Hindiya, qofkii '10 geed talaala' ayaa heli kara shatiga hubka

Dadka waa in ay keenaan caddeyn ah in ay geed beereen Lahaanshaha sawirka Courtesy: Chander Gaind
Image caption Dadka waa in ay keenaan caddeyn ah in ay geed beereen

Maamulka gobolka Punjab ee dalka Hindiya ayaa shuruud layaab leh kusoo rogey dadka qaadanaya shatiyada hubka, taas oo ah in qof kasta uu geed beero, markaasi kadibna la siin doono shatiga qoriga uu u baahanayahay.

Dadka gobolkan ayaa la sheegay in ay aad u jecelyihiin qoryaha iyo gaadiidka, sidaas darteed guddoomiyaha degmada Ferosepur ninka lagu magacaabo Chander Gaind waxa uu leeyahay "Sidaas oo kale waa in geedahana ay u jeclaadaan".

Qof kasta waxaa laga rabaa in uu beero illaa 10 geed, kadibna keeno caddeymo sawirro ah oo muujinaya shaqada uu qabtay.

Mas'uulkan ayaa sheegay in dhir beerista loo baahanyahaya madaamaa waddooyin badan oo la bixiyay awgood ay keentay in dhir badan la jaro.

360,000 qof oo gobolkan ku nool ayaa haysta shatiga hubka, waana tirada ugu badan dalka Hindiya oo dhan.

Illaa 100 qof ayaa gudbisay arjiga shatiga hubka, kuwaas oo geeyay caddeymo la xiriira in ay geedo beereen tan iyo intii la shaaciyay amarkan.

In aad talaasho oo kaliya ma ahan, ee waa in sidoo kale uu qofka xanaaneeyo geedka oo uu biyo waraabiyo, geedkana uu noqdo mid baxay.

Mowduucyada la xiriira