Qaxootiga Caalamka: Maxaa 71 milyan oo qof ka qixiyay guryahooda?

Lahaanshaha sawirka Getty Images

In ka badan 35,000 oo qof ayaa lagu khasbay inay guryahooda ka barakacaan maalin kasta oo ka mid ahayd sanadkii 2018-kii - labadii ilbiriqsi gudahoodba hal qof ayaa barakacayay - waxayna arrintaas tirada dadka bara kacay ee adduunka gaarsiisay heer aysan waligeed gaarin oo ah 71 malyan oo ruux.

Isku darka 26 malyan oo qof ayaa ka gudbay xuduudaha, 41 malyan oo kalena waxay ku barakaceen gudaha dalalkooda halka 3.5 malyan oo qofna ay raadsadeen magangalyo - tiradaasina waa tii ugu badneyd abid, sida ay sheegtay hayadda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Waa maxay sababta dad aad u badan loogu kallifay inay ka cararaan qoysaskooda, saaxiibbadood iyo xaafadahoodaba?

Dagaallada lagu hoobtay ayaa kaalin ka qatay kororka tirada barakacayaasha

Iskudhacyada iyo qalalaasaha, iyo xadgudubyada dhinaca xuquuqda aadanaha ayaa iyagana rag aad iyo aad u badan iyo waliba dumar iyo carruurtoodaba ku khasbay inay guryahooda ka qaxaan.

Xaqiiqdii, tirada dadka barakacayaasha ah ayaa labanlaab noqotay 10-kii sano ee ugu dambeysay, sida ay muujisay qiimeyn ay sameysay UNHCR, iyadoo dagaallada ba'an ee ka jira waddamada Ciraaq iyo Suuriya ay sababeen in qoysas tirobadan ay ka dhex baxaan bulshadooda.

Dagaallada ka socda dalalka Koongada Dimuqraaddiga ah(DRC), Yemen, Suudaanta Koonfureed iyo sidoo kale qulqulka qaxootiga qoomiyadda Rohingya ee ka tagaya Myanmar isla markaana aadaya Bangladesh ayaa iyagana saameyn weyn ku leh sare u kaca tirada barakaca caalamka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Inta badan ma noqdaan qaxooti

Inkastoo badanaa diiradda la saaro dadka qaxootiga ah - oo ah kuwa dalalkooda uga cararay dagaallada iyo xadgubyada ee u gudbay xuduudaha waddamada kale - Inta badan dadkan dunida ku barakacay waxay ku sugan yihiin gudaha dalalkooda.

Dadkan ka barakacay guryahooda balse aan ka tagin waddamadooda waxaa lagu magacaabaa "barakacayaasha gudaha", lagumana tilmaamo qaxooti.

Barakacayaasha gudaha inta badan waxay go'aansadaan inaysan meelo aad u fog u safrin, taasna waxaa loo sababeeyaa labo arrin oo mid ay tahay inaysan dooneyn inay ka fogaadaan guryahooda iyo qoysaskooda, ama tan kale oo ah inaysan heysanin dhaqaale ay xuduudaha uga gudbaan.

Laakiin dad badan oo ka mid ah barakacayaasha gudaha waxay ku xayirmaan deegaanno ay adagtahay inay gaaraan hayadaha gargaarka bixiya - sida meelaha ay dagaallada wali ka socdaan - waxayna markaas wax walba ka sugaan dowladahooda. Mararka qaar dowladahaas qudhooda ayaa sabab u noqda inay dadku barakacaan, ama xitaa sababo la xiriira dagaallada ayey u awoodi waayaan inay muwaadiniintooda amnigooda sugaan ama ay baahidooda daboolaan.

Dhammaan sababahan awgood, Qaramada Midoobay waxay barakacayaasha gudaha ku qeexday "inay ka mid yihiin dadka u nugul weerarrada iyo waxyeellada kaleba ee guud ahaan caalamka".

Dalalka Colombia, Suuriya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa ah kuwa dadka ugu badan ay gudahooda ku barakaceen.

