Xulka sawirrada Afrika ee todobaadkan

Xulka sawirrada qaaradda Afrika iyo sawirrada dadka ka soo jeeda Afrika e caalamka kale ku nool:

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Haweeney agmareyso sawirrada musharrixiinta madaxweynanimada Tunisa oo lagu dhajiyey meel ka mid ah caasimadda Tuunis, doorashada oo Axadda ka dhaceyso dalkaasi.
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dad garoonka weyn ee magaalada Maputo ee dalka Mozambique ku sugayo qaabilaadda Pope Francis.
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Maalinta xigtay Pope Francis waxaa si weyn looga soo dhaweeyey cassimadda dalka Madagascar ee Antananarivo.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mid ka mid ah qolalka xabsiga Itoobiya ee loo yaqaannay 'Ma'ikalaawi' ee dadka lagu silcin jiray oo ku yaalla Addis Ababa oo jimcihi loo furay iney daweynaha booqdaan.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Haweeney Kenya u dhalatay oo dukaan telafishiinnada lagu iibiyo ku daawaneyso warka geeriga Madaxweynihi hore ee Zimbabwe Roberta Mugabe.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shacabka ku nool caasimadda Zimbabwe ee Harare oo soo dhaweynta naxashka Mugabe saf dheer ugu jiro.garoonka kubadda ee Rufaro.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha xisbiga mucaaradka ee dalka Koonfur Afrika EFF oo magaalada Johannesburg ku qabtay munaasabad looga baroordiiqayo Madaxweynihi hore ee Zimbaawe Robert Mogaabe ee geeriyooday.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Giana Lotfy (bidix) oo u dhalatay dalka Masar oo tartanka Kaaraateega oo Axaddi lagu qabtay Japan tartan kula jirto Leila Heurtault oo ka soo jeedda dalka Faransiiska
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciyaartooy Nigeria u dhahshay oo tartanka kubadda kolayga gol ka dhalinayey ciyaarta ay la yeesheen waddanka Shiinaha oo ciyaartaasi marti geliyey.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dalka Malawi oo marki ugu horreysay lagu qabtay tartanka quruxda ragga iyo dumarka uu maqaarkooda uu beddelan yahay (Albinism).
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir laga qaaday seddex haween ah oo faraxsan kuna sugnaa xaruunta sida ku meel gaarka ah looga hayo barakacayaaha ku barakacay dhibaatooyinki dalkaasi ka taagan ee ajaanib neceybka la la xidhiidhay.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Nin Nigeriya u dhashay oo ka soo qaxay rabshadihi ka dhacay Koonfur Afrika oo heesta astaanta u ah dalkiisa si niyad ah u qaadayo, xilli diyaaraddi ka soo qaadday Koonfur Afrika ay soo caga dhigatay gigada diyaaradaha Lagos.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shacab Sabtidi dibadbax ka sameeyey magaalada Durban ee Koonfur Afrika oo ka carooday xadgudubyada haweenka dalkaasi loo geysto.
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kalluumeyste u dhashay dalka Masar oo magaalada Alexandria ku soo bandhigay noocyada kalluunka ee uu hayo, si looga iibsado.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan