Maxay tahay farriinta Eritrea ay ku gudbineyso cududda ciidan ee ay soo bandhigtay?

Dhoollatuska ciidan ee Eritrea Lahaanshaha sawirka Yemane Gebremeskel

Dabbaaldegga sanad guurada 25-aad ee ka soo wareegtay sanadki ay Eritrea madaxbannaanida ka qaadatay Itoobiya ayaa mudda toddobaad ah ka socday dalkaasi.

Waxayna Eritrea munasabadda ku soo bandhigtay dhoolla tus ciidan oo ka duwan kuwi ay ku soo bandhigi jirtay munaasabadaha noocan ah.

Madaxweyne Isaayaas Afawarqi oo munaasabadda ka hadlay wuxuu sheegay shaqada qaran ee ay ciidamadu ee ay shacabka ka qayb qaadanayeen 25-ka sano iney horumarka dalka qayb weyn ka qaadatay.

Howsha qaran uu muwaaddin kasta oo Eritrea uu qabanayo oo ah mid laba sano qof walba laga rabo, haddana dadka dhaleeceeya waxay sheegayaan inuu sharciga uu dhigayo muwaaddin kasta oo ay da'diisu gaarto 18 sano inuu laba sana oo shaqa qaran ama ciidan uu soo maro, balse dadka qaar ay 10-ka sano ka badan ay shaqeeynayaan.

Labad dal waa Itoobiya iyo Eritrea oo ay in mudda ah u dhaxeysay colaad ka dhalatay sheegasha dhul ayaa dhawaan heshiis kala saxiixday inkasta oo aan arrinta dhulka ee la isku haystay xal waara laga gaarin.

Maxaa looga baahday in cudud ciidan la soo bandhigo?

Munaasabadda toddobaadka xorriyadda ee dalkaasi oo lagu qabtay magaalada Saawa waxay xukumadda Asmara ay ku soo bandhigtay cudud ciidan.

Waxaana dhuulla tuska ciidan ka qayb qaatay taangiyo, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaradaha dagaalka ee miigga loo yaqaanno iyo gaadiid gaashaaman oo aad u badan.

Ciidamada dalladda ku boodana waxay halkaasi ku soo bandhigen iyaga oo diyaaradaha xarig kaga boodayo iyada oo ay diyaaradaha dagaalkana dul heehaabayeen halka uu dabbaldagga uu ka socday.

Dadka qaar ayaa isweyddiiya xilliyadi ay Itoobiya colaadda kala dhaxeysay iney ciidan soo bandhigto la yaab malahayn laakiin hadda oo ay Itoobiya heshiiyeen sababta looga baahday Eritrea iney cududdeeda ciidan ay soo bandhigto.

Dadka sida gaarka ah ay arrintan ugu noqotay arrin ugub ah waxaa ka mid ah Dr Alex Dival oo ka faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika ahna agaasimaha World Peace Foundation.

"Dhoollatuska iyo ciidamada la soo bandhigay xilli ay gobolka nabad ka dhalatay waddamadana ay colaaddi u dhaxeysay nabad ku soo afjreen in dhoollatus ciidan la sameeyo waa arrin ugub (odd) ah" ayuu yiri.

"Xiriirka nabadeed ee ay la billaawday Itoobiya, Xiriirka Suudaan ay la lahayd oo soo wanaagsanaaday, iyo madxweynihi dalka Suudaan hoggaanka u soo hayey Cumar Al-bashiir xilka laga tuuray maamul rayad ahna lagu beddeli rabo arrimahaasi oo dhan isbiirsaday iney Eritrea dooneyso iney xiriir cusub la yeelato waddamada gobolka." ayuu yiri.

Image caption Kashil Tronvole, Alex Dival, Kart Lindyar, Mikela Rong iyo Dan Konel

"Waxaana intaa dheer xilli ay Eritrea waddamada dariska, kuwa bariga dhexe gaar ahanna Sacuudi Carabiya iyo Imaaradka Carabta xiriirka ay la lahayd uu soo wanaagsanaaday in dhoolla tus ciidan oo noocan ah in la soo bandhigo inaan loo baahneen."

Guud ahaan, dhoollatuska ciidan ee Eritrea waxaa lagu macneeyn karaa ayuu yiri "mid uu madaxweynaha uu ku doonayo inaan la illaawin aanna loo dayma la'aan maqaamka dalka Eritrea uu kaga jiro siyaasadda geeska Afrika iyo bariga dhexe intaba.

Wariye Kart Lender oo bogga 'the Africanist Info' uu fadhigiisu yahay Nairobi wuxuu sheegay "Saansaanta nabadeed ee sanadki hore la helay waxaa loo soo maray marxalado kala duwan marka tillaabbooyinka noocani ee wax u dhimi kara nabadda in la qaado inaan loo baahneen. Waxaan u mleeynayaa iney sugayaan isku haysashada xukunka Itoobiya halka uu ku biyo shuban doono." ayuuna sii raciyey.

"Tani iyo marka ay madaxda labada dal ay qaateen heshiis nabadeed waxaa la filayey iney dhalinyarada dalkaasi u soo kordhiyaan nidaam cusub oo ka badbaadin kara askarinimada qasabka ah ee ay la kulmaan." ayey tiri Michela Rong.

"Madaxweyne Isaayaas Afwarqi marki uu saxiixay heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo hadda sanad laga joogo waxa laga filayey inuu shacabka dalkaasi mideeyo siyaasad cusubna uu u gogol xaaro" ayuu leeyahay Dan Konel.

"Haseyeeshee, halki siyasadda madaxweynaha laga filayey iney waxun iska beddelaan haddana iyada oo ay jirin wax dagaal ah in dhoollatus ciidan la sameeyo aan loo baahneyn."

Guud ahaan waxay khubaradu leeyihiin dhoollatuska ciidan iyo hubka faraha badan ee ay soo bandhigtay xukumadda Asmara lagu macneeyn karo "inuu madaxweynaha leeyahay aniga weli awooddeyda waa sidi."

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan