Dhaqamo cajiib ah oo haweenka gaajo ku dila markuu seygooda dhinto

. Lahaanshaha sawirka Katie Horwich
Image caption Haweenka uu raggooda dhinto waxay dhaqannadan ku muteystaan xaalado argagax leh

In haweeney uu seygeeda ka dhinto waa musiibo ku filan burburka nolosheeda, laakiin dalalka caalamka qaarkood waxaa ka jiro dhaqamo uga sii daraya xaaladda dumarka carmalka noqda.

Qaar ka mid ah dhaqamadan, dumarka carmaloowa waxaa laga qadiyaa raashinka, waxaana laga mamnuucaa inay cunaan cuntada dhadhanka leh ee macaan.

Sidoo kale waxaa lagu khasbaa cunnooyin halis galin kara naftooda.

Waddanka Ghana, dhibaatada noocan ah waxay inta badan aad u saameysaa, haweenka kasoo jeeda qoysaska saboolka ah.

Inkastoo waddankan uu isku dayay inuu meesha ka saaro dhaqamada waxyeellada u geysta haweenka garoobbada ah, haddana wali waxaa jira haween badan oo dhibaatadaas wajahaya.

Waxyaabaha qaar ee lagu khasbo ee ka mid ah dhaqankanka noocan ah waa kuwo niyad jab weyn ku abuura.

Haweeneyda uu ninkeeda dhinto waxaa lagu amraa inay cabto maraq laga sameeyay "qeybo ka mid ah jirka ninka ka dhintay".

Lahaanshaha sawirka Katie Horwich
Image caption Qeybo ka mid ah dalka Ghana, dumarka carmalka ah waxaa la cabsiiyaa maraq laga sameeyay jirka ninkooda dhintay

Waxaa kale oo la siiyaa xidiyaha iyo timaha laga jaray meydka, sida ay sheegtay agaasimaha ururka garoobbada ee Waqooyiga dalka Ghana, Fati Abdulai.

"Ciddiyaha iyo timaha ayada ayaa keyd looga dhigayaa, meydka markii la dhaqo biyaha ka baxa oo dhanna waxaa loogu shubayaa weel si ay mar walba u cabto", ayey tiri Fati.

Qaar ka mid ah haweenkan ayaa lacag bixiya si looga badbaadiyo inay u hoggaansamaan dhaqankan, sidaas ayeyna ku iibsadaan dhaqanka.

Laakiin intooda badan ma awoodaan inay kharash bixiyaan, saboolnimada awgeed.

Waxaa la qiyaasay in dunida ay ku nool yihiin ugu yaraan 280 milyan oo haween carmal ah. Ku dhowaad tobankiiba hal ayaana ku jira xaalad nololeed oo faqri ba'an ah.

Waddamo badan, Carmalnimada waxaa loo arkaa arrin ceeb ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tacaddiyada ay dumarka carmalka ah la kulmaan ay kamid yihiin xadgudubka ugu xun ee saameeya bulshada, xitaa kuwa hodanka ah.

"Kalluunka, hilibka xoolaha iyo ukuntaba waa ka mamnuuc"

Meelo ka mid ah caalamka, tacaddiga loo geysto haweenka ay raggooda ka dhinteen wuxuu xitaa gaaraa qoysaska dhaqaalaha heysta.

Sida ay sheegtay Chitrita Banger Gee, oo ah khibiir dhinaca cuntada ah oo u dhalatay dalka Bangladesh, dumarka kasoo jeeda bulshada Hinduuga ah ee ku nool waddankeeda, ilaa muddo dhow waxay lahaan jireen dhaqan argagax leh.

"Dhaqankaas ayaa ka dhignaa in haweenka laga dhinto ay maraan ciqaab ay ku muteysanayaan geerida raggii qabay".

"Waxaa laga mamnuuci jiray inay cunaan kalluunka, hilibka xoolaha, ukunta, basasha, toonta iyo waxyaabo kale oo muhiim ah".

Waxay sheegtay in dhammaan noocyadaas raashinka ah loo geeyo haweeneyda, isla markiina laga qaado mamnuucna ay ka noqdaan.

Lahaanshaha sawirka Chitrita Banger Gee
Image caption Dumarka Bangladesh ayaa ilaa mar dhow mari jiray ciqaab ay muteystaan geerida raggooda

Arrimahaas waxay ka mid yihiin kuwo ay Gee qudheeda markhaati ka ahayd iyadoo carruur ah, markii ay ayeeyadeed carmal noqotay, oo dhaqankaas la marsiiyay.

Waxay sheegtay in ayeeyadeed ay sameysan jirtay waxyaabo dhandhanaan ah oo u ay ku badalato cuntooyiinka laga mamnuucay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan