Doorashada madaxweynaha Jubbaland oo lagu wareejiyay “guddoonka baarlamaanka cusub”

.
Image caption Guddoonka baarlamaanka Cusub ayaa la wareegay doorashada madaxweynaha, sida lagu xusay war saxaafadeedka

War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka Jubbaland oo ku muddeysan 18-kii bishan Agoosto ayaa lagu qeexay in guddiga doorashada ee maamul goboleedkaas ay howsha doorashada madaxweynaha ku wareejiyeen guddoonka cusub ee baarlamaanka dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo.

War saxaafadeedka lagu qeexay arrintan ayaa u qornaa sidan:

Kulan ay isugu yimaaddeen guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Dawlad Goboleedka Jubaland iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland Taariikhdu markey ahayd 18.08.2019

Kulankan ayaa labada dhinac isku xog wareysteen isla markaana ay aad u falangeeyeen arimaha xariira doorashooyinka, hawiaha soo qabsoomay iyo caqabadaha jira ee u baahan in si wadaj ir ah looga gudbo iyadoo la xeerinayo danta shacabka Jubaland_Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Jubaland iyo guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa isku waafaqay in guddiga Madaxa Banaan ee Xaduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ay sida ku cad beer lambar 7, Qodobkiisa 14aad, Farqadiisa (J) ay guddigu xaq u Ieeyihiin iney maamulaan doorashada Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Dawladaha hoose.

Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoonka cusub ee Baarlamaanku iyadoo tixgalinaya soo jeedinta beesha Caalarnka co ahayd inuu muutido doorka baarlarnaanka ee qabashada doorashada Madaxweynaha co dhaceysa Khamiis. 22/08/2019,

Sidaa daraateed ayada oo aan waxbo laga badaleynin habraacyadi iyo Jadwalka Doorashada , Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland iyo Guddiga

Doorashooyinka waxey isku waafaqeen in Baarlamaanka lagu wareejiyo hoggaaminta doorashada Madaxweynaha iyadoo guddiga Madaxa banaan ee Xaduudaha iyo

Doorashooyinkuna kala shaqeeyaan dhinaca farsamada iyo hawlaha kale ee looga maarmi waayo.

Lahaanshaha sawirka JUBBALAND
Image caption Wufuud kala duwan ayaa booqatay Kismaayo

Muddo kordhintii doorashada

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ay muddo kodhin Saddex cisho ah ku daray wakhtigii isdiiwaan galinta ee musharraxiinta aan horay isku diiwaan gelinin.

Warkan ayaa waxaa lagu shaaciyay qoraal uu soo saaray guddiga kaas oo lagu sheegay in wakhtiga isdiiwaan galinta uu billowday maanta oo ay bishu tahay 17-ka Agosto, kuna egyahay 19-ka isla bishan.

Muddo kordhintan ayaa ku soo aadday iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Kismaayo ku sii qul-qulayeen Madaxda beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasi oo isku deyayay in ay xal u helaan khilaafka taagan.

Mowduucyada la xiriira