''22 sano ka dib ayaa la helay haraaga meydkiisa''

William Moldt, sannadkii 1997-dii Lahaanshaha sawirka National Missing and Unidentified Persons System
Image caption William Moldt, sannadkii 1997-dii

Haraaga meydka ninkaan oo muddo ka badan 20 sano la'laa ayaa laga helay gaari quusay.William Moldt ayaa la sheegay in la waayay 7 November 1997 isagoo markaasi ku sugnaa Lantana, Florida, waxayna xilligaasi da'diisu ahayd 40 sano jir.

Booliska ayaa baaritaan xooggan sameeyay markii lagu wargeliyay maqnaanshaha William Moldt balse ma uusan noqon baaritaan miradhala.

28-kii bishii Ogosto ee sannadkan booliska ayaa lagu wargeliyay warkaasi oo sheegayay in gaari laga helay war ku taalla Moon Bay Circle, Wellington.

Ka dib markii gaariga laga soo saaray biyaha, waxaa laga dhex helay lafaho bini'aadan. Toddobaad ka dib ayaa waxaa la ogaaday in haraagaasi uu yahay Mr Moldt.

Lahaanshaha sawirka Google Maps
Lahaanshaha sawirka Google Maps

Taliyaha booliska Degmada Palm Beach ayaa BBC-da u sheegay inay u muuqato in Mr Moldt uu lumiyay Koontoroolka gaariga ka dibna uu siidaa ugu dhacay lagta.

Booliska ayaa sheegay baaritaanadii la sameeyay markii la waayay aysan muujinin cadeeymo ku aaddan in gaarigiisa uu biyo ku dhacay.

''Waad qiyaasi kartaa wixii sannada badan ka hor dhacay'', ayay afhayeenka booliska Therese Barbera sheegatay.

Habeenkii la waayay Mr Moldt ayaa waxa uu maqaayadda ka soo baxay ku dhowaad 11-kii habeenimo ee waqtiga deegaankaasi.

Mr Moldt, oo ahaa nin iska deggan ayaanan u muuqan mid sarqaansanaa.

Ma ahayn mid inta badan caba khamrada balse habeenkaasi waxaa la sheegay inuu maaqaydda khamro ka soo cabay.

Moldt ayaa habeenkaasi wacay saaxibaddii abaare 21:30, isagoona xilligaasi u sheegay in uusan dhaqso soo hoyanayn balse markaasi ka dib dibna looma arag dibna looma maqalin.