Askarigii ku dhintay xabadda saaxiibtinimo

Sgt Matt Tonroe Lahaanshaha sawirka MINISTRY OF DEFENCE

Askari Ingiriiska u dhashay oo ku dhintay Suuriya oo uu kula dagaallamayey ururka la baxay dawladda Islaamka ayaa la xaqiijiyey in si khalad ah uu ugu dhintay gacanta ciidamadii uu ka tirsanaa , sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee dalkaas.

Saraakiisha Maraykanka ayaa horay u sheegay in Saajinka lagu magacaabo Matt Tonroe, uu ku dhintay miino waddada dhinaceeda lagu aasay.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Gaashaan Dhigga ayaa sheegtay in 33 jirkaas uu ku dhintay miino ay qarxiyeen ciidamadii Maraykanka ee ay xulafada ahaayeen.

Sgt Tonroe ayaa ahaa askariga kaliya ee Ingiriiska u dhashay ee shaqada ku jiray intii uu socday hawgalkaas ka dhanka ahaa ururka Daacish.

US: Baaruud sun ah ayaa ku gubaneysa Moosil

Ciidamada Mareykanka 'ma aysan aadin' Kuuriyada Woqooyi

Tillerson: Ciidamada Mareykanka way sii joogayaan Suuriya

Wuxuu dhintay asagoo ka bar bar dagaallamaya askari Maraykan ah oo la yiraahdo Jonathan J Dunbar, mar ay ku wada jireen hawgal ay wada qaadeen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka.

Saraakiisha Maraykanka ayaa geeridaas horay ugu eedeeyey miinooyin ay ayaga qudhoodu sameeyeen.

Balse baadhitaan laga sameeyey halkii uu qaraxu ka dhacay oo kutaal Manbij, Waqooyiga Suuriya, ayaa lagu ogaaday in Sgt Tonroe uu ku dhintay miino ay saaxiibadiis qarxiyeen.

Sgt Tonroe, wuxuu ku dhashay magaalada Manchester, wuxuuna ciidamada qortay sannadkii 2004-tii.

Wuxuu ku biiray Batalyanka 3-aad ee lagu magacaabo Parachute Regiment, markii uu tababarkiisa dhammaystayna, wuxuu ka mid noqday unugta shiishka qaabilsan.

Intii uu shaqadiisa ku jiray waxaa loo qaaday hawgallo ka dhacay Afghanistan iyo Bariga Dhexe.

Haweeneey Afhayeen ah oo u hadashay Wasaaradda Gaashaan dhigga ayaa intaas ku dartay in "Sgt Matt Tonroe uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray qarax miino intii uu socday hawgalkaas militari.

"Markii hore waxaa la moodayey in Sgt Tonroe ay dishay gacan cadaw, balse markii baahitaan la sameeyey waxaa la ogaaday in Sgt Tonroe uu ku dhintay qarax kama' ah oo ay sameeyey xoogaggii xulafada ahaa"