3 Qodob oo ay dowladda Federaalka ku diidday doorashada Jubbaland

. Lahaanshaha sawirka Maxamed Qani
Image caption Dowladda Federaalka ayaa kasoo horjeedsatay hannaanka doorashada Jubbaland

WasaaraddaArrimaha Gudaha Federaalka & Dib u Heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay xulashadii xildhibaannada Jubbaland iyo doorashadii maanta ee gudoonka baarlamaanka maamul goboleekaasi.

War saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Federaalka, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay BBC-da ayaa lagu sheegay in dhammaan howlaha ka socda Jubbaland ee la xiriira doorashada ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga.

Balse guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland ayaa dhankooda horay u sheegay inay dastuurka waafaqsan yihiin, ayna howshooda u fuliyeen si sax ah.

War Saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sida hoos ka muuqata:

Tixraac warqada sumadeedu tahay WAGF&D/XW062/19 soona baxday 06/07/2019.

Tixraac habraacyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u- heshiisiinta ee soo baxay 25 May 2019 iyo 24 July 2019 oo dhamaantood ku saabsan habraaca doorashada Baarlamaanka, shir-guddoonka iyo Doorashada Madaxtooyada Jubbaland,

Tixraac war saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee tirsigiisu yahay WAGF&D/XW/071/2019 soona baxay 8dii August 2019.

Lahaanshaha sawirka Ahmed Maxamuud Jaamac
Image caption Amniga doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa si weyn loo adkeeyay

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxaa ay si dhaw ula socotay dhacdooyinkii ka dhacaayay Dowlad Goboleedka Jubaland waxaanay cadaynaysaa:-

1- In habraacyada loo maray xulista liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulayay aanay waafaqsanayn diiwaanka dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

2- In aan dariiq sharci ah loo marin dhammaystirka soo xulista xubnaha Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Jubbaland.

3- In doorasha kasta 00 ku dhacda sifo baalmarsan dastuurka Federalka Soomaliya, habraacyada doorashooyinka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta soo saartay ay yihiin waxba kama jiraan (null and void).

Haddaba, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiintu ma aqoonsana natiijo kasta oo sharciga baalmarsan.

Sidaa daraadeed, si looga feejignaado qalaalase iyo xasillooni darro ka dhacda Dowlad Goboleedka Jubbaland, Dowlada Federalka Soomaaliya waxaa ay ku baaqaysaa in la qabto dib-u-heshiisiin dhab ah o0 ay ka qayb qaataan dhammaan Bulsha weynta Jubaland.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxaa ay - diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato, goob-joogna ka nogoto in ay Jubbaland ka soo baxaan doorashooyin wadar-oggal ah, lagu qanacsan yahay oo ay ka qayb qaateen dhammaan murashaxiinta Baarlamaanka, Shir-guddoonka iyo Madaxtooyada oo ku salaysan xor, xalaal, hufnaan laguna wada kalsoonaan karo, kuna dhacda jawwi nabdoon.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo maanta dhacday

Lahaanshaha sawirka JUBBALAND
Image caption Madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa kulamo la yeeshay wafdiyo kala duwan

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, ayey baarlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland ku doorteen guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55.

Cabdiraxmaan waxaa doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna codadkii la tiriyey ka helay ilaa 18 cod.

Waxaa xusind mudan in Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 1-aad ee Jubbaland, oo mar kale ayuu soo noqday.

Waa warbixin degdeg ah oo hadda ina soo gaartay, faafaahin dheeraad ahna waxaad naga filaysaan goor dhaw. Fadlan cusboonaysii bogga si aad xogta oo dhameystiran u heshid.

Mowduucyada la xiriira