Rabshado ka dhacay xabsi ku yaalla Brazil oo ay ku dhinteen 52 qof

Xabsiga Altamira oo ay rabshaduhu ka dhaceen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xabsiga Altamira oo ay rabshaduhu ka dhaceen

Ugu yaraan 52 qof ayaa la sheegay iney ku dhinteen rabshado ka dhacay xabsi ku yaalla dalka Brazil, oo ay ku dagaallameen kooxa xabsiga ku wada jira.

Koox ka mid ah maxabiista xabsiga Altamira oo ku yaalla gobolka Para ee dalka Brazil ayaa la wareegtay qayb ka mid ah xabsiga oo ay ku jireen koox kale oo ay iska soo horjeedeen.

Mas'uuliyiinta xabsiga oo warbaahinta u warramay waxay sheegeen dadka rabshadahaasi ku dhintay 16 ka mid ah in ay u dhinteen cabbur ka dhashay dab la qabadsiiyey gurigi ay ku jireen.

Laba ka mid ah ciidamada ilaalada xabsiga oo ay maxabiista qabsadeen ayay boolisku sheegeen iney ilaa iyo hadda ka sii daayeen.

Rabshaduhuna waxay ka billaawdeen kooxda CCA oo dab qabadsiisay dhisma ay ku jiraan kooxda CV oo ay iska soo horjeedaan.

Dabki guriyaha la qabadsiiyey oo xabsiga qaybahiisa kale ku faafay ayaa sababay iney dhintaan dadka ugu badan.

Booliskana waxay sheegeen iney ka war heleen oo keli ah xabsiga oo gubanaya balse ay helin wax calaamad ah oo muujinaya iney xabsiga rabshada ka dhacayaan.

Muuqaal laga soo duubay xabsiga ayaa muujinaya dab iyo qaac isqabsaday oo xabsiga gudahiisa ka baxaya.

Xabsiga Altamira oo awoodo in lagu hayo 200 oo maxbuus ayaa la sheegay iney ku jiraan 309 maxbuus, inkasta oo ay mas'uuliyiinta xabsiga ay diideen inuu xabsiga buux dhaafay.

Madaxda kooxaha rabshadahaasi ka dambeeyey ayaa loo wareejiyey xabsiyada ay dowlada dhexe gacanta ku hayso iyaga oo lagu hayo xabsiyo gaar ah.

Rabshadaha ka dhaca xabsiyada ku yaalla dalka Brazil ma aha wax cusub. Dalka Brazil oo ah waddanka seddexaad ee dunida ugu maxbiista badan waxaa xabsiyada dalkaasi ku jira dad ka badan 700,000 iyada oo xabsiyada dalkaasi ay yihiin kuwa aan maxbiista ku filneyn oo buux dhaafay.

Iska horimadyada dhexmara kooxaha xabsiyada ku dagaallama iyo rabshadaha ka dhasha ayaa iyaduna dalkaasi ka ah mid caadi ka ah.

Rabshado kuwan la mid ah oo 2017-kii ka dhacay xabsi ku yaalla dalka Brazil waxaa ku dhintay 130 qof.

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro oo ay siyaasaddiisu tahay midigta-fog ayaa amar ku bixiyey in ammaanka xabsiyada la adkeeyo, isaga oo amray in xabsiyo kale laga dhiso dalka Brazil.

Rabshadaha ka dhaca xabsiyada ku yaalla dalka Brazil maxaa sababa?

Inta badan maxabiista ku jirta xabsiyada dalka Brazil ayaa lala xiriiriyaa dambiyo la xiriira daroogada haddana waxaa la sheegaa iney tirada maxabiista ay 20-kii sano ee ugu dambeeyey ay sare u kacday.

Waxayna rabshaduhu inta badan ka dhashaan:

  • Xabsiyada oo buux dhaafay ama ciriir ah
  • Iska horimaadyo xabsiga ku dhex mara kooxa iska soo horjeeda iyo
  • Xabsiyada oo aan lahayn adeeg maxabiista ku filan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan