Nooc cusub oo daawada Kansarka ah oo la ogolaaday

Charlotte Stevenson, oo ah laba jir ka soo jeeda magaalada Belfast, waxay ka mid ahayd bukaannadii ugu horreeyay ee ka faa'iidaysta. Lahaanshaha sawirka ROYAL MARSDEN
Image caption Charlotte Stevenson, oo ah laba jir ka soo jeeda magaalada Belfast, waxay ka mid ahayd bukaannadii ugu horreeyay ee ka faa'iidaysta.

Nooc cusub oo "kacaan" ah oo ah dawada kansarka taas oo daweyn karta burooyin badan ayaa loo oggolaaday in lagu isticmaalo Yurub, markii ugu horeysay.

Daawooyinka Kansarka, ma daryeelaan meesha uu kansarku ku sii kordhayo jirka illaa iyo inta ay leedahay hiddo-sidayaal gaar ah oo gudaha ah.

Dhakhaatiirta UK ee tijaabinaya dawooyinkna ayaa sheegay inay "ahaayeen wax runtii xiiso badan".

Waxay sheegeen in qaabku yahay uuna leeyahay karti lagu daweeyo bukaanno badan isla markaana isagoon lahayn dhibaatooyinka soo raaca.

Daawada la ogolaaday waxaa loo yaqaanaa Larotrectinib.

Charlotte Stevenson, oo ah laba jir ka soo jeeda magaalada Belfast, waxay ka mid ahayd bukaannadii ugu horreeyay ee ka faa'iidaysta.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dhakhaatiirta UK ee tijaabinaya dawooyinkan

Waxaa laga helay nooca kansar 'fibrosarcoma' ee carruurta ku dhaca, kansarkaas oo ka soo baxa unugyada jidhka.

Waxaa laga daaweeyey cudurka loo yaqaan 'larotrectinib' oo qayb ka ah tijaabadda caafimaad ee Royal Marsden Sutton, ee London, ay sameeyeen sanadkii la soo dhaafay.

Hooyadeed, Esther, waxay tiri: "Waxaan ogaynay in xulashooyinkayagu xaddidan yihiin sidaa darteed waxaan go'aansannay inaan siino oo tijaabinno, waanan ku faraxsannahay waxaan samaynay'.

"Waxay hadda ku noolaan kartaa nolol caadi ah, oo noo fiican dhammaantayo, dawadanna ayaa saameyn aan caadi aheyn ku yeelatay buradii." Ayay ku dartay

"Runtii waa wax xiise leh, sidoo kale waxay ku shaqaysay noocyo kale oo kansarka ah. Kuma koobna kaliya mid," Julia Chisholm, oo lataliye ka ah kansarka carruurta ee cusbitaalka Royal Marsden, ayaa u sheegtay BBC.

Isbeddellada NTRK waa wax naadir ah, laakiin daweyno kale oo la bartilmaameedsaday ayaa hadda socda.

Dr Chisholm ayaa u sheegay BBC: "Quruxda ayaa ah inay bartilmaameedsato dawadani halka jidhka ka duwan ee xanuunku hayo'.

'Waxaa jira dhowr wadiiqooyin kiimikaad oo si guud lagula tacaali karo burooyin kala duwan'.

Go'aanka ay gaadheen xeer-ilaaliyayaasha Yurub micnaheedu maahan inay isla markiiba heli doonaan dadka bukaanka eek u nool UK

Laakiin horaantii sanadkaan, NHS England ayaa ku tilmaantay dawooyinka kansarka "kacaan" iyo "horumar cusub oo farxad leh" waxayna sheegeen in loo diyaar garoobayo sidii loo hubin lahaa in bukaannada la siiyo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan