Aaska Robert Mugabe Khilaafkii ku gedaamnaa oo laga heshiiyay

Marwadii koobaad ee Robert Mugabe Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Marwadii koobaad ee Robert Mugabe

Madaxaweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa waxaa lagu aasi doonaa qabuuraha lagu aaso halyeeyada Zimbabwe oo ku taalla magaalada Haraare, sida ay BBC-da u sheegeen qoyskiisa.

Afhayeenka qoyska Leo Mugabe ayaa sheegaya in weli la isku raacin maalinta saxda ah ee la aasayo.

Balse ka hor aaskiisa ayaa waxaa la sameyn doonaa xaflad qaran waxaanaa taasi xiga doonta munaasab kale oo lagu qabanayo tuulada Mr Mugabe.

Qoyska Mugabe iyo dowladda ayaa markii hore waxaa ka dhexeeyay khilaaf ku aaddan goobta lagu aasayo Madaxweynihii hore.

Mugabe oo 95 jir ahaa wuxu todobaadkii hore ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Singapore.

Meydkiisa ayaa yaala garoonka kubadda cagta ee Rufaro oo ku yaala caasimada Zimbabwe ee Harare.

Kumanaan qof oo baroor diiq iyo tacsi dhigaya ayaa isugu yimid garoonka Rufaro si ay xushmad ugu muujiyaan Mr Mugabe.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Garoonka Rufaro ayaa ah halka Mugabe loogu dhaariyay madaxweynahii ugu horeeyay ee Zimbabwe sannadkii 1980-kii kadib markii uu ku guulaystay doorashadii ugu horaysay xorriyadii Zimbabwe ka dib.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa amaanay Mr Mugabe oo ku tilmaamay halyeey qaran, taas oo muujineyso in lagu aasayo xabaalaha geesiyaashii Zimbabwe loona sameeyo baroor diiq qaran.

Wasiirka waxbarashada ee Paul Mavhima wuxuu sheegay inaysan shaki ku jirin in Mr Mugabe loo aasayo sida halyey qaran.

Mr Mugabe ayaa shaqada ka eryay Mr Mnangagwa sanadkii 2017-kii.

Mnangagwa iyo Mugabe ayuu khilaaf soo kala dhexgalay markii "uu uga shakiyay inuu xukunka kala wareegi rabo".

Robert Mugabe Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Zimbabawe oo xilka hayay in ka badan 30 sano. Wuxuu xilka qabtay ka dib markii Zimbabawe ay ka xurowday gumeystihii Britain.

Sannadkii 2017-kii, Wuxu eryay saaxibkiisii mudada dheer oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisa Emmerson Mnangagwa isaga oo dhabbaha u xaadhayay xaaskiisa Grace si ay xilka ugala wareegto, Bishii November ee isla sanadkaasi, Ciidanka dalka ayaa farogeliyey siyaasadda oo ku khasbay inuu is casilo.

Kumuu ahaa Robert Mugabe?

Lahaanshaha sawirka Getty Images

1924: Wuu dhashay, markii dambena macalin buu noqday

1964: Waxa xidhay xukuumaddii Rhodesia

1980: Wuxu ku guulaystay doorashadii ugu horaysay xorriyadii ka dib

1996: Wuxu guursaday Grace Marufu

2000: Wuxu ku guul darraystay afti, maleeshiyaad taageersan Mugabe ayaa xoog ku qabsaday beero caddaanku leeyihiin taageerayaasha mucaaradkana weeraray

2008: Wuxu kaalinta labaad ka galay wareegii koobaad ee doorashada oo Tsvangirai ku horeeyey, hase yeeshee uu qaadacay markii dame iyadoo weerarro lagu qaaday taageerayaashiisa dalka oo dhan

2009: Iyadoo dhaqaaluhu dumay ayuu Tsvangirai u dhaariyey ra'isal wasaarenimo oo xukuumad midnimo qaran ah oo aan is ogolan ay ku wada jireen afar sano

2017: Wuxu eryay jaalkiisii mudada dheer oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisa Emmerson Mnangagwa isaga oo dhabbaha u xaadhaya xaaskiisa Grace si ay xilka ugala wareegto.

Noofember 2017: Ciidanka dalka aya farogeliyey siyaasadda oo ku khasbay inuu is casilo.

Zimbabwe oo ahayd dalka ugu weyn ee cuntada soo saara Afrika waxay dhakhso isugu bedeshay dal ku tiirsan gargaar shisheeye oo lagu quudiyo dalkeeda.

Sannadkii 2000 dorashooyinkii baarlamanka xisbiga MDC wuxu 57 ka helay 120 kursi oo aad loogu codeeyey, inkasta oo markii dambe 20 kursi ay heleen dad Mugabe magacaabay sidaana uu xisbigiisa Zanu-PF ku helay aqlabiyadda.

Laba sano ka dib doorashadii madaxweynaha ayaa Mugabe ka helay 56.2% halka uu Tsvangirai ka helay 41.9% iyadoo loo caga-juglaynayey taageerayaasha MDC. Dad badan oo miyiga degan ayaa loo diiday in ay codkooda dhiibtaan oo hore looga xidhay goobihii codbixinta.

Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurubayaa iyaguna sida MDC oo kale aan aqoonsanin wixii ka soo baxay doorashada maadaama oo doorshada ay hadheeyeen qalaase iyo eedo musuqmaasuq ahi, waxaanay Mugabe iyo Zimbabwe ba sii galeen go'doon sii kordhaya.

Ururka dalalka baraaqo sooranka ayaa sidoo kale Zimbabwe ka joojiyey inuu ka qayb galo shirarka ururka ilaa iyo inta ay hagaagayso dimuqraadiyaddiisu.

Sannadii 2005 ayaa Mugabe wuxu bilaabay olole loo bixiyey Soo Celinta Kala Dambaynta oo gacan adag lagu saaray suuqa madow iyo waxa lagu sheegay "qas guud" oo dalka ka jiray.

Qiyaastii 30,000 oo wadhato ah ayaa la xidhay waxaana la dumiyey xaafadaha isku raranta ah ee dalkoo dhan ku yaallay, taas oo dhalisay in 700,000 oo qof oo reer Zimbabwe ahi barokacaan.