Xiisad ka soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israa'iil

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay xiisadda kacsan tahay Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay xiisadda kacsan tahay

Madaxwaynaha Falastiini Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in Falastiiniyiinta aysan u hogaansami doonin heshiisyadii ay horey ula galeen Israa'iil.

Ku dhawaaqidda arrintan ayaa timid ka dib kulan degdeg ah oo ay Falastiiniyiinta yeesheen.

Waxay tallaabadani ka dambaysay ka dib markii ay Israa'iil burburisay dhismooyiin ay Falastiiniyiinta leeyihiin oo ay Isra'iil sheegtay in si sharci daro ah looga dhisay magaalada Qudus.

Heshiiyadan u dhaxeeyay Israa'iil iyo Falastiiniyiinta oo la saxiixay 25 sano ee ugu dambeyay ayaa waxaa soo hoos galaya arrimo badan oo muhim ah oo ay ka mid tahay iskaashi dhanka ammaanka ah.

Israa'iil wali kama aysan hadlin tallaabada maamulka Falastiiniyiinta ee ah in ay heshiisyada ka bixi doonaan.

Mr Cabaas ayaa sheegay in la dhisi doono guddi ka shaqeeyn doona sidii loo dhaqangalin lahaa go'aanka xukuumadda Falastiiniyiinta.

Xiisadda u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Israa'iil ayaa sare u kacaysay maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii la dumiyay dhismooyiin ku yaalla Wadi Hummus,oo ay maxkamad sare ee Israa'iil sheegtay in laga dhisay meel aad ugu dhaw deerta ay israa'iil ka dhistay daanta galbeed.

  1. Israa'iil oo duqeysay Marinka Qaza
  2. Israa'iil oo xukun ku ridday gabadh Falastiiniyiinta gabay ku guubaabisa
  3. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo "la maxkamadeyn doono"
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dhismooyiinkan la dumiyay ayaa ku yaalla goobaha ay Falastiiniyiinta maamulaan

Talaabada Israa'iil oo ay ku guriya beeleen 17 qof ayaa waxaa laga muujiyay walaac caalami ah.

Mr Cabaas ayaa Israa'iil ku eedeeyay tallaabadan ugu dambeysay,wuxuuna ku dhaliilay in iyaga ay jabiyeen heshiisyadasi.

Madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa horey ugu hanjabi jiray in uu ka bixi doono heshiisyadii ay la galeen Israa'iil,balse hanjabadaasi ma fulin.

Israa'iil ayaa horey uga digtay in heshiiska oo meesha ka baxa ay horseedi karto burburka xukuumadda Falastiniyiinta.