Xildhibaan Hindiya ugu noqday si uu isaga bixiyo deyn 30 sano kahor lagu yeeshay

. Lahaanshaha sawirka RAVIKANT GAVALI
Image caption Richard oo la jooga qoyska Gavali

Dhaqanka dadka beeraleyda ah waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay mid sal adag oo soo jireen ah, sida ka muuqata qisadan cajiibka ah.

Kashinath Martandrao Gavali, waa nin 75 jir ah oo daggan xaafadda Wankhedenagar ee magaalada Aurangabad - oo ah magaalo ka tirsan gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya.

Gurigiisa oo ka kooban afar dabaq, qeybtiisa hoose waxaa ku yaalla dukaan, halka qeybaha korena ay ka kooban yihiin guryo kiro loogu jiro.

Galabnimo Aaxad ah, 12-kii bishan Luulyo, Kashinath wuxuu usoo hoyday gurigiisa. Cabaar markii uu nastay ayaa xilli fiidnimo ah loo keenay casho.

Maadaama uu da' yahay, habeenkii xilli hore ayuu casheeyaa, si uu dhakhsaba u seexdo.

Isagoo cuntadii u fadhiya ayuu wiilkiisa u yimid, wuxuuna u sheegay inuu albaabka taagan yahay qof raba inuu isaga la kulmo.

Markii uu Cashada dhammeystay ayuu hoos ugu dagay dukaankiisa, si uu ula kulmo martida u timid.

Dukaanka waxaa ku sugayay nin da' dhexaad ah oo ajnabi ah.

Waxaa la socotay haweeney, laakiin Kashinath labadoodaba aqoon uma uusan lahayn, wuuna la yaabanaa waxa ay ka rabaan.

Muddo 5 ilaa 7 daqiiqo ah ma aysan hadleynin, way oynayeen iyagoo wajigiisa eegaya.

Lahaanshaha sawirka RICHARD TONGI/RAVIKANT GAVLI
Image caption Xildhibaan Richard iyo Mr Gavali

Inkastoo uusan aqoonin dadka ay yihiin, qudhiisa waxaa ku dhashay dareen murugo leh.

Laakiin markii uu ninka da' dhexaadka ah sharraxay qofka uu yahay, Kashinath Gavali si deg deg ay ayuu wax walba usoo xasuustay.

Sheekadan waxay billaabatay sannadkii 1985-kii.

Xilligaas xaafadda Wankhedenagar, oo u dhow Mac-hadka Maulana Azad, maamul cusub ayaa la wareegay, guryihii ku yaallayna waxaa la wada siiyay dadkii deegaanka.

Laakiin inta badan dadkii guryaha la siiyay waxay ka kireeyeen ardayda dhiganaysay Mac-hadka dariska la ah, kuwaasoo ay qaar badan ajaanib ahaayeen.

Richard Nyagka Tongi wuxuu ka mid ahaa ardayda aan Hindiya u dhalanin ee Mac-hadkaas wax ka baran jiray.

Sannadkii 1985-kii, Richard wuxuu ka tagay Kenya si uu halkaas cilmi uga soo barto.

Wuxuu ku noolaa guri kiro ah oo u dhow dukaanka Mr Gavali.

Marar badan xilliga uu u baahan yahay lacag kama uusan heli jirin qoyskiisa Kenya jooga.

Sidaas awgeed, xilliyada qaar wuxuu waxyaabaha muhiimka ah deyn ahaan uga qaadan jiray dukaanka Gavali.

Kashinath Gavali wuxuu Richard siin jiray wax kasta, sida Caanaha, Rootiga Ukunta iyo wixii lamid ah, mana uusan ka shakin jirin.

Richard wuxuu dib ugu laabtay Kenya, ka dib markii uu waxbarashadiisa dhammeystay 1989-kii.

Balse markii uu kharashaadkiisii dib u xisaabiyay, wuxuu ogaaday ay soo raacday lacag dhan Rs. 200(oo hadda u dhiganta $3 doolar) taasoo uu deyn ahaan uga qaatay Gavali.

