SAWIRRO: Xayawaannada sameeyay ficilladii ugu qosolka badnaa 2019-ka

Lahaanshaha sawirka Harry M. Walker/Comedy Wildlife Photography Awards
Image caption "Alla mayaa." waligaa ma aragtay xayawaan sidii bani'aadanka u yaabban?

Kalluun cabsanaya, Oorso xishooneysa, guumeys wax foorjeynaya iyo Shimbir ku sugneyd meel khaldan waliba xilli khaldan.

Kuwani waa Sawirradii ugu cajiibsanaa ee isugu soo haray abaal marinta tartanka xayawananada ka qosliiyay bani'aadanka ee sanadkan 2019-ka.

Lahaanshaha sawirka Anthony N Petrovich/Comedy Wildlife Photo Awards
Image caption Gadaasheyda ayuu kasoo socdaa, sooma aha? Kalluunkan wuxuu u muuqdaa inuu ka cabsanayo libaax badeedka daba ordaya
Lahaanshaha sawirka Alastair Marsh/Comedy Wildlife Photography Awards
Image caption "Ciyaartii meel xun ayey gaartay?" Dawocooyinkan way ku guul darreysan lahaayeen haddii abaalmarin lagu siinayo ciyaartooda
Lahaanshaha sawirka Kevin Sawford/Comedy Wildlife Photography Awards
Image caption "Waan idin salaamay, maalin wanaagsan dhammaantiin"
Lahaanshaha sawirka Sarah Skinner/Comedy Wildlife Photography Awards
Image caption "Halkaas ma aha meel la taabto..." Waxaan qiyaaseynaa in sawirkan kadib aysan dhicin wax lagu qoslo
Lahaanshaha sawirka TilakRaJ'NagaRaJ/Comedy Wildlife Photography Award
Image caption "Adiga ayaa sabab u ah wixii kugu dhacay." Ugu dambeyn, waxaa caddaalad helay qof walba oo ay shimbir dusha sare uga soo saxarootay ama kusoo kaadisay
Lahaanshaha sawirka Vicki Jauron/Comedy Wildlife Photography Awards
Image caption "Baashaalka barafka" - Maxay noogu qosleysaa guumeystan?
Lahaanshaha sawirka Thomas D Mangelsen/Comedy Wildlife Photo Awards
Image caption "Iska tiirso" - daanyeerkan wuxuu yaqaannaa sida loo nasto
Lahaanshaha sawirka Valtteri Mulkahainen/Comedy Wildlife Photo Awards
Image caption "Ciyaartii dhuumaaleysiga", "meel isku qari anigana waan kusoo raadinayaa, koow, labo saddex", laakiin marka ay sidaan tahay qofka kula ciyaaraya si fiican uma uusan dhuumanin
Lahaanshaha sawirka Donna Bourdon/Comedy Wildlife Photography Awards
Image caption "Haye!" nabadeey

13-ka bisha Nofembar ayaa lagu dhawaaqi doonaa xayawaannada ku guuleystay tartanka abaalmarinta lagu qaadanayo.