Saaxiibtinimada cusub ee Soomaalida iyo Oromada ma sii soconkartaa?

Madaxweyne Mustaf iyo madaxweynaha oromia

Dalka Itooobiya wuxuu isbeddel ka dhacay mudda hadda sannad iyo xoogahaa laga joogo isbeddelkaasi oo sababay inuu dalku ku tallaabsado furfurnaan siyaasadeed, balse waxaa isbeddellada hareeyey isku dhacyo beeleedyo dalkaasi ka dhacayey oo ay boqollaal qofna ku dhinteen malaayiinna ku barakaceen.

Qowmiyadaha sida weyn ay colaadda in mudda ah uga dhax taagneyd waxaa ka mid ah Soomaalida iyo Oromada.

Tani iyo inta uu hoggaanka deegaannada Soomaalida iyo oromada ay ka dheceen isbedellada, xilalka ugu sarreeyana la wareegeen madax cusub waxaa billaawday tallaabbooyin la isugu soo dhaweynayay labada shacab ee ay colaaddu kala fogeysay.

Wafdi ka socda deegaanka Soomaalida oo ka kooban qaybha bulshada oo uu hoggaaminayo madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa booqday magaalada Adaamaa ee degaanka Oromada, halka ay Wafdi ka socdo deegaanka Oromada oo ka kooban qaybaha bulshada oo uu hoggaaminayo madaxweynaha deegaanka Oromada Shimelis Fayisa ay booqasha la mid ah ku tageen Jigjiga iyo goobo kale oo deegaanka Soomaalida ka tirsan.

Labada Madaxweyne oo ay BBC wareysi la yeelatay ayaa ka warramay sida ay u arkaan kulammada isdabajoogga ah ee dhex maray iyo sida ay xal uga noqon karaan collaaddii labada shacab ee labada deegaan ka dhex taagneyd.

Lahaanshaha sawirka XAFIISKA MADAXWEYNE MUSTAFE CAGJA

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar Wuxuu yiri:

"Colaadda labada qowmiyadood ka dhex taagneyd kuma billaaban dhul la isku haysto ee waxay ahaayeen kuwa ku saleysnaa siyaasaddi xilligaasi taagneyd iyo iskaajaambuureysi khaldan oo inaga Soomaali ahaan la galnay xukumaddi xilligaasi sii dhacayey markaa iyada welina waxyaaba u baahan in la xalliyo sida dhulka oo kala ah meelaha qaarkood ma badna," ayuu yiri madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar.

"1400km ayaan oo xad ah wadaagnaa deegaanka Oromada laakiin meelo kooban oo u baahan in la xalliyo wey jiraan hadda xilligan waddanka uu kalaguurka ku jiro oo kale in la galo waxaa ka habboon in marka hore xoogga la saaro walaaltinimada dadka iyo isu soo dhawaanshaha kaddibna si caqligal oo laga wada hadlay loo xallinayo hadhoowtoole."

Mar uu ka hadlayay arrimaha barakacayaasha wuxuu yiri: "Arrinta barakacayaasha wax looga qabanaya waa la wadaa barnaamij dowladda dhexe ay hoggaamineyso oo la qabtay baa jira dhinaca Oromada dad badan bey dib u dejiyeen maadaamaa ay xilli horaba ay howl galeen."

"Maadaamaa isbeddelka uu dhacay, muddana ay qaadatay in nidaam la dhiso cagajiid baa ka jiray, saasooy tahay ugu yaraan 650,000 in ka badan oo dad ah oo ku barakacy colaaddaasi hadda illaa 300 oo kun waa la celiyey inta kale howshoodaa gacanta ayaa lagu hayaa.

Waxaa jiro dad badan oo dalbanaya in magdhow la siiyo oo dhibaato ay ka soo gaartay qalalaasihii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhexmaray.

madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa yiri: "Dowladda Siyaasaddeeda waxaa weeye inaan magdhaw hadda cidna la siin kareyn dhaqaala lagu siiya magdhawna aan la hayn habayaraatee, laakiin cidwalba in dib u dajin loo sameeyo wixi loo qaban karana loo qabto."

Sida uu xaqiijiyay madaxweyne Mustafe, "Dhinaca Soomaalida iyo Dhinaca Oromada dagaalladi ka dhacay cid labada deegaanba looga xiray ma jiraan dadka Addis Ababa ku xiran uma xirna dhibki deegaanka ka dhacay balse waxay u xiran yihiin dacwad ay ku soo oogtay xeer ilaaliyaha guud ee federaalka oo la xiriirto dhacdadi jigjiga."

Lahaanshaha sawirka Tweeter

Madaxweynaha Deegaanka Oromada Shimelis Abdisa wuxuu yiri:

"Kulammada noo billaawday Deegaannada Oromada iyo Soomaalida oo aan xal ugu raadineyno colaadihi labada shacab ee walaalaha ah ka dhex taagnaa waa arrin aad u wanaagsan oo labada shacab ee walaalaha ahba dan u ah," ayuu yiri Shimelis Fayisa oo BBC wareysi siiyay.

