Lammanayaasha Soomaalida, Amxaarada iyo Oromada ee Diridhaba aan kula kulannay

.

Magaalada Diridhaba oo sida magaalo madaxda Itoobiya oo kale lahayd ismaamul gaar ah oo aan hoos tagin gobollada federaalka uu ka koobanyahay midkoodna, ayaa lagu yaqannay wada noolaanshaha iyo isdhexgalka bulshooyiinka kala isirka ah ee ku dhaqan oo dadka qaarkii kuba sheegi jireen magaalo kala af ah balse isku dad ah.

Balse rabshadihii dhawaan ka dhacay waxay sababeen in dabeecadihii ay ku dhaqmi jireen uu dhaawac soo gaaro oo ay qowyimadihii ku wada noolaa isfahan la'aan uu soo kala dhexgalay.

Bulshada ku nool magaaladan ayaa si weyn isku dhexgalay, weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam oo socdaal shaqo ku tagay Diridhaba ayaa la kulmay lammaanayaashan waxa ayna uga warbixiyeen sidii ay isku hanteen markoodii hore.

"Xaafad ayey la joogtay Soomaali ah markii aan la kulmayay, waan heshiinnay waxaana u geeyey Khaadiga, magaca ay hadda wadato waxaa u bixiyey Sheekha, markii hore waxay haysatay magac Amxaara ah balse waa laga baddelay, wanaag badan ayaan ka dhaxalnay guurkeena " ayuu yiri Cismaan Xassan Xuseen oo ay xaaskiisu tahay Amxaara.

Xabiiba Cabdullaahi oo ka soo jeedda Amxaarada saygeeduna yahay Soomaali ayaa ka hadashay sida ay guurkeeda ugu faraxsantahay.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay bulshada Soomaalidana aad ayaan isku fahannaa, weligayna dhibaata kalama kulmin, waxwalbana jacaylka ayaa ka weyn." ayey tiri Xabiiba Cabdullaahi.

Cumar Cabdullaahi oo deggan isla magaalada Diridhaba waxa uuna sheegay inay awalba ahaayeen dad isku dhaqan ah maadama ay ka soo kala jeedaan labo qowmiyadood oo aad ugu badan Itoobiya.

"Si wanaagsan ayaan u wada noolnahay dad isku dhaqan ah ayaan awalba aheyn, gabadhaanna Ilaahay ayaa ii qoray inan guursado waana ku faraxsanahay, cid walba uu Ilaahay isku qadaro wey is guursan karaan." ayuu yiri Cumar Cabdullahi.

Faadumo Yussuf Ismaaciil waa gabadh ka soo jeedda qowmiyadda Oromada, waxa ayna sheegtay inaysan weligeed ku fikirin inay guursato qof Soomaali ah.

"Weliggey kuma fikirinin inaan Soomaali guursado balse markaan halkan imid taasi wey isbadeshay calafkaygiina Soomaali ayuu noqday." ayey tiri Faadumo.