanadka lagu xukumayna ay markale ku xukumeen laba sano.

Wuxuuna sababta ku sheegay in qofkaas uusan mudneyn in sannad lagu xukumo.

Arrintaas ayuu ku tilmaamay inay muujineysa in go'aanka lagu saleeyo hadba waxa qofka go'aanka gaaraya ay indhihiisu qabanayaan oo uu ula jeeda macluumaadka la horkeeno.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Daraasadaha qaar waxay muujinayaan in xukunada aysan ahayn kuwa isku mid ah

Daraasad kale oo dib laga sameeyay ayaa muujineysa in garsoorayaasha ay xukunka aad u yareeyan marka uu yahay bilooyiin, taas oo ka duwan marka qofka lagu xukumayo sannado badan.

Waxaa kale oo jirta oraah caan baxday oo ahayd "cadaaladdda waxay ku xiran tahay hadba waxa garsooraha uu quraac ahaan u cuno aroortaas".

Sannadkii 2011-kii, cilmi baaris uu hoggaaminayay ayuu Prof. Jonathan Levav, oo ka tirsan machadka Dhaqaalaha ee Columbia ayaa lagu sheegay marka garsoorayaasha ay ku qadeeyaan cuntooyinka fudud, ay gaaraan go'aan lagu fasaxo dadka dembiyada loo heysto.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waa arrin la yaab leh in go'aanka garsooraha uu qeyb ka yahay cuntada uu cuno

Daraasadda aysan shaaca ka qaadin in sababta ay tahay cuntada ay saameyn ku yeelato ama ay u baahan yihiin nasiino dhanka maskaxda ah.

Prof. Shai Danziger oo wax ka qoray cilmi-baarista wuxuu sheegay in siyaabo kalena ay keeni karaan arrimahaas.

Waxyaabaha dadka ay aaminsan yihiin

Daraasad kale oo la daabacay sannadkii 2018kii ayaa lagu eegay sida aan looga run sheegin jinsiga garsoorayaasha, waxaana lagu darsay 500 oo garsoore oo 68 boqolkiiba ay yihiin rag, halka 30 boqolkiibana ay yihiin dumar, boqolkiiba labana lama sheegin jinsigooda.

Garsoorayaashaas ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay xog uruurin la sameeyay oo ku saabsaneyd waxyaabaha laga aaminsan yahay kala duwanaanta jinsiga bani'aadamka oo ay ka mid tahay "in haweenka ay u wanaagsan yihiin qoyska iyo in aabaha uu ku wanaagsan yahay in biilka reerka uu soo dhiciyo".

Andrea Miller oo qeyb ka ahayd dadkii daraasadaas sameeyay ayaa sheegtay in go'aannada ay gaaraan garsoorayaasha, inta badan lagu saleeyo hadba qofka la xukumayo lab iyo dhedig waxa uu yahay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ragga ayaa la sheegay in dumarka ay uga badan yihiin nidaamka garsoorka

Waxyaabaha kale ee waxaa ka mid ah in koox cilmi baarayaal ah ay tijaabooyinka noocaas oo kale ah ay la sameeyaan dad aan aqoon u lahayn sharciga, waxayna ogaadeen in waxa garsoorayaasha ay go'aamiyaan ay ka daran tahay waxa dadka caadiga ah ay caqligooda ku saleeyaan, kuna go'aamiyaan.

Terry Maroney oo culuunta sharciga ka dhiga jaamacdda Vanderbilt ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in garsoorayaasha cusub la baro barnaamijyo lagu xoojinayo awoodooda go'aan gaarista.

"Tallaabadan waxaa la hirgeliyay sannadkii 1960-kii, si loo xaqiijiyo in garsoorayaasha maxkamadda ay heystaan waxyaabaha asaasiga ah ee ay u baahan yihiin, si ay shaqadooda u gutaan," sidaa waxaa yiri Jeremy Fogel oo ah agaasimaha xarunta tababarka lagu bixiyo.

Tan iyo sannadkii 2013-ka, waxaa garsoorayaasha sidoo kale la barayay sida shucuurta ay dareemayaan u saameyn karaan go'aannada ay gaarayaan.

"Waxaan in muddo ah aaminsaneyn in qiirada qofka aysan meel ka soo gelin sharciga," ayuu yiri Maroney.

Maadaama dareenku qeyb ka yahay nolosha, wuxuu si wayn u saameeyaa go'aannada, sida uu sheegay Maroney. Wuxuu garsoorayaasha ugu baaqay inay eegaan qiirada heyso marka ay xukunnada ridayaan.

James Redwine oo ah garsoore hawlgab ah, ayaa ku waafaqay arrintaas, wuxuuna sheegay in uu aaminsan yahay in waxa laga hadlayo aysan ahayn in go'aannada garsoorayaasha "ay yihiin kuwa caddaalad ah, ayna hubiyaan in xukunka ay gaarayaan uusan ahayn mid la mala awaalat.

Mowduucyada la xiriira