Suudaan oo shacabkeeda Yuhuudda ah ka codsatay inay dalka kusoo laabtaan

.
Image caption Daisy Abboudi

Xubnaha ka tirsan bulshada Yuhuudda tirada yare e kasoo jeeda dalka Suudaan, kuwaasoo tobannaan sano ka hor ka cararay waddankaas, ayaa laga codsaday inay dib usoo laabtaan.

"Suudaan waa dal xushmeeya kala duwanaanshaha diimaha", sidaas waxaa Axaddii yiri wasiirka diinta ee Suudaan ee cusub.

"Arrintan waxay ka dhacday dalalka kale ee ku yaalla bartamaha iyo Waqooyiga Afrika, sidaas awgeed ma aha wax aan horay loo maqlin, waa tallaabo aad u wanaagsan oo la billaabay", sidaas waxaa tiri gabar qoraa ah oo lagu magacaabo Daisy Abboudi, taasoo hooyadeed ay tahay Yuhuudda kasoo jeeda waddanka Suudaan.

Waxay BBC-da ku tiri: "Sababta ay aad ugu xiiso badan tahay khaasna u tahay waa inay yihiin Yuhuud isku jir ah oo kasoo kala jeeda dhammaan dalalka bariga dhexe, waxayna sidoo kale la qabsadeen hiddaha iyo dhaqanka Suudaan".

In badan oo ka mid ah dadka Yuhuudda ah ee Suudaan ayaa waddankaas tagay dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo horaantii qarnigii 20-aad, laakiin bulsho yar oo Yuhuud ah ayaa waddankaas ku nooleyd xitaa waqtigaas kahor.

Yuhuudda ayaa markii dambe isaga tagay dalkaas, maadaama lagu bartilmaameedsaday qalalaase dhacay wixii ka dmabeeyay markii Israa'iil la aasaasay, sida ay Ms Abboudia sheegtay.

"Waxaa jiray eedeymo dhowr ah - sida basaasnimo - dhammaantoodna waxay ahaayeen been abuur. Kadib sanadkii 1967-kii waxaa jiray dagaal lix maalmood socday oo lala galay Israa'iil, dhammaan raggii dhalinyarada Yuhuudda ahaa ee looga tagay Suudaan waa la xiray iyagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, waxaana xabsiga lagu hayay maalmo, ilaa markii uu dagaalka dhammaaday laga sii daayay".

"Runtii markaas ayaa la qaatay go'aanka ku saabsan in qof walba oo Yuhuudda ku hartay Suudaan ahaa uu isaga tago halkaas".

Bulshada Yuhuudda ah ee ku nool Suudaan ayaa lagu qiyaasi jiray ilaa 1,000 ruux, laakiin intooda badan way isaga qaxeen waddankaas.

Muddo tobannaan sano ah ayaa dowladda ka jirtay Suudaan lagu dhaliilayay inay takoor ku sameyso dadka aan Muslimiinta ahayd ee u dhashay dalkaas.

Hase ahaatee, xukuumadda rayidka ah ee hadda laga yagleelay Suudaan ayaa u muuqata inay wax badan ka bbadaleyso siyaasadihii dowladdii milatariga ee muddada dheer ka arrimineysay Suudaan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka laga tuuray bishii Abriil

Bishii Abriil ee sanadkan ayaa xukunka laga tuuray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasoo ku dhawaad 30 sano xukunka hayay.

Isbaddalka ka dhacay waddanka ayaa ku yimid mudaharaad ay shacabku sameynayeen, oo markii hore ku billowday cabasho laga muujinayay sare u kaca maciishadda ama sicir bararka.

Waa kuma madaxweynihii hore ee Sudan?

Mr Bashir waxa uu dhashay sannadkii 1944, waxana uu ka dhashay qoys ka mid ah beeralayda waqooyiga Suudaan, oo markaas ka mid ahaa Boqortooyada Masaarida. Wuxuu xubin ka yahay Al-Bedairyya Al-Dahmashyya, oo ah qabiilka Bedouin.

Qabiilkan ayaa ah dad ree miyi, daggana dhul badan oo saxaaraha carabta ah.

Waxa uu ku biiray ciidankii Carbeed ee ka barbar dagaalamayay Masar oo dagaalka la gashay sannadkii 1973dii.

Inkastoo wax badan aanan laga ogeyn noolashiisa gaarka ah ayaa hadana waxa jirta in Cumar Al Bashiir uusan dhalin wax caruur ah.

