Odayaal soo xulay baarlamaanka Soomaaliya oo aaday Al-Shabaab oo loo diiday inay Baledxaawo dib ugu soo laabtaan

Baarlamaanka federaalka

Qaar ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ee uu u yeeray ururka Alshabaab kaddibna u tegay ayaa hadda ka cabanaya in loo diiday inay ku laabtaan deegaannada ay dowladda ka arrimiso, ee ay markii hore ka tageen.

Sagaal iyo toban oday oo ka tegay magaalada Baledxaawo ayaa maamulka magaaladaasi waxa uu u diiday inay magaaladaasi galaaan.

Diiriye Salaad Raage oo ka mid ah odayaashi ayaa sheegay in loo diiday inay dib ugu laabtaan magaaladaasi ayaa waxa uu u warramay BBC-da.

"Wax digniin ah oo ay noo sheegeen ama wax yeerid ah ama ay noo sheegeen inaanan meeshaas aadin ma ay jirto." ayuu yiri Diiriye Salaad.

Diiriye ayaa gaashaanka u daruuray in maamulka deegaankaasi uu xaq u leeyahay inay ka hor istaagaan inay magaaladaasi galaan: "Waxay xaq u lahaayeen haddii dad ay ka warqabaan aan ahaan lahayn oo amnigooda ay sugahayaan, oo noloshooda ay og yihiin oo ay daryeelahayaan oo ay ka warqabaan haddii aan nahay ayey xaq u lahaan lahaayeen."

"Haddii aanay naga warqabin oo dad laga kala tegay aan noqonnay oo qofba habeen la qabsanaayo oo la iska gowracaayo aan noqonnay inay na dhibaateeyaan un miyey xaq u leeyihiin." ayuu yiri Diiriye Salaad.

Dhanka kale, maamulka degmada Baledxaawo oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay arrintaasi ka hadlaan.

Mar la waydiiyay waxa ay kala soo kulmeen Al-Shabaab ayaa waxa uu Diiriye ku jawaabay: "Waa un na cafiyeen oo ay na nabadgaliyaan oo dhib uusan xagooda nooga imaan ayey noo ballanqaadeen."

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dawladda Soomaaliya oo laga dalbaday in soo farogaliso xiisadda Beledxaawo

Todobaadyo ka hor ayey aheyd markii ururka Al-Shabaab uu soo saaray bayaan uu ku amrayo odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee Soomaalida ee tagaan deegaannada ay ka taliyaan haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqibkii ugu xumaa.

Haddaba iyagoo arrintaas ka duulayaa ayaa qaar ka mid ah odayaashaasi waxa ay aadeen goobaha ay Shabaab ka taliyaan si aanay cawaaqibka la sheegay ula kulmin

Dib u milicsi: Milgihii dhaqanka ee ay lahaayeen oday dhaqameedku

Soomaaliya waxay lahayd taariikh dhaqameed soo jireen ah intii ay ku noolayd geeska Afrika,maamuus ama maqaam aad u fiican ayay ku dhex lahaayeen bulshada,shaqooyinka ay ku heleen maamuuskan,waxa kamid ahaa,xalinta Khilaafaadka kala duwan oo si madax banaan ay u dhex gali jireen ilaa ay damiyaan dhamaan khilaafka ka dhex dhaca bulshada,agaasinka guurka iyo jihaynta deegaano nabdoon oo caan ku ah nabad iyo caano,waana goobta ugu haboonayd ee lagu boqri jiray ama lagu caano shubi jiray oday dhaqameedka.

Maxaa iska badalay milgihii oday dhaqameedku lahaa

Burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya,waxa la burburay inta badan dhaqankii oo saldhig u ahaa,nabad kuwada noolaanshaha,waxa dhacay dagaalo sokeeye,arrinkan ayaa sabab u noqday in xal loo helo oday dhaqameedka lagu soo daro dibu heshiisiinta Soomaaliya.

Shirkii Carta Dadkii ka qaybgalay waxa ay u badnaayeen dad aqoonyahaniniin ah hogaamiye dhaqameed (isimo) wixii inta ka danbeeyey, waxay door lixdaad leh ka qaateen siyaasada Soomaaliya,hadii ay noqoto ansaxinta dastuurka,soo xulista dhamaan xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul goboleedba ilaa waqtigan la joogo.

