Abiy Ahmed ma nabadbuu u horseeday Bariga Africa?

Raisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali Lahaanshaha sawirka Getty Images

Gudiga bilada nabadda ee Nobel-ka waxaa ay sheegeen in uu ku muteystay doorkiisa xalinta khilaafaadka xadka kala dhexeeya Ereteriya, iyo kor u qaadista nabada iyo dib u heshiisiinta dalkiisa iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Taageerayaasha Mr Abiy waxaa ay soo dhaweeyeen guush uu gaaary balse sidoo kale waxaa jira dhaliilo loo jeedinayo oo farta ku fiiqaya xaaladda uu haatan ku sugan yahay waddankiisa, oo ay ka jiraan xiisadaha u dhaxeeya bulshooyinka.

Waxaan eegeynaa rikoorkiisa

Caqabad aad u weyn

Sannadkii 2018-kii Mr Abiy waxaa uu dhaxlay waddan uu hareeyay khilaaf aan la xallin oo ka jiray xuduudda woqooyi, oo ah gobol ay xasillooni darradu si weyn dib ugu dhigtay horumarkiisa dhaqaale.

Dhawr bilood gudahood, waxaa uu heshiis nabadeed la saxeexday Eritrea.

Si hadafkaas loo gaaro ayaa Mr Abiy waxaa uu ballanqaaday in uu wareejin doono dhul si aad ah loogu muransanaa, gaar ahaan magaalada Badme, oo halkii ay ka dhaceen dagaalladii cuslaa sanadihii 1998-kii iyo 2000, kuwaas oo tobanaan kun oo qof ay ku naf waayeen.

Mr Abiy ayaa sidoo kale lagu amaanay in uu Itoobiya u keenay isbadallo muhiim ah oo dhanka dimuqraadiyad ah iyo dadaalkiisa xallinta khilaafaadka meelo kale oo gobolka ka mid ah.

Balse aan ku horeyno natiijada heshiiskiisii nabadda ee uu la galay Eritrea

Markii hore, magaalooyinka xuduuda ayaa la furay oo dadku si habsami leh ayay iksu dhaafsan jireen alaabaha waxaana ay awoodeen inay si xur ah uga gudbaan xadka kaas oo horey u xirnaa.

Si kastaba ha ahaatee kadib markii la gaaray heshiiska ayaa waxaa jahawareer ka jiray horumar ka gaarista heshiiska nabadda iyo deegaanadii.

Magaalada Badme waxaa wali si saameyn leh gacanta ugu haya dowladda Itoobiya,iyadoo labada dowladood ay heshiiska ku faahfaahiyeen qaabkii looga heshiiyay iyo xuudahaha iyadoo markaa la furay haatana la xiray.

Ganacsatada qaar ee magaalooyinka xudduudda, oo markii hore barwaaqoobay, ayaa hadda wajahaya dhibtooyin.

Duulimaadyadii u dhexeeyey labada magaalo ee Addis Ababa iyo Asmara, ayaa dib u bilaawday

Qaar ka mid ah qowmiyada Tigreega, oo ku dhaqan gobolka waqooyi-bari ee xadka la leh Ereteriya, ayaa ka mudaaharaaday furitaanka xadka.

Ururka siyaasadeed ee ugu magaca weyn gobolka waqooyi-bari, ee loo yaqaano Jabhadda Xoreynta Tigreega (TPLF), ayaa ka soo horjeesatay dadaalada .

Markii heshiiska nabada la saxeexay, Mr Isaias wuxuu aad u dhaleeceeyay kooxda TPLF .

Markii dawladda Itoobiya isku dayday in ay Milatariga iyo qalabkoodaba ka saarto xadka, waxaa xayiray bulshada Tigreega oo ka baqay in ay mustaqbalka isku dhacaan deriskooda.

Qaar ka mid ah dadka lafa gura arrimahaan ayaa sidoo kale dhalleeceeyay horumarka gaabiska ah ee dhanka nabada laga sameeyay.