Markii ay da'diisu gaartay 50 jir ayuu guursaday xaaskii labaad oo ahayd haweenay Carmal ahayd oo uu qabi jiray Ibraahim Shams Al-din oo loo arko geesi dagaal yahan ah, waxaan guurkaasi uu ku dhiiri galinayay in la guursado dumarka garoobka ah ee ay geesiyaashu ka dhintaan.

Madaxwennaha Suudaan Omar AL-Bashir ayaa waqtisgiisa ku dhamaysatay dagaal oo Suudan waxaa uu ku qabsaday afgembi militari sannadkii 1989-kii. Xukunkiisu wuxuu noqday ilaa sannadkii 2011 mid ka mid ah xukumada ugu adag Africa.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Al Bashir

Tan iyo markii uu la wareegay awoodda dalka Suudaan, wuxuu ku jiray muddo 21 sanno ah dagaal, kaas oo u dhaxeeyay waqooyiga iyo koonfurta dalkaasi.

Inkasta oo ay dawladdiisu gashay heshiis lagu soo afjarayo dagaalkaas sannadkii 2015, mudo yar kadib, dagaal kale ayaa ka qarxay gobolka galbeedka ee Darfur, waxaana dagaalkaas lagu eedeeyey Madaxweyne Bashiir oo la sheegay in uu xasuuq u geystay dad shacab ah.

Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ayaa dacwad kusoo oogtay madaxweyne Al Bahsir, inkastoo aysan gacanta ku dhigin, hadana wuxuu guulo is xig xiga ka sameeyey doorashooyinkii sannadihii 2010 iyo 2015, wallow ay ka soo hor jeesteen xisbiyada waaweyn ee mucaaradka.

Amarka xirigga Al Bashir wuxuu sababay mamnuucida safaradiisa caalamiga ah, hasa yeeshee wuxuu safaro diblmaasi uu ku tegay wadamada Masar, Sacuudi Carabiya iyo Koonfur Afrika, inkastoo markii dambe lagu qasbay in uu si dagdag ah uga baxo Koonfur Afrika bishii Juun ee sannadkii 2015, kadib markii la sheegay in la tix galiyo dhaqan galka amarka maxkamada ee xariga Al Bashiir.

Hogaamintiisii ka hor wuxuu ahaa taliyaha ciidanka ,waxana uu hogaaminayay hawlagaladii koonfurta ee lagaga soo horjeeday hogaamiyihii hore, jabhada John Garang.

Waxaa jiray heshiisyo nabadeed oo uu la saxiixday Garang.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhibaatooyinkii ka dhacy Darfuur ayaa lagu eedeeyay

Dembiyada ay ICC u heysto Cumar Xassan Al-Bashir

Dembiyada maxkamadda ICC-da ay u heysato madaxweyne Al Bashir ayaa kala ah dil, shirqool, barakicin, kufsi iyo jirdil, waxaana sidoo kale jirta dembiyo dagaal oo ay kamid tahay weerarkii uu ku qaaday shacabka deggan gobolka daarfur.

Xasuuq

Dilka xubno k tirsanaa qoomiyadaha Fur, Masalit iyo Zaghawa

Jirdil iyo dhaawac loo gaystay qoomiyadaha

Barakac iyo cawaaqib xumo uu u gaystay qoomiyadahan

Hadafkiisa ugu wayn wuxuu ahaa ilaalinta Suudaan oo mid ah, halka aftida iyo tirakoobka koonfurta Suudaan ay qayb ka ahayd wada xaajoodkii geedi socodkii nabadda.

Hasa yeeshee kacdoonnada siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay dalkaasi ayaa yeeshay horumar. Dibad baxyada looga soo horjeedo xukunka Al Bashir ayaa bilawday bilowgii bishii Disembar ee sannadkii 2018 ka dib markii ay dawladda ku dhawaaqday in qiimaha shidaalka iyo rootiga uu kici doono.

Dibadbaxayasha ayaa dalabkoodii isu badalay in Mr Al Baashiir iyo xukumadiisu ay xukunka ka dagaan. Boqolaal ruux ayaa ku dhintay dibadbaxyada intii ay socdeen, halka boqolaal kalena xabsiga loo taxaaabay.

Balse dalabka shacabka kadib, waxaa uu madaxweyne Al Bashir bishii Febraayo uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, isaga oo sidoo kale isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiirada oo waxa uu dhammaan badelay guddoomiyayaasha gobollada, xubno ka tirsan ciidamada, halka uu dhagaha ka fureystay dalabkii shacabka ee ahaa in uu xilka baneeyo.

Mowduucyada la xiriira