Laba daran mid dooro

Waxaa marar kala duwan dhacay dilal loo gaystay oday dhaqameedyo lagu eedeeyay in ay ka qayb galeen, ansixin dastuur iyo soo xulis xildhibaano.

Arrinkan waxaa daba socday wareegto ay soo saareen ururka Al-Shabaab oo ay amarro ku bixiyeen.

Al Shabaab ayaa shan iyo afartan maalmood u qabtay Odayaasha Dhaqanka iyo Ergadii ka qayb galay soo xulista xildhibaanada dowladda Federaalka, si ay isku diiwaangeliyaan, iyagoo loo ballan qaaday in haddii ay isdiiwaan galiyaan la siin doomo damaanad qaad ku aaddan inaan la dili doonin.

Talaabadan ayaa ku qasabtay Odayaal badan in ay u hogaan samaan amarka ururka Al-Shabaab.

Waxay wararku sheegeen inay odayaal badan u tageen Al-Shabaab, iyagoo fuliyay amarka lagu siiyay fulinta wax loou yeeray "toobad keen".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo markale dalbaday in doorashada dib loo dhigo

Hase yeeshee, dhawaan waxaa soo baxay cadaadis hor leh oo Odayaasha ka soo wajahay dhanka maamullada hoostaga dowladda Federaalka.

Maamullada ay oday dhaqameedyada kasoo kala jeedaan ayaa sheegay in dambiileyaal loo aqoonsan doono oday walba oo u hoggaansamay amarka Al-Shabaab.

BBC-da mar ay wareysatay Taliyaha qaybta booliska gobolka mudug ee maamulka galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar, waxay waydiisay odayaashan dhiban in loo yeedhay, haddii aysan tagin ay dhib la kulmayaan, hadaba in dhibkoodii mid kale loogu sii daro in aysan haboonayn, wuxu ku jawaabay: ''Waa loo yeedhay sabab ma noqonayso, bal aniga ha ii yeedhaan oo hala arko inaan u tago, awal ayuu hore u socday ama shaquu u hayayba, Al-Shabaab iyagaba cafis ayaa loo fidiyaa may yimaadaan, maxay kuwan ugu cagu juglaynayaan, cidii u tagtaa nagama mid aha, cadaaladda ayay ku helayaan markii aan maxkamad hor gayno''

Odayaal badan ayaa la sheegayaa inay hadda maxkamadeyn wajahayaan, iyagoo loo heysto inay Al-Shabaab heshiis la galeen.

Arrinkan waxay ku noqonaysaa dhibaato culays badan Odayaasha dhaqanka oo aan helayn meel ay ku badbaadaan.

''Walwal ayaan ka muujinayaa arrinkan, dhinacaas odaygu in uu nafiso oo uu dhinac ka nabad galo ayaa la doonayaa, dawladuna shuruuc ayay leedahay, maxay Al-Sabaab kuugu yeertay, waxay u baahan tahay in sharciga la waafajiyo, anigu waxaan qabaa hadii la jabhadaynayo oo meesha sharciga laga saarayo waa wax kale, odaygu shabaab ma dalban isaguna ma aadin in lagu xidho anigu ma qabo'', sidaas waxa BBC-da u sheegay nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha dhaqanka.

Dawlada Soomaaliya ma aysan samayn hannaan lagu sugo amaanka odayaasha soo xula xildhibaanada baarlamaanka, balse xildhibaanadan ayaa hela xasaanad iyo amaankooda oo la sugo.

Waxa mar kale BBC-da uga waramay culayska ay arrintani leeyahay nabadoon Xaad: ''Meelaha laga qariban yahay ayay kamid tahay, oo aan loo samayn wax nidaam ah, waa run odayga markuu xildhibaanka keenohalkaas ayaa looga haraa, mushaharaad ma laha, ilaalo malaha''.

Culayskan soo food saaray Oday dhaqameedkii soo xulay xildhibaanada ayaa u muuqda laba daran mid dooro, halka wali ay waajibaadkooda ka mid tahay soo xulista xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul goboleedba.

Mowduucyada la xiriira