"Labada deegaanna waxay wadaan tillaabbooyiin shacabka la isugu soo dhaweynayo laguna dhammeynayo khilaafki in mudda ahba soo taagnaa."

Muddo ka badan sannad, waxaa kala xirnaa jidaka isku xira Addis Ababa iyo Jigjiga taas oo ka dhalatay colaaddii ugu dambeysay ee labada qowmiyadood dhexmartay. Balse madaxweynaha oromia ayaa ballan qaaday in waddadaas la furi doono.

"Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay labada xukumadood wadaan waxaa ka mid ah in waddooyyiinki sanadaha xirnaa la furo isu socodka labada shacab dib uu u billaawdo, dadka barakacay in deegaannadooda lagu celiyo, inaan horumarinta deegaannada xadka iska kaashanni iwm," ayuu yiri.

"Balse dib u celinta dadka barakacay waxaa ka horreeya iney labada shacab helaan nabad ay isku halleyn karaan oo wanaaggi iyo wada noolashaha labada shacab dib u soo celiso, iyada oo ay jiraan labada dhinacba dad badan oo durbabab deegaannadi ay ka soo qaxeen dib ugu laabtay."

Madaxweyne Shimelis ayaa inta ku daray: "Colaadaha socday ee labada deegaan iyo labada shacab dhex marayey kama dhaceyn dhulka la isku haystay ee ay aftida ka dhacday wakhti hore."

"Labada deegaan waxay wadaagaan xad aan ka yareyn 1600 oo km meelaha xadka ee la isku hayo aad ayey u yaryihiin meelaha heshiiska lagu yahay oo ay dhibka ka jirin ayaa ka badan."

"Colaadda labada deegaan ka dhex dhacayna waxay ahaayeen kuwa siyaasadeysan oo Addis Ababa laga hagayey ma ahayn mid shacabka ama labada deegaan ka dhaxeeyey labada deegaan iyo labada shacab wey fahmeen iney iyagu wax ka dhaxeyn wixi yaryar ee u dhaxeeyana ay si walaaltinimo ahay u xallin karaan."

"Labada qowmiyadood oo qarniyo badan cadaadis isku mid ah uu soo saarnaa sidi ay nabadgalyo iyo horumar ugu wada noolaan lahaayeen Ayaan ka shaqeyneynaa," ayaa ka mid ahaa haddalladii Shimelis.

"Dalka Itoobiya deegaannada ka tirsan degmooyinkooda iyo tuulooyinka hoos yimaadda qaar laamiyo ayay haystaan, koronta iyo biyana wey haystaan laakiin markaad degmooyin badan oo labada deegaan ka tirsan aad eegto wax horumar kama jiro."

"Marka labada shacab iyo labada deegaanba waxaa dan u ah dhulkooda Itoobiyada kale dib uga dhacay ay horumar u gaarsiin lahaayeen horumarkaasi oo labada shacab dan u ah ay u aayayaan."

Meelaha la isku haysto waxaa ka mid ah magaalada Mooyaale oo labada maamulba ay sheeganayaan. Waxaa halkaas ka dhacay colaaddo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Dad badan ayaa aaminsan in arrintaas oo aan xal laga gaarin in uusan heshiiskan miro dhal noqon karin.

Madaxweynaha Oromiya ayaa yiri: "Arrinta Mooyaale labada deegaan waa ay ka wada shaqeynnayaan sidi xal waara looga gaari lahaa inta uu deegaanka Soomaalida isbeddelka uu ka dhacyan xaaladda Mooyaale sidi hore waa ay ka soo reyneysaa labada deeganna waxay ku ballameen iney horumarinta degmada ka wada shaqeeyaan."

Labada shacab haddii ay nabadgalyo horumar helaan dhibka wuu yaraanayaa ka deegaan ahaan horumarka Ayaan ka shaqeyneynaa xalka waara ee sheegashada labada deegaan ee degmada Mooyaalana xal sidi looga heli laha waan ka wada shaqeyn haynaa.

Waxaanna howlaha xukumadaha labada deegaan ay wadaanna waxaan la kaashaneynaa abbaa gadaha qabiilka Booranta iyo Suldaanka beesha garra oo magaalada Mooyaale wada dago odayaashana si wanaagsan ayay noola shaqeyn hayaan labada beeloodna nabadda wey ka go'an tahay.

Annaga oo dowladda dhexe kaashaneyna waxaa socda waddooyin badan oo isku xidhay labada deegaan oo isu socodka iyo ganacsiga fududeynayo taasoo labada shacab dan u ah, marka waddooyinkaasi marka ay dhismahooda so gabagaboobaan waxaan filayaa iney shacab sidi hore si ka wanaagsan iisu dhex geli doonaan, wixi xal siyaasadeed u baahanna ay labada deegaan ku heshiiyeen kana shaqeyn hayaan.

Mowduucyada la xiriira