Xajka Soomaaliya laga aado muxuu uga qaalisan yahay kan dalalka gobolka?

,

Ayadoo gudashada waajibaadka Xajka ay bilaaban doonaan bisha dambe ee August ayaa Xujayda Soomaalida ee Soomaaliya xajka ka aada waxay ka cabanayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ku qabaan safarka ay ku tagaan Xajka.

Qaar kamid ah culumada Soomaalida ayaa walaac ka muujiyey qaab dhaqanka iyo lacagaha xad dhaafka ah ee ay qaadaan sharikadaha Xajka ka shaqeeya, xilli ay in badan oo bulshada kamid ah ay isu diyaarinayaan in ay gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Qaar kamid ah Xujaydaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin dhanka socdaalka ah oo ay kamid yihiin qiimaha oo aad u sarreeya aadna uga badan kan ay ku xajiyaan xujayda dalalka kale ee ayaga lamidka ah.

Waxay kaloo sheegeen in ay aad uga dib dhacaan waqtiga xajka ayagoo sheegay in bixitaankooda lagu aaddiyey xilliga uu xajku xirmayo iyo in la geeyo dalal kale oo markaas ay dib uga sii dhoofaaan.

Lahaanshaha sawirka ,

Shiikh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo kamid ah culimada Soomaalida oo BBC-da u warramay ayaa yiri: " Cabashada aan qabnaa waxay tahay marka Soomaaliya laga tagayo waxaa la is galiyaa ciriiri, diyaaradaha ayaa dib u dhaca, mararka qaarna waxay naga tuuraan meelo kale sida Nairobi oo aan markaas dib uga sii dhoofno, Xajka markii la tagana waxaa nalaka tuuraa meelo kale sida Mustalifa halkii nala gayn lahaa Mina".

Qaar kamid ah culimada ayaa sheegay in arrinta Xajka ay dawladda Soomaaliya soo faragalisay oo waxoogaa isbaddal ah ay dareemeen hase ahaatee ay wali jiraan caqabado ka haysta aadista xajka.

Culimada ayaa baaq u diray madaxda dawladda Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha, ayagoo ku baaqay in ay arrintaas soo fara galiyaan oo aanay ku fiirsan sida ay sheegeen sharikado lacag doon ah.

Waxay sidoo kale baaq kaas lamid ah u direen wasaarrada ku shaqada leh arrimaha Xajka.

Dad u dhuun daloola arrimaha Xajka ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu qiimaha xajka lagu tago ee Soomaaliya uu qaaliga u yahay ay tahay in hal sharikad oo kaliya ay ka shaqayso arrintaas, taas oo aan lahayn sharikado kale oo tartan kula jira.

Dhanka kale sharikadaha ka shaqeeya arrimaha socdaalka Xajka ayaan u hoggaansamin qiimaha ay dawladdu u jaan gooysay in laga qaado Xujayda aadaysa xajka.

Isbarbardhigga qiimaha Xajka ee deegaanada Soomaalida

1. Jabuuti: Xujayda reer Jabuuti ayaa xajka ku taga lacag gaaraysa 2,500 oo dollar oo ay ku jiraan waxyaabaha uu xaajigu u baahan yahay inta uu gudanayo acmaasha xajka, sida cuntadiisa, halka uu dagi lahaa iyo neefkii uu qali laha, sida uu BBC-da u sheegay Madaxa arrimaha xajka u qaabilsan Jabuuti.

2. Kenya: Qiimaha ay Xajka ku aadaan Muslimiinta kunool dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaalidu ayaa ah 3,000 oo dollar, waxaana qiimahaas kujira dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin xujaydu, marka laga reebo xaqul jeebka.

3. Itoobiya: dadka Xajka ka aada dalka Itoobiya oo Soomaalidu ay ku jirto ayaa waxaa laga qaadaa lacag gaaraysa 3,500 oo doollar, waxayna lacagtaas ku baxdaa arrimaha socdaalka, hoteellada iyo gadiidka halka aanay ku jirin cuntada qofka xaajiga ah.

Xujayda qaar ayaa marka ay xajka tagaan waxaa la dajiyaa teendhooyin halka kuwo kalena la dajiyo huteello, arrintaas ayay xujayda qaarkood sheegeen in ay ku xiran tahay sharikadaha diyaaradaha oo arrintaas ku kala duwan.

4. Soomaaliya: Dawladda Soomaaliya ayaa qiimaha lagu tago Xajka u jaan goysay in uu noqdo 3,300 oo dollar kadib markii ay cabasho katimid xujayda oo sheegay in laga qaado lacago xad dhaaf ah, hase ahaatee qaar kamid ah culimada oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wali qiimuhu uu aad u badan yahay sharikadaha qaarna ay qaadaan lacago intaas aad uga badan oo gaaraya 4,000 oo dollar.

Mowduucyada la xiriira