Hase ahaatee, dad kale oo marba marka ka dambeysa sii badanaya ayaa guryahooda uga barakacaya sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, oo ay ugu badan yihiin "dhibaatoyinka waaweyn ka dhasha dhinaca cimilada", sida ay sheegtay hay'adda kormeerta xaaladaha barakacayaasha gudaha ee adduunka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Kooxda kale ee ugu weyn dadka guryahooda ka cararay waa dadka qaxootiga noqday.

Markii uu dhammaaday sanadkii 2018-kii, waxaa jiray 25.9 malyan oo qof oo qaxooti noqday, kuwaasoo qiyaastii kalabar ka mid ah ay carruur ahaayeen.

Hal qof oo ka mid ah afartii ruux ee qaxooti ah wuxuu ka yimid dalka Suuriya.

Tirada ugu yar ee dadka barakacay waa kuwa magangalyo doonka ah - waana kuwa dalalka kale ka codsaday dagannaanshaha balse sababaha ay sheeganayeen aan la aqbalin.

Kuwaas tiradoodu waxay ahayd 3.5 malyan oo qof sanadkii 2018-kii - waxayna 10-kiiba hal ka yaryihiin kuwa lagu khasbay inay barakacaan.

Meelaha ay ka dhaceen dagaallada iyo qalalaasaha ayaa ah kuwa ay dadka ugu badan ka carareen

Dhammaadkii 2018-kii, dadka reer Suuriya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee lagu kallifay inay barakacaan. Marka la isku daro kuwooda gudaha ku barakacay, kuwa qaxootiga ku noqday dalalka kale iyo kuwa magangalyada raadsadayba waxay tiradooda isku gaartay 13 malyan oo dhammaantood ka cararay guryahooda ku yaalla Suuriya.

Dadka reer Colombia ayaa ahaa kuwa labaad ee ugu badan, waxayna tiradooda ahayd 8 malyan oo ruux, sida lagu muujiyay qiimeynta hayadda UNHCR, halka kaalinta saddexaadna ay ku jireen dadka ka barakacay waddanka Koongo, oo ay tiradoodu ahayd 5.4 malyan oo ruux.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Haddii aan eegno qiyaastii la sameeyay sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya, 13.6 malyan oo qof ayaa lagu khasbay inay guryahooda ka qaxaan - intooda badanna waxaa sabab u ahaa dagaallo. Tiradaas waxay ka badan tahay shacabka ku nool magaalada Mumbai, oo ah magaalada ugu dadka badan ee dalka Hindiya.

Kuwii barakacay 2018-kii oo kaliya, 10.8 malyan oo ka mid ah waxay ku dhex firxadeen gudaha dalalkooda - waxayna tiradaas u dhigantaa 4 ka mid ah shantii qof ee barakacdayba.

2.8 malyan oo qof oo dheeraad ayaa nabadgalyo ka raadsaday dibadda, iyagoo noqday qaxooti cusub oo la diwaan galiyay ama magangalyo doon.

Kaliya 2.9 malyan oo ruux oo ka mid ah dadkii horay guryahooda uga barakacay ayaa dib ugu laabtay deegaannadooda ama waddamadooda intii lagu guda jiray sanadkii 2018-kii.

Tirada dadka gudaha waddankooda ku barakacay ee ugu badan caalamka oo dhan waa dadka reer Itoobiya.

Ku dhawaad 3 malyan oo ruux ayaa guryahooda ka dhaqaaqay sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa - in badan oo ka mid ahna waxay ka cararayeen qalalaase u dhaxeeya maleyshiyo beeleedyo.

Dagaallada ka socda waddanka Koongada Dimuqraaddiga ahna waxay dad gaaraya 1.8 malyan oo ruux ku khasbeen inay gudaha dalkooda ku barakacaan sanadkii 2018-kii.

Waddanka ay dagaallada halakeeyeen ee Suuyiya, 1.6 malyan oo qof ayaa ku barakacay gudihiisa, isla sanadkii lasoo dhaafay.