Laga soo billaabo xilligaas, wuxuu mar walba rajeyn jiray inuu deyntaas iska bixiyo.

Ugu dambeyn, waxyaabo badan ayaa isbaddalay.

Richard wuxuu galay siyaasadda, wuxuuna muddo ka dib noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Xitaa markii uu noqday nin darajo sare leh, wali wuxuu xasuusnaa deyntii uu ku lahaa Gavali.

Xaaskiisa wuxuu ku dhihi jiray: "Sideen Alle u hortagi karaa haddii aanan iska bixin karin deyntaas?".

Wuxuu sidoo kale ku duceysan jiray inuu helo fursad uu ku booqdo Hindiya.

Hindiya, 30 sano ka dib

Lahaanshaha sawirka RAVIKANT GAVALI
Image caption Xildhibaanka ayaa masaafe dheer u galay inuu la kulmo ninkan

Ugu dambeyntiise, muddo 30 sano ah ka dib, Richard wuxuu bishan gudaheeda helay fursaddii uu wax badan sugayay.

Hadda wuxuu guddoomiye ku xigeen ka yahay guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda ee baarlamaanka Kenya, wuxuuna isagoo wafdi la socda booqasho ku tagay Hindiya.

Markii uu shaqadiisa ka dhameystay magaalada caasimadda ah ee Delhi, wuxuu aaday magaaladii uu wax ku baran jiray, isagoo ay la socoto xaaskiisa, oo dhakhtarad ah.

Wuxuu raadiyay gurigii uu dagganaa Gavali ee ku yaallay xaafadda Wankhedenagar.

Wuxuu xasuustay magaciisa saddexaad oo kaliya, kaasoo ah 'Gavaya', sidaas awgeedna dadka deegaanku ma aysan aqoonsan karin qofka uu raadinayo.

Laakiin markii uu u tilmaamay sida uu u ekaa iyo habkii uu dukaankiisa dadka ugu adeegi jiray, qof walba wuu aqoonsaday inuu yahay Gavali.

Nasiib wanaag, marka uu Richard sharraxaadaas bixinayay waxaa goobta ku sugnaa nin ay ilmo adeer yihiin Gavali.

Wuxuu isla markiiba u kaxeeyay guriga uu dagan yahay odayga.

Wiil uu dhalay nin beeraley ah

Lahaanshaha sawirka RAVIKANT GAVALI
Image caption Xildhibaanka iyo xaaskiisa waxaa lagu marti qaaday Casho

Richard iyo Kashinath labadooduba way ku farxeen inay dib u kulmaan.

Kashinath wuxuu Richard u kaxeeyay gurigiisa, si uu shaah u siiyo.

Wuxuu sidoo kale aad ugu farxay inuu xildhibaan noqday.

Xildhibaan Richard wuxuu guriga Kashinath ku sugnaa muddo 3 saacadood ah.

Markii dambe wuxuu u sheegay inay jirtay deyn uu dukaanka ka qabay oo gaareysa Rs. 200($3 doolar).

Wuxuu damcay inuu siiyo 250 Euro(oo u dhiganta $278 doolar), balse Kashinath wuu diiday inuu qaato lacagtaas, wuxuuna u sheegay inuu ku faraxsan yahay marba haddii uu Richard masaafadaas dheer usoo galay la kulankiisa.

Laakiin Richard wuu ku adkeystay inuu lacagta siiyo.

Richard wuxuu yiri: "Waxaad i cawisay wakhtigii adkaa, mana illoobi doono taas. Waxaan ahay wiil uu dhalay nin beeraley ah, waligeyna kuma noolaan karo anigoo deyn la igu leeyahay. Sideen Alle ku horistaagi karaa haddii aanan iska bixinin deynta aad igu leedahay?.

Kashinath qudhiisu oohin ayuu la dhacay markii uu erayadaas maqlay. Si farxad leh ayuuna u qaatay lacagtii.

Intii uusan soo bixin, Richard wuxuu qoyska oo dhan ku casuumay inay Kenya kusoo booqdaan.

Mowduucyada la xiriira