Kurdiyiintu maxay yihiin?

Kurdish men sit in the bazaar in Sulaimaniya, Iraq (17 October 2002) Lahaanshaha sawirka AFP

Qiyaastii 25 illaa 35 milyan oo Kurdiyiin ah ayaa ku nool dhulka buuraleyda ah ee ku hareereysan xuduudaha dalalka Turkiga, Ciraaq, Suuriya, Iraan iyo Armenia. Waa qowmiyadda afaraad ee ugu badan Bariga Dhexe, balse weligood ma aysan yeelan dal u madax bannaan oo ay ku mideysan yihiin.

Halkey ka yimaadeen?

Qowmiyadda Kurdiyiinta waa mid ka mid ah dadka asalka ah ee dhulka siman iyo buuraha Mesopotamia, halkaas oo hadda u kala qeybsan Koonfurta-Bari ee Turkiga, Waqooyi-Bari Suuriya, Waqooyiga Ciraaq, Waqooyi-galbeed Iraan, iyo Koonfur-Galbeed Armenia.

Maanta, waa qowmiyad kala qeybsan, balse ka mideysan midabka, jinsiyadda, dhaqanka iyo luqadda, inkasta oo ay leeyihiin lahjado kala duwan. Sidoo kale waxay kala aaminsan yihiin diimo kala duwan, waxaana ugu badan Muslimiin Sunniyiin ah.

Maxaysan dal u lahayn?

Horraantii qarnigii 20-aad, Kurdiyiin badan waxay billaabeen in ay ka fakaraan sidii ay ku aasaasi lahaayeen dal u gaar ah - kaas oo aalaaba loogu yeero "Kurdistan".

Ka dib dagaalkii Koobaad ee Dunida iyo markii laga adkaaday Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Xulafadii dalalka Reer Galbeedka waxay ogolaadeen dal Kurdiyiintu leeyihiin sannadkii 1920-kii, ee heshiiskii loo garanayay Treaty of Sevres.

Rajada noocaas ah waxay burburtay seddax sano ka dib, si kastaba, heshiiskii Lausanne, ee lagu aasaasay Turkiga Casriga ah, wuxuu sababay in Kurdida aysan yeelan dal, taasi bedelkeeda waxaa loo kala qeybiyay dalalka ay xuduudaha la wadaageen.

Illaa 80-kii sano ee ka dambeysay, tallaabo kasta oo Kurdiyiinta ay u qaadeen in ay dal ku sameystaan, si arxan daro ah ayaa cagta loo marinayay.

Maxay Kurdiyiinta ugu jiraan furinta hore ee dagaalka ka dhanka ah IS?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Malleeshiyada Kurdiyiinta Ciraaq ee Peshmerga waxay ururka la baxay dowladda Islaamka kula dagaallamayeen Waqooyiga Ciraaq

Bartamihii 2013-kii, Ururka IS waxay weerar culus ku qaaday seddax saldhig oo waaweyn oo Kurdiyiinta ay ku lahaayeen xuduudahooda dhanka Waqooyiga Suuriya.

Waxay weerar joogto ah ku hayeen illaa bartamihii 2014-kii kaas oo ay ka hortageen malleeshiyada Difaaca Shacabka ee YPG - oo ah garabka hubeysan ee xisbiga siyaasadda Kurdida ee Suuriya.

Guulihii uu ururka IS ka gaaray Waqooyiga Ciraaq, bishii June ee 2014-kii, wuxuu sidoo kale dhaliyay in Kurdiyiinta ay dagaalka qeyb ka noqdaan. Dowladda gobolka Kurdistan ee Ciraaq, waxay dirtay malleeshiyada Peshmerga kuwaas oo dib u qabsaday deegaanno ay banneeyeen militariga Ciraaq.

Bishii August 2014, ururka waxay qaadeen dullaan la yaab noqday oo Malleeshiyada Peshmerga ay uga qabsadeen magaalooyiin dhowr ah. Magaalooyiin ay ku badan yihiin dadka haysta diimaha laga badan yahay, sida Sinjar, ayay gacanta ku dhigeen halkaas oo ay ku dileen ama ku qafaasheen kumannaan qof oo Yazidi ah.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Militariga Turkiga kama aysan qeyb galin duullaankii Kobane.

Iyagoo ka jawaabayay duullaankii ururka la baxay dowladda Islaamka, isbeheysiga uu hoggaaminayo Mareykanka waxay billaabeen duqeyn dhanka hawada ah, waxayna u direen la taliyayaal militari oo la howlgalayay Peshmerga.

Sidoo kale YPG iyo Kurdiyiinta PKK, oo muddo 30 sano ah u dagaallamayay in ay ka go'aan Turkiga, ayaa u gurmaday Kurdiyiinta Ciraaq.

Bishii September 2014-kii, Ururka la baxay Khilaafada Islaamka waxay weerar ku qaadeen xarumaha Kurdiyiinta ee Waqooyiga Suuriya sida magaalada Kobane. Kumannaan qof ayaa u qaxay dhanka kale ee xuduudda Turkiga.

Inkasta oo dagaalka uu aad ugu dhowaaday Turkiga, haddana maamulka Erdogan wuxuu diiday in ay weerar celin ku qaadaan IS, ama ay Kurdiyiinta Turkiga u ogolaadaan in ay is difaacaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kurdiyiinta waxay Turkiga ku eedeeyeen qasbid ka dib weerarkii isqarxinta Suruc ee 2015-kii

Bishii January 2015-kii, ugu yaraan 1,600 oo qof ayaa ku dhimatay, malleeshiyaadka Kurdiyiinta dib ayey u qabsadeen Kobane.

