Halkuu ku dambeyn doonaa khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka?

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Axmed Madoobe ayaa bishii August dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland, inkastoo doorashadaas ay muran badan dhalisay

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khalkhal galinaya dadaalka ay beesha caalamka ugu jirto sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa waddankan ku yaalla bariga Afrika.

Muranka u dhaxeeya labada dhinaca oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa hadda u muuqda inuu sii qota dheeraaday, wixii ka dambeeyay markii ay bishii August magaalada Kismaayo ka dhacday doorasho dood badan dhalisay.

Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" ayaa dib loogu doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, tallaabadaas ayaana kasii careysiisay mas'uuliyiinta dowladda dhexe, oo doonayay inay la socdaan habsami u socodka hannaanka doorashadaas.

Dib u doorashada Axmed waxaa gaashaanka u daruurtay wasaaradda arrimaha gudaha ee heerka federaalka, waxaana sidoo kale ka biyo diiday labo hoggaamiye siyaasadeed oo gobolkaas kasoo jeeda, kuwaasoo iskood ugu dhawaaqay inay madaxweyneyaal ka yihiin Jubbaland.

Khilaafkan ayaa dhinaca kale wiiqay xiriirkii dowladaha Kenya iyo Itoobiya, gaar ahaan wadashaqeyntooda dhinaca milatariga ee qeybta ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya(AMISOM)

1- Maxaa ka dhacay Jubbaland?

Lahaanshaha sawirka JUBBALAND TV
Image caption Beesha caalamka ayaa Jubbaland ugu baaqeysay in ay fuliso doorasho xor iyo xalaal ah

Xildhibaannada baarlamaan goboleedka Jubbaland ee uu fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo ayaa cod aqlabiyad leh dib ugu soo doortay Axmed Madoobe, iyadoo ay dowladda federaalku ka digeysay in natiijada doorashadaas aysan aqoonsan doonin, ilaa sida ay sheegtay la waafajiyo qodobbada dastuuriga ah.

Hase ahaatee mas'iilyiinta Jubbaland ayaa dhankooda sheegayay inay u hoggaansameen dastuurka.

Axmed Madoobe, oo xilka madaxweynaha Jubbaland hayay tan iyo sanadkii 2013-kii ayaa helay codad gaaraya 56 oo ka mid ah 74-tii cod ee guud ahaan doorashada laga dhiibtay.

Doorashada ayaa saddex maalmood dib uga dhacday wakhtigii loogu talagalay ka dib markii ay saameeyeen isqabqabsi siyaasadeed iyo eedeymo ay guddiga doorashada u jeedinayeen musharraxiin la sheegayay inay taageersan yihiin dowladda dhexe.

Xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in doorashadii odayaasha dhaqanka, oo iyagana soo xushay xildhibaannada Jubbaland, ay ahayd mid loogu eexday Axmed Madoobe.

Hase yeeshee arrintaas ayaa sababtay in madaxda Jubbaland ay uga jawaabaan xayiraad ay wasiirrada xukuumadda dhexe ka saareen inay gobolka booqdaan, ka hor wakhtiga doorashada.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa albaabbada la isugu dhuftay, si looga hor tago in dowladda dhexe "ay carqaladeyso" doorahsada.

Jubbaland ayaa sidoo kale dhagaha ka fureysatay baaqyo uga imaanayay danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasoo ku talinayay in la qabto doorasho nabdoon oo lagu kalsoonaan karo.

2- Sidee looga fal celiyay?

Lahaanshaha sawirka JUBBALAND TV
Image caption Doorashadii Jubbaland ka dhacday bishii August ayaa dhalisay muran

Islamarkii la doortay Axmed Madoobe, wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn natiijada kasoo baxday doorashadii ka dhacday Kismaayo, iyadoo hannaanka loo maray ku tilmaantay "mid aan xor iyo caddaalad ahayn".

Cabdullaahi Axmed Ibraahim, oo sheegay in laga hor istaagay ka qeyb galidda doorashada ayaa doorashada Axmed Madoobe loollan ku galiyay maxkamad, isagoo sheegay in guddiga doorashada ee heerka gobol aysan doorashada u fulinin si waafaqsan dastuurka Jubbaland.

Xarigii ay dowladda federaalka garoonka weyn ee magaalada Muqdisho ugu geysatay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur "Janan", oo ah wasiirka amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, ayaa xaaladda sii cakiray, wuxuuna sii xoojiyay xiisadda.

Dowladda dhexe ayaa Cabdirashiid ku eedeysay inuu geystay "dambiyo waaweyn", laakiin guddiga amniga ee Jubbaland ayaa xarigiisa ku tilmaamay "afduub".

