Julian Assange: Aasaasaha shabakadda Wikileaks oo xabsiga loogu sii heyn doono cabsi laga qabo awgeed

Julian Assange Lahaanshaha sawirka AFP/Getty
Image caption Waxaa la filayay in Julian Assange xabsiga laga sii daayo 22-ka bishan Sitembar.

Julian Assange, oo ah ninka qeyb ahaan u aasaasay shabakadda xogaha xasaasiga ah lagu soo bandhigo ee Wikileaks ayaa xabsiga lagu sii heyn doonaa, isagoo dhammeystay wakhtigii loogu tala galay inuu xirnaado.

Arrintan ayey garsooreyaasha kiiskiisa acanta ku haya u sababeeyeen cabsi laga qabo "inuu ka baxsado caddaaladda", maadaama horay uu u sameeyay isku day noocaas ah, oo dhicisoobay.

Waxaa lagu waday in ninkan xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo 22-kii bishan Sitembar ka dib markii uu dhameystay xukunkii xabsiga ahaa ee loogu riday xad gudub uu ku sameeyay shuruucda ku saabsan in eedeysaneyaasha damiin lagu sii daayo.

Hase yeeshee garsoorka maxkamadda Westminster ayaa dhageystay walaac "aad u xoiog badan" oo saabsan cabsi laga qabo inuu mar kale isku dayo fal baxsasho ah.

Ninkan u dhashay waddanka Australia, oo 48 jir ah ayaa dagaal ugu jira sidii uu u hor istaagi lahaa go'aan loogu gacan galin karo dowladda Mareykanka, oo u doondooneysa eedeymo la xiriira inuu sir ka faafiyay xukuumadda Washington.

Mr Assange ayaa wajahaya dhageysi buuxa oo ku saabsan kiiska la xiriira gacan galintiisa, kaasoo billaaban doona 25-ka bisha Febraayo ee sanadka dambe.

Bishii Juun, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka Britain ayaa saxiixay codsiga ku aaddan in ninkan loo gacan galiyo Mareykanka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Julian Assange.

Assange ayaa horay loogu xukumay inuu muddo 50 isbuuc ah ku qaato xabsiga Belmarsh, oo ku yaalla koonfurta-bari ee magaalada London, ka dib markii bishii Abriil lagu helay dambi ah inuu jabiyay xeerka u yaalla dadka damiinka lagu sii daayo.

Waxaa lagu xiray safaaradda Ecuador, halkaasoo uu sanadkii 2012-kii tagay isagoo magangalyo doon ah, si uu uga badbaado in waddanka Sweden loogu gacan galiyo eedeymo la xiriira kufsi, kuwaasoo uu dhankiisa beeniyay.

Garsooraha maxkamadda degmada ee lagu magacaabo Vanessa Baraitser ayaa maanta oo Jimce ah ku tidhi Assange, oo maxkamadda uga qeyb galan muuqaal: "Maanta waxaa maxkamadda lagaaga baahday maadaama uu xukunkii xabsiga ee lagugu riday ku dhowyahay dhammaad.

"Markii wakhtigaas la gaaro xaaladdaadii ahayd maxbuusnimada waxay isku baddali doontaa eedeysane wajahaya dacwad ku saabsan in waddan kale loo gacan galiyo".

Waxay sidoo kale u sheegtay in qareenkiisa uu diiday inuu maxkamadda ka diiwaan galiyo codsi damiin ah, isagoo matalaya, waxayna intaa kusii dartay: "Dabcan taasna la yaab malaha, maadaama aad horay isugu dayday inaad ka baxsatid dacwadda noocan ah".

"Anigana fikrad ahaa, waxaad aad u hubaa inaad mar kale baxsasho isku dayi doontid, haddii aan damiin kugu sii daayo"

Ninkan ayaa Wajahaya ilaa 18 dacwadood oo ugu diyaarsan Mareykanka, waxaana ka mid ah inuu si khaldan u isticmaalay Kumbuyuutarro iyo waliba inuu isagoo aan loo fasixin faafiyay xog khaas u ahayd waaxda difaaca qaranka ee Mareykanka.

Waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeyn jiray falanqeeyihii hore ee sirdoonka milatariga Mareykanka, Chelsea Manning i, uuna "si sharci darro ah ku helay, kuna faafiyay macluumaad dhammeystiran oo ay lahayd waaxda difaaca Qaranka".

Julian wuxuu muddo 7 sano ah ku dhex noolaa gudaha safaaradda Ecuador ee ku taalla magaalada London ka hor inta aysan saraakiisha waddanka Ecuador ku wareejinin mas'uuliyiinta Britan bishii Abriil ee sanadkan.

Bishii May, dacwad oogeyaasha waddanka Sweden ayaa dib u furay baaritaanno la xiriiray kufsi oo ka dhan ahaa Assange.

Mowduucyada la xiriira