Dadka reer Venezuela ayaa meesha ugu sarreysa ka galay tirada dadka magangalyada u raadsaday dibadda intii lagu guda jiray 2018-kii, waxayna gaareen 341,800 oo ruux.

Sicirbarar, cunto yaraan, xasilooni darro siyaasadeed, qalalaase iyo dacwado ayaa sabab u noqday in kumannaan qof oo u dhashay dalka Venezuela ay guryahooda ka barakacaan.

Intooda badan waxay u tallaabeen dhinaca waddanka Peru, halka kuwo kalena ay u gudbeen Brazil, Mareykanka ama Spain.

In ka badan 7,000 oo ka mid ah waxay magangalyo weydiisteen Jasiiradda dariska la ah ee Trinidad and Tobago.

Annielis Ramirez, oo 30 jir ah waxay ka mid tahay kumannaanka qof ee reer Venezuela ee nolosha habboon u raadsaday Jasiiraddaas.

"Dhammaan qoyskeyga waxay ku sugan yihiin Venezuela, waxaan ku khasbanaa inaan halkan imaado, oo aan ka shaqeeyo, si aan iyaga u caawiyo", ayey tiri, walina ma aysan helin wax shaqo ah.

Kuwa laga barakiciyay dalalkooda, intooda badan way isku dhow yihiin

Ku dhawaad 70% ka mid ah qaxootiga caalamka waxay kasoo kala jeedaan dalalka kala ah: Syria, Afghanistan, Suudaanta Koonfureed, Myanmar iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay hayadda UNHCR. Inta badan dadkaasna waxaa marti galiya dalalka dariska la ah.

Inta badan dadka Suuriya ka qaxay waxay u baxsadeen dhinaca waddanka Turkiga, halka qaxootiga reer Afganistan ay u tallaabeen dalka Jaarka la ah ee Pakistan.

In badan oo ka mid ah dadka ka qaxay Suudaanta Koonfyreed waxay u gudbeen dalalka u dhow ee kala ah Suudaan ama Uganda.

Qaxootiga qoomiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya marka ay ka qaxeen Myanmar waxay badankood gaareen dalka Bangladesh.

Jarmalka oo aan xuduud la lahayn mid ka mid ah dalalkaas ayaa marti galiyay ku dhawad nus malyan qaxooti reer Suuriya ah iyo 190,000 oo qaxootiga Afghanistan ah.

Lahaanshaha sawirka BBC News

Lubnaan ayaa ah waddanka marti galiya qaxootiga ugu badan ee adduunka.

hal qof oo ka mid ah lixdii ruux ee ku nool waddanka Lubnaan waa qaxooti.

Marka la isku wada daro, saddex meelood hal meel oo ka mid ah qaxootiga adduunka(oo ah 6.7 malyan oo ruux) waxay ku nool yihiin waddamada ugu horumarka yar.

Kuwo badan waxay ku nool yihiin xeryo ku meel gaar ah

Tiro aad u badan oo ka mid ah barakacayaasha waxaa hoy u ah teendooyin jilicsan oo ku meel gaar ah.

Xerada ku meel gaarka ah ee ay ku nool yihiin qaxootiga ugu badan adduunka waxay ku taallaa dalka Bangladesh, waxaana ku jira barakacayaasha qoomiyadda Rohingya ee ka qaxay waddanka Myanmar.

Tan labaad ee ugu weyn waa xerada Bidi Bidi ee ku taalla waqooyiga waddanka Uganda, waxayna hoy u tahay rubac malyan qof oo qaxooti ah.

Interactive See how a section of the Bidi Bidi refugee camp was transformed in a few months in 2016

November 2016

Satellite image of Bidi Bidi in November 2016

May 2016

Satellite image of Bidi Bidi in 2016

Bidi Bidi, oo mar ahaan jirtay tuulo yar, waxay aad u ballaaratay sanadkii 2016-kii, haddana waxay ku fadhisaa baaxad dhan 250 sq km (97 sq miles) - kaasoo ah saddex meelood meel ka mid ah dhulka ay ku fadhiso magaalada New York City.

