Dibedbaxayaasha Ciraaq oo caburin hor leh wajahaya

Dibadbaxyada Ciraaq Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibadbaxyada Ciraaq

Bandow ayaa lagu soo rogay afar gobo oo ka tirsan dalka Ciraaq ka dib markii ay rabshado isu badalen dibadbaxyada dalkasi ka socda oo ay ku naf waayeen dad badan.

Booliska ciraaq ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad dhaaf ah u isticmaaleen dibadbaxayaasha.

Dibadbaxaayasah reer ciraaq ayaa dalbanayo isbadalo dalkaasi lag hirgaliyo .

Gobolada lagu soo rogay bandowga ayaa kala ah Basra, Wasit, Babel iyo Dhi Qar si looga hortago rabshado dheeraad ah.

Booliiska ayaa waxay sheegeen in 12 ka mid ah dibadbaxayaasha lagu dilay magaalada Diwaniya xilli ay isku dayayeen in ay dab qabadsiiyaan xarun ay leeyihiin ciidamada sida militariga u tababaran.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee Ciraaq inay sameeyeen gabood falyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii ay socdeen dibadbaxyada labadii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay mowjado rabshado ah oo ka dhashay dibadbaxa looga soo horjeedo dowladda Ciraaq.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala bar dadka dhintay la dilay xilli ay ku soo xoomeen xafiisyada dowoladda.

  1. Maxaa sababay dibadbaxyada gilgilay dalka Ciraaq?
  2. Madaxweynihii hore ee Ciraaq oo geeriyooday
  3. Sawirro: Ciidamada Ciraaq oo sii galaya Mosul

Dad gaaraya 2,000 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dibadbaxyadan sida wakaalada wararka ee AFP ay ka soo xigatay sarakiisha ammaanka.

Dibadbax kan la mid ah ayaa horraantii bishan waxay ciidamada ammaanka ku dileen ugu yaraan 150 qof.

Cilmi baare sare oo ka tirsan hay'adda u dooda xuquuqda aadnaha ee HRW Belkis Wille -ayaa BBC u sheegtay in dadka reer Ciraaq ay ka daaleen ballanqaadyo aan la fulin oo ay sameyeen dowladihii is xig-xigay.