132 tuulo oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay aysan gabadh ku dhalan

Haweenka ayaa degaanadaasi inta badan qabta howlaha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Haweenka ayaa degaanadaasi inta badan qabta howlaha

Markii ay horraantii toddobaadkan so baxeen wararka ku saabsan in wax wiil ah uusan ku dhalan 132 tuulo oo ka tirsan gobolka yar ee Himalayan ee gobolka Uttarakhand ayaa waxaa ka dhashay walaac iyo cabsi badan.

Waxa la sheegay in tuulooyiinkaas aysan saddexdii bilood ee ugu dambayay aysan wax gabadho ah ku dhalan taasi oo qasabtay in ay dowladda Hindiya bilaawdo baaritaan arrintan ku saabsan.

Tuulooyiinkan oo lagu tilmaamay "tulooyiinka aan gabdhaha lahayn " ee ka tirsan Uttarkashi, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 400,000 ayaa ka kooban 550 tuulo iyo shan degmo.

Inta badan dhulka ay tuulooyiinkani ku yaalaan waa buuraley magaalooyiinka waawayn ka fog.

Dalka Hindiya oo markii horaba ay ka taagnayd isu dheeli tirnaan la'aan dhanka jinsiga ah sababtoo ah caruurta la iska soo xaaqo oo ku badan ayaa warkan waxa uu sababay walaac dheeraad ah.

Warbixinada la so saaray ayaa muujinaya in 216 wiilal ah ay ku dhshaeen 132 tuulo intii u dhaxeysay bilihii April iyo June ee sanadkan.

Ma jirin wax gabadh ah oo mudadaasi ku dhashay tuulooyiinkan.

Balse saraakiisha ayaa ogaaday in isla mudadaasi 180 gabdhood ay ku dhasheen 129 tuulo oo kala duwan islamarkana aysan jirin wiilal dhashay.

Marka aan eegno sawirka guud 166 tuulo oo kale islamarkana ka tirsan gobolo kale waxaa ku dhashay 88 gabdhood iyo 78 wiil.

Guud ahaan 961 shaaadooyiinka dhalashada ah ayaa la diiwaangaliyay Uttarkashi intii u dhaxeysay April iyo June.

  1. "Aabahay ayaa iga dilay saygaygii aan jeclaa"
  2. Atariisho lagu 'kufsaday' dalka Hindiya
  3. Khatar cusub oo soo wajahday Muslimiinta Rohingya

Tiradaasi 479 ka mid ah waxay ahaayeen gabdho ,halka 468 ay wiilal ahaayeen.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tuulooyiinka ku yaalla Uttarkashi ayaa intooda badan ah kuwa buuraley ah

Saraakiisha ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in saxaafadda ay soo xigatay xog ku saabsan taariikhda dalashooyiinka ay uruuriyeen saraakiisha caafimaadka ee loo xil-saaray arrintan.

600 oo ka mid ah shaqaalahan ayaa loo xilsaaray in ay diiwaangaliyaan haweenka uurka leh iyo dhalashooyiinka islamarkana ay fuliyaan barnaamijyada talalka iyo kuwa xakamaynta uurka.

"Waxa aan dareemayaa in wararka ku saabsan in tuulooyiinkaas aysan ku dhalan wax gabdho ah ay warbaahinta si xun u fasireen islamarkana aysan wax badan ka fahansanayn,waxaa sidaasi BBC u sheegay Ashish Chauhan, oo ka mid ah saraakiisha saresare ee gobolkaasi,

Waxaa uu intaa ku daray in ay amreen baaritaano arrintan ku saabsan.

26 sargaal ayaa loo xilsaaray inay baaritaan ku sameeyaan sax ahaanshiyaha macluumaadkan iyo in ay wax qaldan jiraan.

Waxay baaritaan ku samayn doonaan 82 tuulo oo wararkan ka soo baxeen.

Maxaa qaldamay?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption .

Mid ka mid ah waxyaabaha suuragalka ah ayaa ah in laga yaabo in macluumaadka uu yahya mid qaldan amaba uusan dhamesystirnayn islamarkana shaqaalaha caafimaadka hadalku ka sibqaday.

Ma suuragalbaa in uruurinta tirada wiilasha ee tuulooyiinkaas ku dhashay loo xilsaaray koox ,halka koox kalana loo xilsaaray in ay soo diiwaangaliyaa gabdhaha dhashay ?

Tan labaad, gobolka Uttarkashi waa goob ay tirada dadkiisu aad u yartahay.

Isku celcelis ahaan tirada tuulo kasta ku nool waa 500 qof,halka tuulooyiin aadka u fog ayba ku nool yihiin 100 qof.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxay sheegeen in tuulooyiinka yaryar ay ku nool yihiin 10 ilaa 15 qoys.

Dadka deegaankaasi ku nool waxay sheegayaan in taariikh ahaan ay aad u yartahay kala saaridda wiilasha iyo gabdhaha.

"Haddii uu yahay wiil ama gabadh ,waxa kali ah ee aan alle ka barino waa in uu caafimaad qabo islamarkana faraxsan yahay," waxaa sidaasi u sheegtay wargeyska Hindustan Times . Roshni Rawat, oo ka mid ah dad deegaanka.

Mowduucyada la xiriira