Dowladda Uganda oo caan ku ah sida ay u qaabisho qaxooriga ayaa dadkaas siisa dhul ay beertaan ama ay hoy ka sameystaan.

Mas'uuliyiinta xeradaas ayaa sidoo kale qorsheynaya inay dhisaan xarumo waxbarasho.

Dadka ku nool Bidi Bidi waxaa ka mid ah Herbat Wani, oo kasoo qaxay Suudaanta Koonfureed iyo Lucy, oo u dhalatay Uganda, waxayna is guursadeen sanadkii lasoo dhaafay.

Herbat wuxuu aad uga mahad celiyaa soo dhaweynta uu ku helay Ugnada.

"Marka aad soo gaartid xuduudda, wali waad naxsan tahay, laakiin waxaa kaasoo horreeya dadkan oo diyaar u ah inay kusoo dhaweeyaan", ayuu yiri.

Lahaanshaha sawirka BBC News

Lucy waxay sheegtay inaysan Herbat u arkin sidii qof qaxooti ah. "Waa qof bani'aadan ah, oo aniga ila mid ah," ayey tiri.

Barakaca wuu kasii dari karaa

Marka laga soo tago dagaallada sokeeye, qalalaasaha, dacwadaha iyo ku xad gudubka xuquuqda aadanaha, waxaa kale oo barakaca muddooyinkii dambe sii xoojiya musiibooyinka dabiiciga ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

10.8 malyan oo qof oo ahaa dadkii dalalkooda gudahooda ugu barakacay dagaallada awgood sanadkii lasoo dhaafay, waxaa sii dheeraa 17.2 malyan oo guryahooda uga cararay musiibooyinka dabiiciga ah awgood.

Musoobooyinkaasna waxaa u badnaa kuwo dhinaca cimilada ah, sida duufaanno iyo fatahaado.

Xaaladahan ayaa horseedi kara in tirada barakaca addunka ay gaarto meel kasii xun halka ay hadda taagan tahay.

Inkastoo hadda dhacdooyinka lasoo arkay aysan wax xiriir ah la lahayn diirrimaadka adduunka, haddana isbaddalka cimilada ayaa la filayaa inay saameyn baaxad weyn ku yeelato musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhasha dhinaca cimilada.

Phan Thi Hang, oo ah beeraley ku nool gobolka Ben Tre ee waddanka Vietnam ayaa BBC-da u sheegay in isbaddalka cimilada ee dalkiisa ka jira uu haddaba saameyn ballaaran ku yeeshay hannaankii wax beerashada.

"Waxaa yaraaday roobabkii di'i jiray sannadihii lasoo dhaafay, taasina waxay adkeysay in wax la beerto", ayuu yiri.

"Hadda labo jeer oo kaliya ayaa dalag beeran karnaa sanadkii, halkii aan horay ilaa saddex jeer wax u abuuran jirnay", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Balse inta badan magaalooyinka caalamka dadka ma siiyaan magangalyada ay raadinayaan.

Barakacayaasha ku sugan magaalooyinka intooda badan wuxuu wakhtigooda ku dhammaadaa dhismaha hoy aysan dhameystiri karin, mana heystaan cunto iyo biyo ku filan, arrintaas ayaana ka dhigta kuwo u nugul cudurro, sida ay sheegtay hay'adda kormeerta xaaladda barakacayaasha ee magaceeda loo soo gaabiyo IDMC

95% ka mid ah magaalooyinka wajahaya khatarta dhinaca cimilada ah waxay ku yaallaan qaaradaha Afrika iyo Aasiya, sida lagu xusay warbixin ay soo saareen falaqeeyayaasha dhinaca khatarta.

Dad gaaraya afar malyan oo ruux ayaa ka barakacay waddanka Venezuela, 40,000 oo ka mid ahna waxay u jiheysteen dhinaca jaziiradaha Caribbean -ka ee Trinidad and Tobago, kuwaasoo 7 meyl ka baxsan xeebta waddanka Venezuela.