Madaxweynaha Eritreia Isaias Afwerki waxaa uu ka horyimid furitaanka wadankiisa, oo loo arkayay in uu yahay midka ugu dulman qaarada,waxaana lagu dhaliilay in aanu u diyaarsaneen in uu dalkiisa ka samaeeyo isbadallo.

Ma jiraan horumarro dimuqraadiyadeed?

Markii Mr Abiy xukunka yimid, waxaa uu xabsiyada ka sii daayay kumanaan maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed , waxaa sidoo kale uu xayiraadihii ka qaaday tiro badan oo xisbiyo ah oo dalka markii hore laga mabnuucay .

Waxaa uu magacaabay haweeneydii ugu horreysay oo dalka madaxweyne ka noqota ,kala bar kuraasta wasiiradana waxaa uu u magacaabay haween isaga oo ballan-qaaday in dalka ay ka dhici doonaan doorashooyin sanadka 2020-ka.

Dhammaan waxyaabahaani waa guulihii dimuqraadiyadda ahaa ee la qiyaasi karay, balse dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in qaabkiisa hoggaamineed uu ku tiirsan yahay dhaqan shaqsiyeed, halka uu wasaaradaha muhiimka ahna ee dowladda ka hor istaagay hannaanka go'aan qaadashada.

Lahaanshaha sawirka MICHAEL TEWELDE
Image caption Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Xiisadaha qowmiyadeed ee gudaha Itoobiya ma ka sii dareen?

Xiisadaha u dhexeysa bulshooyinka tirada badan ee dalka Itoobiya ayaa had iyo jeer ahaa arrimo muran badan dhaliyay.

Markii Mr Abiy uu xukunka qabtay bishii Abriil 2018-kii, waxaa uu soo bandhigay xorriyad siyaasadeed oo ballaaran loona qabay baahi xoogan.

Deegaanada qaarkood,waxaa furfurnaanta siyaasadeed ay u horseeday iska horimaadyo kuwaas oo sababay in qaar ka mid ah 2.5 milyan oo qof ay ka cararaan guryahooda gobalada aan xaaladahoodu xasilooneyn.

Warbixin ay soo saartay Hay'adda Refugees International bishii Nofeembar ee sanadkii hore ayay ku dhalleeceeysay dowladda in ay dhiirigeliso in dadku ay dib ugu noqdaan deegaanada aan nabaddu ka jirin isla markana aysan difaacin dadka rayadka ah .

Waa maxay doorka Abiy ee dhexdhexaadinta nabadda gobolka?

Muddadii yarayd ee uu xafiiska joogay, Mr Abiy waxaa uu door muhiim ah ka ciyaaray dhexdhexaadinta gobalada kale ee xiisaduhu ka jireen.

Waxaa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay in milatariga Suudaan ee xukunka dalkaas la wareegay iyo mucaardka ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan kadib muddo mucaaradku ay wadeen dibad-baxyo baahsan oo ka dhacay Khartoum iyo meelo kale.

Wadahadalka labada dhinac waxaa ay horseedeen samaynta dawlad ku-meel-gaar ah oo awood wadaag ah.

Intaa waxaa u dheer, in uu isku dayay inuu gacan ka geysto sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti ka dib sannado colaad siyaasadeed ay ka dhex jirtay labada dal.

Mr Abiy waxaa sidoo kale uu isku dayay inuu dhexdhexaadiyo Kenya iyo Soomaaliya khilaafka muddada ka taagan xadka badda ee labada dal.

Waxaa uu si firfircoon uga qayb qaatay wadahadaladii nabadeed ee u dhaxeeyay Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Waxaa uu fududeeyey kulan u dhexeeya labada hoggaamiye bishii Juun ee sannadkii hore oo ka dhacay Addis Ababa inkasta oo heshiis nabadeed la saxeexey bishii Agoosto ee la soo dhaafay haddana weli si buuxda looma dhaqan-gelin.

Mowduucyada la xiriira