Sababta aysan kuugu wanaagsaneyn inaad maalmo yar shaqeyso

A sail boat on the Mediterranean sea Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Maxaad sameyn lahayd haddii aadan dhammaan waqtigaaga ku bixin shaqada?

Dadka maalmaha yar shaqeeya ma lugaha ayay is dulsaaranayaan mise waxay raadinayaan siyaabo kale oo ay waqtigooda uga faa`iideystaan?

Dadka hadafka fog ka leh xirfaddooda, nolol aanan shaqo lahayn waxay u tahay nolol uu dhadhanku ka maqan yahay.

Shaqadu waxay macno iyo haaneed u yeeshaa toddobaadka, waqtiga badan ee firqaada ah ee aad hesho mustaqbalka ayaa loo arkaa mid aanan caafimaad ahaan kuu wanaagsaneyn, isla markaana qofka ku kallifi kara inuu ku lug yeesho daroogo iyo dembiyo kale.

Mashquulku lama mid ah 'shaqada'

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka Japan oo lagu yaqaanno inay muddo dheer noolaadaan, ayaa doorbida inay firfircoonaadaan

Shaqada mushaarka lagu qaato keliya maaha habka lagu gaaro nolol firfircoon.

Oraahda Japam ee ikigai, ayaa dadka ku dhiirrigelineysa inay farxad ka helaan noloshaad iyagoo diiradda saaraya howlo ku dhiirrigelinaya inay subixii kacaan.

Qiimeyn haweenka iyo ragga Japan lagu sameeyay sanadkii 2010, ayaa lagu ogaaday in dadka howlgabka ah ay qabtaan howlo kala duwan oo ay ku faraxsna yihiin.

Waqtigaaga firaaqada ah mar walba ma heshid nasasho

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Intee shaqo oo aadan lacag ku qaadan baad qabataa "waqtigaaga firaaqada"?

Haatan, haweenka waxay qabtaan shaqooyin badan, balse inta badan shaqadaas looma qiimeeyo sida shaqada lacagta lagu qaato.

Xannaaneynta carruurta, daryeelka waalidka, iyo maareynta howsha guriga, iyo mas`uuliyadaha bulsho dhammaantood waxay qaataan saacado badan.

Yareynta culeyska shaqada lacagta lagu qaato waxay qofka siin kartaa waqti firaaqo ah amaba tamar uu ku qabto shaqada kale ee uu hayay - balse shirkadaha iyo dowladaha waa inaysna hoos u eegin adeegyadaas sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin dadka oo si bilaash ah ugu shaqeeya.

Maalmaha fasaxa ee dheer waxaa kaaga bixi kara qarash badan

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ma awooddaa inaad tabarrucaad sameyso?

Daraasad la sameeyay ayaa muujineysa in shaqaalaha haysta maalmo badan oo fasax ah - balse isla mushaarkii uun qaata - ay waqtigooda firaaqada ah ku bixiyaan howlo kala duwan: oo ay ka mid yihiin dheesha qimaarka amaba inay wax ku tabarrucaan dadka da`da ah.

Alexandra Hartnall, oo ah la taliye dhanka suuqgeynta iyo xiriirka kuna sugan London, ayaa u aragtay in toddobaadkii oo la shaqeeyo afar maalmood oo qura ay faa`iido leedahay.

Waxay haatan waqtigeeda firqaada ah ku bixisaa howlaha ay xiiseyso ee arrimaha bulshada.

Waxay abuuri kartaa caddaalad-darro badan

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka qaar, micno uma laha in laga walwalo ujeeddo kale oo ka baxsan shaqada

Philipp Reick, oo ah khabiir dhanka shaqaalaha ah kana tirsan Hebrew University ee magaalada Jerusalem, ayaa sheegay in toddobaadkii oo afar maalmood la shaqeeyo ay faa`iido u leedahay xirfadleyda sida Hartnall, balse ay taasi cuqdad ku beeri karto xoogsatada raadinaya shaqo dheeraad ah.

Dad badan oo aan shaqo haysan, amaba lacago yar ku shaqeeya, wax micno ah uma sameyneyso inay ka walwalaan inay yeeshaan ujeeddo ka baxsan shaqada.

Maaha in qof walba uu doonayo inuu dadka kaleku caawiyo waqtigiisa firaaqada ah

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ma dhacdo in waqtiga firaaqada ah mar walba bulshada wax loogu qabto

Hal caqabad oo jirta ayaa ah in helitaanka waqti firaaqo ah aysan mar walba michaeedu ahayn in bulshada wax loo qabto.

Melanie Oppenheimer, oo ku nool Tokyo ayaa sheegtay in dalka Australia "dadka ay da`doodu u dhaxeyso 35 ilaa 44, ee haysta carruurta yaryar ay yihiin dadka ugu mashquulka badan ee haddana tabarrucaad sameeya".

Balse ma wada xuma...

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption In la soo gaabiyo toddobaadka shaqada ayay dad badan u tahay wax ay ku taamayeen

Ma jirto baaritaan waafi ah oo lagu sameeyay waxa ay dadku ku qaban karaan waqtigooda firaaqada ah, marka laga soo tago riyaaqa hore ee soo gaabinta toddobaadka shaqada ee caadi ahaan shan maalmood ahaa.

Welise dadku waxay in muddo ahba doonayeen inay maalmo yar shaqeeyaan ay u helaan waqti firaaqo ah, caafimaad, wax soo saar, waqti ay qoysaskooda la qaataan iyo ka qeybgalka siyaasadda - wayna u hirgashay.

Qaabab kale oo loo cabbiro hantida

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption New Zealand waxay cabbirtaa fayaqabka muwaadiniinteeda, si la mid ah dhaqaalaheeda

Mustaqbalka fog, in maalmo yar la shaqeeyo managa caawin doontaa inaan isbeddel ku sameyno sida aan nafteenna u aragno isla markaana aan dadka kale la qaadanno waqti badan?

"Waxaan dareemayaa in dadnimadaada ay ku xiran tahay shaqadaada," ayay tiri Hartnall.