Caddeyn muujinaysa in caagadaha yar yar ee biyaha lagu shubto oo ‘halistooda caafimaad ay yar tahay’

A man poses while drinking from a water bottle in the French city of Lille on 25 July, 2018 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Caagadaha yar yar ayaa waxaa laga helay webiyada, haraha, tuubooyinka biyaha laga cabo iyo biyaha caagadaha lagu soo shubo

Caagadaha yar yar ee lagu shubto biyaha ayaanan u muuqan inay halis galin karaan caafimaadka bini'aadamka heerka haatan la joogo, sida ay sheegayso Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Warbixinteedii ugu horraysay ee arrintan ay ka soo saarto ayey hay'adda WHO waxa ay ku ogaatay in walxaha waa weyn iyo kuwa yar yar ba ay jirka dhex maraan iyadoon uusan jirku laqayn.

Hasayeeshee waxa ay hay'addu sheegtay in waxyaabaha ay ku ogaatay baaritaanka ay ku salaysan tahay "xog kooban" oo ay ku tilmaantay inay ku jirto baaritaan weyn oo arrintaasi lagu sameeyay.

"Waxaan si degdeg ah u doonaynaa inaan wax badan ogaanno", hay'addaasi Qaramada Midoobay ah ayaa sidaas sheegtay.

Dr Bruce Gordon oo ka tirsan hay'adda WHO ayaa mar uu sanadkii hore BBC-da la hadlaayay waxa uu ballanqaaday in la bilaabi doono dib u eegis arrintaas lagu sameeyo, kaddib markii warbaahinta Orb ay ogaatay in shirkadaha waa weyn ee biyaha sifeeya ay caagag biyaha ku shubaan.

Maxay warbixintu sheegaysaa?

Caagadaha yar yar ayaa waxaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa dhirirkoodu uu ka yar yahay 5mm ee dul heehaaba biyaha webiyada, haraha, tuubooyinka biyaha laga cabo iyo biyaha caagadaha lagu soo shubo.

Marka arrintaasi maxay uga dhigan tahay caafimaadka bini'aadamka?

Warbixintii ugu horraysay ee ay abid arrintaasi ka soo saarto WHO ayaa waxa ay ku sheegtay in caagadaha yar yar aanay heerka hadda la joogo halis weyn ku ahayn caafimaadka bini'aadamka, hasayeeshee waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in baaritaan dheeraad ah la sameeyo.

Cilmibaarista la sameeyay ayaanan la barax tirin iyadoo cilmi-baarayaal kala duwan ay halbeegyo kala duwan isticmaaleen si ay u qiimeeyaan walxaha caagaga ah ee laga heli karo ilaha biyaha ee kala duwan.

"Haddii aannu dhahno goob ay biyo ku jiraan ayaa waxaa litirkiiba laga heli karaa 1000 caag oo yar yar, halka meel kalana laga heli karo hal xabba un, markaasi waxa ay jawaabtu ku xirnaanaysaa inta ay la eg tahay shaandhada ama shabaqa la isticmaalay," ayuu sheegay Dr Gordon. "Waxaa inoo muuqda in hab raaca daraasaddu ay waxoogaa daciif tahay."

Sidaas oo ay tahay Dr Gordon ayaa sheegay in cilmibaarista la hayo waa inay noqotaa mid "damaanad qaad wanaagsan" siinaysa bini'aadamka isticmaalaya. WHO ayaa waxa ay sheegaysaa in caddeyntu ay tilmaamayso in dhammaan caagadaha waa wayn iyo inta badan kuwa yar yar ay dhexmaraan jirka bini'aadamka iyadoo uusan laqayn.

Maxaa la samayn karaa?

In si wanaagsan loo isticmaalo biyaha ayaa waxaa ka mid ah in waxyaabaha qashinka ah iyo kiimikada laga saaro, iyo sidoo kale in 90% laga bixiyo caagadaha yar yar, ayey leedahay WHO. Waana sababta ay WHO ugu talinayso in tallaabooyinka la qaadayo aanan lagu darin in si joogta ah biyaha loogaga baaro caagadaha yar yar. Taa badalkeedana waxa ay WHO doonaysaa in goobaha biyaha laga dhaansado iyo kooxaha maamulaba ay diiradda saaraan inay "khataraha ogaadaan".

"Laba bilyan oo qof ayaa waxa ay cabaan biyo wasakhaysan," ayuu yiri Dr Gordon. "Waxa ayna sanadkiiba sababaan hal milyan oo dhimasho, taas ayey aheyd marka in diiradda la saaro."

Sidaas oo ay tahayna WHO ayaa caagaga waxa ay u aragtaa inay yihiin dhibaato u baahan in degdeg wax looga qabto. Waxa ay ku talinaysaa in si kasta oo ay suuragal ku tahayba la dhimo isticmaalka caagadaha lana hormariyo barnaamijyada dib loogu habaynayo.

Intay gaarsiisan tahay xadidnaanta cilmibaaristu?

Farriinta ugu muhiimsan ee ku jirta warbixintan hordhaca ah ayaa waxa ay dhab ahaantii tahay sida aynaan wax uga ogayn cawaaqibka ka dhalan kara bacaha iyo caagadaha hawada wasakhaynaya.

Daraasadaha qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan in biyaha caagadaha lagu soo shubo ay ku jiraan caagado yar yar oo ka badan kuwa tuubada caadiga ah, hasayeeshee sababtu ma ay cadda. Waxaa laga yaabaa inay yihiin biyo wasakhoobay, balse waxaa laga yaabaa inay yihiin walxo ka mid ah caagadaha loo qaabeeyo in biyaha lagu shubo iyo koobabkaba.

Walow cadaymaha la hayo ay muujinayaan in halista dhanka caafimaadka ah ee lala xiriiriyo caagadaha yar yar ee la laqo iyo kiimikooyinka lala xiriiriyaba ay aad u hoosayso, ayaa haddana daraasaduhu waxaa ka muuqda in dulduleelo ay xogtoodu leeyihiin, kuwaas oo ay tahay in lagu saxo baaritaanka mustaqbalka, sida ay sheegtay Jennifer de France oo wax ka qortay warbixinta.

"Waa in aannu ogaannaa tirada walxaha la arkay, xaddiga ay la eg yihiin, qaabkooda iyo kiimikada ay ka sameysan yihiin," ayey tiri.