Mareykanka oo iisu diyaarinayo inuu cunaqabateyn ku soo rogo Turkiga?

Magaalo ka mid ah magaalooyinka ay Turkiga duqeynta u geysatay Lahaanshaha sawirka AFP

Dowladda Turkiga dagaalka ay ku hayso deegaannada dalka Suuriya ee ay Kurdiyiintu gacanta ku hayaan ay u joojin lahayd ayaa Mareykanka cadaadis lagu saarayaa.

Xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu horay uga digay "in tallaabbo adag" la qaadi karo. Halka uu wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Munuchin uu isuguna sheegay iney jiraan fursado cuanqabateyn cusub lagu saari karo Turkiga.

Xoghayaha gaashaandhigga Mr Esper wuxuu intaa ku daray madaxweyne Erdogan inuu qaaday "tallaabbo ay halis badan ka dhalan karto" deegaannada ay ku go'doonsanaayeen dagaallamayaasha IS-na uu halis gelinayo.

Wasiirka maaliyaddana Mareykanka Mr Mnuchin wuxuu sheegay inuu madaxweyne Trump uu amar uu ku bixiyey hindisaha sharciga cunaqabateynta looga rogayo Turkiga in la diyaariyo.

"Haddaan doonna dhaqaalaha Turkiga waan joojin karnaa" ayuuna sii raaciyey.

"Turkigu iney naf dad gooyaan uma oggolaaneyno, haddii aan u baahanno inaan cunaqabateyn saarnana waan sameeyneynaa" ayuu yiri Mr Trump.

Cunaqabateynka uu damacsan yahay inuu Mareykanaka saaro Turkiga ayaa loo badinayaa in madaxda dalkaasi lagu beegsado sida oo kalana bangiyada dhaqaalaha ugu weyn ku caawiyo dagaalkana iney qayb ka noqon karaan ayey sheegeen wakiillo ka kala socda xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

Dhinaca kale mudanayaasha labada xisbi ee dalka Mareykanka ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga waxay ka arrinsanayaan sidi Turkiga cadaadis horleh loo sari lahaa.

Shacab aan yareen oo dalka Mareykanka ka soo jeeda ayaa dowladda Mareykanka ku eedeeynaya ciidamadeeda ay ka soo saartay deegaannada Turkiga uu dagaalka ku qaaday ay u sahashay inuu Turkiga dagaalkaasi qaado.

Madaxweyne Turkiga Recep Tayip Erdogan wuxuu sheegay inuu dagaalka halkiisa ka sii soconaya.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Carruur qaxooti ah ayaa gaaray gobolka waqooyi-galbeed Suuriya ku yaalla ee Hassakeh

Ilaa 100,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda ku yaalla waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay Qaramada Midiibay, iyadoo Turkigu uu weerarro ku qaadayo deegaannada ay haystaan Kurdiyiinta.

Dad badan ayaa hoy ka dhiganaya iskuullada amaba dhismooyinka kale ee ku yaalla magaalada Hassakeh iyo magaalada Tal Tamer, sida ay sheegtay QM.

Turkiga ayaa Arbacadii weerarka bilaabay kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu halkaasi kala baxay ciidammadiisa.

Ugu yaraan 11 rayid ah ayaa ku dhintay weerarrada. Kooxaha bani`aadannimada ayaa sheegaya in laga yaabo in tirada dadka ay dagaalladu saameeyeen ay sii kororto.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka ayaa ka qaxay guryahooda ku yaalla magaalada Ras al-Ain

Tiro dagaalyahanno ah oo ka tirsan xoogagga ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan iyo kuwo kale oo Turkiga taageersan ayaa sidoo kale weerarka ku dhintay. Askarigii koowaad ee ku dhintay dagaalka waxaa xaqiijiyay milatariga Turkiga.

Pentagon wuxuu Jimcihi sheegay saldhig ay ciidamada Mareykanaka ku leeyihiin meel u dhaw deegaannada xadka uu dagaalka ka socda in hub laga soo riday dhanka Turkiga uu ku soo dhacay meel ku dhaw xerada ciidamada Mareykanaka.

Balse Tiurkiga ayaa diiday eeddaasi wuxuuna sheegay iney jirin ciidamo Mareykan oo si ula kac ah loo bartilmaameedsaday.

Turkiga wuxuu dagaal uu ka wadaa dhul dhan 120 km oo u dhaxeeya xadka labada dal ee Suuriya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan wuxuu isna sheegay "dhan walba waxaa nooga imanaya digniino iyo cadaadis ku aaddan inaan dagaalka joojinno" balse uusan dalka Turkiga "mowqifkiisa marna ka laabaneyn".

Mowduucyada la xiriira