Dagaal culus oo ka socda xudduuda Turkiga iyo Suuriya

Duqeymaha Turkiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duqeymaha Turkiga

Dagaal culus ayaa ka socda magaalada ku taalla xuduuda Suuriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya.

Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen in ay la wareegeen magaaladaasi,balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay.

Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale ay beenisay in ciidamadeeda ay bartilmameedsadeen ciidamada Mareykanka ka dib markii wasaarada gaashaanhiga Mareykanka ay sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray.

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa la sheegayaa in la dilay islamarkana in ka badan 200,000 oo qof ay qaxeen afartii maalmood ee uu dagaaka socday.

Go'aankii madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

Xukuumadda Turkiga ayaa u arkta kooxda YPG in ay yihiin koox argagixiso ah.

  1. Turkiga iyo US oo "duulaan ku ah" Raqa
  2. Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay duulaan uu ku fulinayo gudaha Suuriya
  3. Turkiga: Laba bilood kaddib waxaa na soo gaaraya gantaallada S-400

Dhanka kale xukuumadda madaxwayne Donold Trump ayaa waxa ay ka biya diiday qaabka uu ku socdo howlgalkaTurkiga ee ka dhanka ah kooxda kuridiinta.

Wasiirka maaliyaddana Mareykanka Mr Mnuchin wuxuu sheegay inuu madaxweyne Trump uu amar uu ku bixiyey hindisaha sharciga cunaqabateynta looga rogayo Turkiga in la diyaariyo.

"Haddaan doonna dhaqaalaha Turkiga waan joojin karnaa" ayuuna sii raaciyey.

"Turkigu iney naf dad gooyaan uma oggolaaneyno, haddii aan u baahanno inaan cunaqabateyn saarnana waan sameeyneynaa" ayuu yiri Mr Trump.

Cunaqabateynka uu damacsan yahay inuu Mareykanaka saaro Turkiga ayaa loo badinayaa in madaxda dalkaasi lagu beegsado sida oo kalana bangiyada dhaqaalaha ugu weyn ku caawiyo dagaalkana iney qayb ka noqon karaan ayey sheegeen wakiillo ka kala socda xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

Turkiga wuxuu dagaal uu ka wadaa dhul dhan 120 km oo u dhaxeeya xadka labada dal ee Suuriya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan wuxuu isna sheegay "dhan walba waxaa nooga imanaya digniino iyo cadaadis ku aaddan inaan dagaalka joojinno" balse uusan dalka Turkiga "mowqifkiisa marna ka laabaneyn".