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay sanadkii 2017-kii ayaa Cabdirashiid Janan ku eedeysay inuu Soomaaliya ka sameeyay jirdil iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

26-kii bishii September, Intii uu socday diyaargarowga munaasabadda caleemasaarka Axmed Madoobe, dowladda federaalka ayaa xayiraad kusoo rogtay duullimaadyadii u socday iyo kuwii ka baxayay magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka caanka ah ee laga hor istaagay inay u safraan Kismaayo, si ay xafladda caleemo saarka uga qeyb galaan.

Xayiraaddii safarrada Kismaayo ayaa meesha laga saaray, laakiin Isbuucii ay dhaqan galka ahayd ayaa sababay in caleema saarka Axmed Madoobe dib loogu dhigo waqti aan la cayimin.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in xayiraaddii duullimaadyada ee Kismaayo ay saameyn ba'an ku yeelatay dadka rayidka ah ee ku nool Jubbaland, waxaana lagu soo warramay in xarumihii caafimaadka ay ku dhacday daawo la'aan, halka khasaare dhinaca dhaqaalaha ahna uu jiray.

3- Waa kuwee 'madaxweyneyaasha' iskood isku magacaabay?

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Cabdirashiid Xiddig ayaa ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland

Mid ka mid ah waa Cabdirashiid Maxamed "Xiddig", oo xubin ka ah aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka.

Xiddig wuxuu mar abuuray xisbi sameynayay dhaqdhaqaaq ka dhan ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sanadkii 2013-kii, wuxuu wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay inay faragalin ku heysay hannaankii dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Xisbigiisa Sahal wuxuu kasoo horjeeday faragalintii lagu eedeynayay dowladdii federaalka ee xilligaas ka jirtay Soomaaliya.

Lahaanshaha sawirka JUBBALAND TV
Image caption Cabdinaasir Seeraar wuxuu sheegay in loo doortay madaxweynaha Jubbaland

"Madaxweynaha" kale ee Jubbaland waa Cabdinaasir Seeraar Maax, wuxuuna horay xulafo ula ahaan jiray Axmed Madoobe.

Seeraar wuxuu mar ahaan jiray Afhayeenka Axmed Madoobe, horayna wuxuu xubin uga ahaa xoogaggii ururkii la magac baxay Raas Kambooni. Waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay shakhsiyaadka abuuray maamul goboleedka Jubbaland.

Dowladda federaalka ayaa ku gacan seyrtay sheegashadooda "madaxweynenimada", inkastoo ay jireen warar sheegayay inay iyadu maalgalineysay.

5- Maxay Jubbaland muhiim u tahay?

Jubbaland waxay ka kooban tahay saddex gobol oo hal maamul ku mideysan, oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, oo xad la wadaaga Itoobiya.

Jubbaland waxaa lagu tilmaamaa inay tahay gobolka ugu wanaagsan dhinaca beerashada ee guud ahaan Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah la isugu raacsaneyn aragtidaas.

Waxaa sidoo kale loo arkaa gobol aad muhiim u ah marka la eego dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada, waxaana dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay marar badan dagaallo kula galeen xoogagga Al Shabaab oo fariisimo ku leh gobolkaas.

Kooxda gacan saarta la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa sidoo kale halkaas ka geysatay weerarro ay ku bartilmaameedsatay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya.

6- Maxaa laga yaabaa inay xigaan?

Lahaanshaha sawirka Madaxtooyada Jubbaland
Image caption Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal

Axmed Madoobe wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay "inuu wadahadal la galo dadka oo dhan, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradka ah" balse wali arrintaas ka aysan jawaabin dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka toona.

Hase ahaatee Axmed Madoobe qorshaha uguma jirto inuu xilka iska casilo, in la afgambiyana ma sahlanaaneyso.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda isku dayeysa inay ka faa'iideysato khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaarkood, sida ay muujisay xog aruurin ay sameysay waaxda warqabadka ee BBC-da.

Waxaa kale oo ay xogtu qeexeysaa in dadka uu ku jiro xanaaqa dhinaca qabiilka ay ku biiri karaan Al-Shabaab.

Khilaafka Jubbaland ayey suurtagal tahay inuu sidoo kale sii xoojiyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo salka ku heysa muranka xadka badda ee ay labada dal isku hayaan.

Goor horeba waxaa soo baxay in khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ee sii weynaanaya uu wiiqay dagaalkii lagula jiray ururka Al-Shabaab.

29-kii bishii September, Kenya waxay Soomaaliya ku eedeysay iney oggolaatay in "sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab" uu soo raaco diyaarad ku wajahneyd magaalada Nairobi.

Mowduucyada la xiriira