Lamaane si khalad ah lacag loogu shubay markay isticmaaleenna tuugonimo lagu soo oogay

Bangi Lahaanshaha sawirka Getty Images

Lamaane ku sugan gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa xatooyo lagu soo oogay ka dib markii ay iscticmaaleen kumannaan kun oo doolar oo si khalad ah loogu soo shubay koontaha bangigooda.

Robert iyo Tiffany Williams ayaa koontaha bangigiisa lagu soo shubay 120,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Lamaanaha ayaa wajahaya dacwad la xiriirta $100,000 oo doolar oo ay ka isticmaaleen bangi, taas oo ay siisteen gaari SUV ah iyo alaabooyin kale, sida ay booliisku sheegeen.

Warqad dhaar ah ayay lamaanuhu ku qirteen in ay ogaayeen in lacagta ay isticmaalayaan aysan lahayn.

Robert iyo Tiffany oo kala jira 35 iyo 36 sano ayaa lagu soo oogay xatooyo iyo in ay soo gashay hanti xatooyo ah. Waxaa lagu sii daayay damiin.

Isniintii ayay ka soo muuqdeen maxkamadda Lycoming County. Lamaanahan lama hadlin warbaahinta Maraykanka, mana cadda in ay heleen qareen u dooda.

Lamaanahan ayaa si khalad ah lacag loogu shubay koontihii ay ku lahaayeen bangiga BB&T taariikhdu markay ahayd 31 May, sida uu Aaron Brown oo booliiska ka tirsan u sheegay wargeyska Williamsport Sun-Gazette. Lacagtaas ayaa loo waday shirkad maalgashi.

Khaladka ayaa la ogaaday 20 Juunyo, khaladkii dhacay ayaana markaas la saxay.

Booliiska ayaase sheegay in marka khaladka la saxayay ay lamaanuhu sii isticmaaleen $107,000 iyaga oo aan bangiga wargalin.

Lamaanahan ayaa gatay gawaari iyo alaabo kale oo guryo, sida lagu sheegay dacwadda laga soo gudbiyay, dhanka kalana saaxiibbadood ayay siiyeen $15,000.

Markii shaqaalaha bangigu ay la xiriireen gabadha waxay u sheegtay in biilashii iska bixisay oo aysan lacag hayn, sidaas waxaa diiwaanka dacwada galiyay Brown, sida ay ku warrantay CBS News.

"[Tiffany Williams] ayaa shaqaalaha bangiga u sheegtay in ninkeedu uu lacag badan isticmaalay gaarina ka gatay. Waxay sheegtay in ay ninkeeda la hadli doonto si ay uga heshiiyaan sidii sidii ay lacagtaas u bixin lahayd".

Si kastaba ha ahaatee bangiga ayay u suuragali wayday in mar kale la xiriiraan lamaanahaas.