Trump: Mareykanka iyo UK waxa ay ka wadashaqeynayaan heshiis ganacsi oo ‘aad muhiim u ah’

Boris Johnson and Donald Trump shake hands Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boris Johnson iyo Donald Trump oo isgacan qaadaya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay soconayaan wadahadallo ku saabsan heshiis ganacsi "oo aad muhiim ah" oo uu la leeyahay UK.

Heshiis labada dal ay yeeshaan kaddib markii Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub ayaa waxaa suuragal ah inuu horseedo ganacsi ka badan "saddex ilaa afar, xitaa jeer" midka haatan jira, waxaa sidaasi sheegay madaxweynaha Mareykanka.

Kaddib markii uu Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay Boris Johnson, ayuu Mr Trump waxa uu sheegay in ra'iisul wasaaraha cusub uu noqon doono mid "weyn".

Mr Trump ayaa sheegay in ganacsiga markii hore ka dhaxeeyay Mareykanka iyo UK ay "waxyeeleysay" xubinnimadii Britain ee Midowga Yurub.

Haddaba markii UK ay Midowgaasi isaga baxdo, ayuu ku daray, waxaa laga filan karaa "inay wax badan" ka qabato gacansiga kala dhaxeeya Mareykanka.

Mr Johnson iyo Mr Trump ayaa sheegay inay "sida ugu dhaqsiyaha badan" u bilaabi doonaan wadahadallada rasmiga ah kaddib markii Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub.

Inta UK ay ka tirsan tahay Midowga Yurub ayaanay geli karin heshiisyo ganacsi oo u gaar ah. Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurubna waxaa lagu wadaa inuu dhaco 31 bisha Oktoobar ee soo aaddan.

Muxuu yahay heshiis ganacsi?

Heshiisyada gacansi ayaa waxa ay dhexmaraan laba ama in ka badan dalalka caalamka kuwaas oo isku afgarta qaabka ay badeecadaha isku dhaafsadaan iyo adeegyadaba.

Heshiisyada ayaa waxaa loogu talagalay in sare loogu ganacsiga sidoo kalana meesha loogaga saaro waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara ganacsiga.

Waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara ganacsiga waxaa ka mid ah canshuuraha la saaro alaabaha uu dalka dhoofiyo ama la soo dego ama in meesha laga saaro shuruucda ku saabsan arrimaha sida badqabka.

Maxaanay Mareykanka iyo UK heshiis ganacsi u lahayn?

Si kooban Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaanan lahayn heshiis ganacsi.

Xiriirka kastamyada ee Midowga Yurub ayaa waxa uu mamnuucayaa in dal ka tirsan Midowga uu heshiisyo ganacsi dal kale kala xaajoodo. Taa badalkeedana heshiisyada ganacsi si guud ayaa loo gala.

2013-kii Madaxweynihii Mareykanka ee waqtigaas Barack Obama, ayaa Mareykanka iyo Midowga Yurub waxa ay bilaabeen barnaamij wadaxaajood ah oo loo yaqaan Ganacsiga dalalka dhaca badda Atlantic-ga iyo Iskaashiga Maalgashiga ee loo soo gaabiyo TTIP.

Heshiiskaasi ganacsi ee la soo jeediyay ayaa waxaa hakiyay Mareykanka kaddib markii xilka madaxtinimada loo doortay Mr Trump, hasayeeshee Midowga Yubub ayaa waxa uu meel mariyay wadahadallo cusub in la galo.

Muddo intee la eg ayey qaadan kartaa in Mareykanka iyo UK ku heshiiyaan heshiiska ganacsi?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Heshiis ganacsi oo dhexmaray Midowga Yurub iyo Laatiin Ameerika oo ay Brazil ku jirto ayaa laga wadaxaajoonayay 20 sanadood.

Heshiiska Midowga Yurub iyo Canada ee meesha ka saaray 99% canshuuraha ayaa waxaa laga wadahadlayay todoba sanadood, halka heshiiskii Juun ee Midowga Yurub iyo Laatiin Ameerika uu yimid kaddib 20 sanadood oo wadaxaajood ah.

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa muddo sanado ah ku jiray wadahadallo ganacsi oo marna furma marna xirma hasayeeshee wadahadallo cusub ayaa waxaa dhawaan meelmariyay Midowga Yurub.

Xilli Mr Trump iyo Mr Johnson ay u muuqdaan inay danaynayaan inay hehsiis gaaraan, ayaa waxaa suuragal ah inay qaadato sanado, walow ay qaab ahaan fududdahay in hal dal aad la xaajootid intii aad dalal badan oo isku xiran la xaajoon laheyd.

Barack Obama ayaa 2016 sheegay in heshiiska ganacsi ee Mareykanka iyo UK ay suuragal tahay inuu qaato 10 sanadood haddii UK ay isaga baxdo Midowga Yurub.

Waqtigan la joogo waa imisha ganacsiga ka dhaxeeya Mareykanka iyo UK?

Mareykanka ayaa iskaashi ganacsi iyo mid maalgashi ballaaran waxa uu la leeyahay UK, oo markii si loo fiiriyo waaba midka ugu ballaaran.

Sida ku cad shaxdii ugu dambaysay ee uu soo saaray xafiiska istaatistikada qaran ee UK Mareykanka oo Puerto Rico ay ku jirto ayaa ah dalka iskaashiga ganacsi ee ugu badan ee dalkaasi la leeyahay.

Ganacsiga ay isdhaafsadaan Mareykanka iyo UK ayaa lagu qiyaasaa inuu 2017 uu ku kacay £183.2 bilyan, taas oo aheyd 14.6% guud ahaan ganacsiga UK.

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan Ganacsiga ayaa 2018 kharashka ganacsi ee labada dal dhexmaray waxa uu ku qiyaasay $262.3 bilyan oo u dhiganta (£211.9 bilyan).

Rugta Ganacsiga Mareykanka ayaa sheegtay in UK ay tahay dalka todobaad ee Mareykanku uu iskaashi ganacsi kala dhaxeeyo iyo weliba midka afraad ee loo beecgeeyo alaabaha iyo adeegyada Mareykanka.