Dhakhtarka shaqadiisa ku waayay cunuga waji la'aanta ku dhashay

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kiisas dhowr ah oo la xiriira dhakhtarkan ayaa la baaraya

Dhakhtar ku takhasusay uur ku jirta haweenka oo u dhashay dalka Bortaqiiska ayaa shaqada laga eryay ka dib markii cunug yar uu dhashay isagoo aan lahayn san, indho, iyo qeybo kale oo ka mid ah madaxa.

Waalidiinta dhalay cunugga yar oo lagu magacaabay Rodrigo ayaan kasii warqabin xaaladda qeyrul-caadiga ah ee cunuggooda ilaa intii uu ka dhashay horaantii bishan.

Saraakiisha waaxda caafimaadka ayaa u codeeyay in shaqada laga joojiyo Dr Artur Carvalho, maadaama lagu eedeeyay inuu shaqadiisa dayacay.

Waxaa soo baxday inay jireen cabashooyin kale ka dhan ah dhakhtarkan, kuwaasoo la xiriira dhacdooyin dhacay ku dhawaad toban sano ka hor, oo carruur kale la xiriira.

Wararka ku saabsan kiisaska kale, oo ay faahfaahiyeen warbaahinta Bortaqiiska, ayaa caro weyn ku abuuray shacabka dalkaas.

Dr Carvalho wali kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay, BBC-dana uma aysan suurtagalin inay si toos ah ula xiriirto.

Maxaa ku dhacay Rodrigo?

Rodrigo wuxuu 7 October ku dhashay isbitaalka São Bernardo oo ku yaalla magaalada Setúbal, oo qiyaastii 40km (23 miles) dhinaca koonfureed ka xigta magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Lisbon.

Dr Carvalho ayaa saddex jeer intii uu uurka hooyadiis ku jiray ku sameeyay baaritaanka lagu arko uur ku jirta ee loo yaqaanno (ultrasound scan), wax walaac ahna kama uusan muujinin xaaladdiisa.

Hooyada ayaa markaas ka dib sameysay baaritaan kuwii hore kasii casrisan markii ay lix bilood uurka lahayd, halkaas ayaana lagu sheegay suurtagalnimada inay jiraan waxyaabo qeyrul-caadi ah oo la xiriira cunugga uurka ku jiray, hase ahaatee, Dr Carvalho ayaa ku gacan seyray walaac kasta oo lasoo jeediyay.

"Wuxuu noo sharraxay in mararka qaar qeybo ka mid ah wajiga aan laga arkin baaritaanka (ultrasound-ka)... gaar ahaan marka uu wajiga cunugga ku dhagganyahay hooyada caloosheeda", sidaas waxaa tiri cunugga yar habaryartiis oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP.

Ka dib markii uu dhashay cunuggan, oo la ogaaday inuusan waji lahayn, waxaa waalidiintiisa loo sheegay inuu noolaan doono dhowr saacadood oo kaliya, sida ay warbaahinta maxalliga ah tabiyeen.

Laakiin hadda oo in ka badan labo isbuuc ay kasoo wareegtay dhalashadiisa, cunugga yar wali wuu nool yahay, waxaana lagu xannaaneynayaa isbitaalka.

Wararka ayaa sheegaya in waalidiinta cunuggan ay cabasho ka dhan ah Dr Carvalho u gudbiyeen xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Bortaqiiska.

Maxay yihiin kiisaska kale?

Iyadoo ay taagantahay carada ka dhalatay kiiska cunugga yar ee lagu magacaabo Rodrigo, waxaa soo ifbaxay cabashooyin kale oo laga qabo shaqada Dr Carvalho.

Ugu yaraan 6 kiis oo kale ayaa laga gudbiyay hadda waxaana ay qaarkood ku wakhtiyeysan yihiin sanadkii 2013-kii, sida ay sheegeen saraakiisha waaxda caafimaadka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waalidiin kale ayaa soo gudbiyay dhibaatooyin ay kala kulmeen dhakhtarkan

Dhammaan waalidiinta kale ee dacwada soo gudbiyay ayaa warbaahinta maxalliga ah la wadaagay sheekooyin ku saabsan sida uu Dr Carvalho ugu soo gudbin waayay xaaladaha dhabta ah ee ay carruurtooda ku sugnaayeen inta aysan dhalanin ka hor.

Kiis kale oo la xiriira dhakhtarkan ayaa muujinaya in cunug uu xaaladdiisa la socday intii uu uurka hooyadiis ku jiray uu dhashay sanadkii 2011-kii isagoo dhibaatooyin ka qaba lugaha iyo maskaxda, wax macluumaad ahna uusan kasoo gudbinin.

Hooyada dhashay cunuggaas, oo lagu magacaabo Laura Afonso, ayaa wargeyska Publico u sheegtay inay dhakhtarka ka gudbisay kiis dacwadeed oo fal dambiyeed ah, laakiin uu meesha ka saaray mid ka mid ah dacwad oogeyaasha.

Hadda oo ay 8 sano kasoo wareegtay, waxay sheegtay in cunuggeeda oo dhowr qalliin lagu sameeyay uusan wali hadli karin isla markaana socon karin.

Dhammaan baaritaanna la xiriira kiisaskan ayaa hadda socda.

Mowduucyada la xiriira