Bishii October 2017-kii, dagaallamayaasha malleeshiyada Kurdiyiinta oo garab ka helayay ururada Carabta, waxay dib u qabsadeen xuduuntii ururuka IS ee Raqqa, ka dibna waxay u sii talllaabeen dhanka Koonfur-Bari illaa gobolka Deyr al-Zour - meeshii ugu dambeysay ee gacanta ay ku hayeen ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

Lahaanshaha sawirka AFP

Meeshii ugu dambeysay ee ay qabsadeen waxay ahayd Baghouz, taas oo ay qabsadeen bishii March ee 2019.

Bishan October 2019, ciidamada Mareykanka waxay isaga bexeen xarumihii ay ku lahaayeen xuduudda Turkiga ka dib markii madaxweynaha uu sheegay in ay qorsheynayaan duullaan ay ku qabsadanayaan 32km oo ay kaga sifeynayaan dagaallamayaasha YPG. Halkaas waxaa la dejin doonaa illaa laba milyan oo qof oo Suuriya u dhashay kuwaas oo qaxooti ku ah Turkiga.

Ciidamada Turkiga iyo xulafadooda mucaaradka ah ee Suuriya ayaa goobo badan qabsaday, dhowrkii maalmood ee ugu horreeyay ee duullaanka. Kurdiyiinta waxay ka dib heshiis u la galay cadowgoodii hore - dowladda Suuriya - oo ay isku raaceen in ay ku wareejiyaan deegaannadooda.

Dowladda Suuriya ayaa wacad ku martay in ay qabsan doonto dhammaan Suuriya.

Turkiga muxuu halis ugu arkaa Kurdiyiinta?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hoggaamiyaha PKK leader Cabdullah Ocalan wuxuu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Turkiga tan iyo 1999.

Cadowtooyo aad u qoto-dheer ayaa ka dhexeyso dowladda Turkiga iyo Kurdiyiinta dalkaas oo boqolkiiba 15% illa 20%, ka ah bulshada dalkaas.

Kurdiyiinta waxay gacan bir ah kala kulmeen maamulka Turkiga. Kacdoonkii 1920 illaa 1930-meeyadii, Kurdiyiin badan ayaa dib u dejin ka helay dalal kale. Magacyada afka Kurdida iyo dhaqankooda ayaa la mamnuucay, sidoo kale ku hadalka Luqadda Kurdiyiinta waa la xakameeyay.

Si la mid ah, aqoonsiga jinsiyadda Kurdiyiinta ayaa laga diiday gudaha Turkiga, iyadoo dadka lagu astaameeyay Turkida buuraleyda ah deggan.

Sannadkii 1978, Cabdullah Ocalan wuxuu aasaasay PKK oo ku dhawaaqday dal ka madaxbannaan Turkiga. Lix ano ka dib, kooxda waxay bilowday dagaal. Tan iyo markaa ka dib, in ka badan 40,000 oo qof ayaa ku dhimatay, boqollaal kun oo kalena way ka barakeceen colaadda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption In ka badan 40,000 ayaa ku dhimatay dagaalka PKK tan iyo sannadkii 1984.

1990-maadkii, PKK waxay dib uga noqotay dalabkii ahaa xurnimo doonka, waxayna ku baaqeen in qeyb weyn ay siyaasadda iyo dhaqanka ka qaataan, balse way sii wadeen dagaalka. Sannadkii 2013-kii, xabad joojin ayaa lagu heshiiyay ka dib wadahadal qarsoodi ah oo labada dhinac dhexmaray.

Heshiiskaas wuxuu burburay bishii July 2015-kii, ka dib qarax is miidaamin ah oo IS ay sheegatay kaas oo lagu dilay 33 dhallinyaro ah oo u badnaa Kurdiyiin degganaa magaalada Suruc oo ku dhow xuduudda Suuriya.

Ururka PKK ayaa maamulka Turkiga ku eedeeyay khiyaano, waxayna weerar ku qaadeen militariga iyo booliska. Dowladda Turkiga waxay dhankeeda bilowday wax ay ku tilmaamtay "dagaal ballaaran oo ka dhan ah argagixiso" oo ay ula jeeday PKK iyo IS.

Wixii markaa ka dambeeyay, kumannaan qof - oo shacab ay ka mid yihiin - ayaa ku dhimatay rabshadaha Koonfurta-Bari ee Turkiga.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Cizre waxaa dhibaato u geystay dagaalka u dhexeeya militariga Turkiga iyo malleeshiyada PKK

Militariga Turkiga waxay Waqooyiga Suuriya ku sugnaayeen tan iyo 2016-kii, xilligaas oo ay ciidamo iyo gaadiid dagaal u dirtay in ay caawiyaan mucaaradka Suuriya oo duullaan ku ahaa ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Xoogaggaas waxay qabsadeen magaalooyiinka muhiimka ah ee xuduudda ku teedsan sida Jarablus, waxayna ka hortageen YPG in ay deegaannadaas ay qabsadaan, waxay sidoo kale u sii gudbeen dhanka dhufeysyadii Kurdiyiinta ee Afrin illaa Galbeedka.

Sannadkii 2018-kii, Ciidamada Turkiga iyo xulafadooda mucaaradka Suuriya waxay billaabeen guluf colaadeed ka dhan ahaa YPG oo ay kaga saareen Afrin. Tobannaan shacab ah ayaa ku dhimatay, kunannaan kalena way ka barakaceen dagaalkaas.

Dowladda Turkiga waxay sheegtay in YPG iyo PYD ay yihiin ururka PKK oo is fidiyay, ayna wadaagaan fikradda ah in dowlad gaar ah ay noqdaan, iyo in ay yihiin urur argagixiso oo u baahan in laga taqaluso.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan