Nin Soomaali ah oo soo galay diiwaanka dadka ugu saameynta badan UK

Ismaaciil Axmed
Image caption Ismaaciil Axmed

Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda WorldRemit oo ah shirkad u fududeysa in ehellada iyo ganacsatada ay lacag isu diraan iyagoo wadamo kala duwan joooga ayaa ka mid noqday diiwaanka dadka ugu saameynta badan UK.

Liiska dadka madow ee ugu sameeynta badan UK ee 2020-ka ayaa la shaaciyay waxa uuna liiska ka kooban yahay boqol qof oo uu namabarka koobaad ku soo baxay Ismaaciil Axmed.

Isagoo la hadlay BBC-da ayuu yiri: ''Sharaf weyn ayay iitahay inaan ku guuleysto abaalmarintan. Markii aan ku soo barbaarayay Somaaliland, waxaan arki jiray sida dadka qaxootiga ah ay lacagaha ugu soo diraan eheladooda''

Markii aan London waxbarsho u imid oo aan bilaabay inaan lacag u diro eheladayda, waan wareeray oo igu adkaatay qiimaha lacagaha loogu diro xawilaadaha caadiga ah''.

Markaasi ka dib ayuu bilaabay hadafkiisa ah inuu raadiyo waddo fudud oo lacagaha loogu xawuli karo dadka Afrika Joogo.

Mr Axmed waxa uu ahaa Khabiir ku xeel-dheer Xawilaadda Lacagaha iyo Nidaamka lacagaha laysugu Xawilo, waxaanu xoogga saaray arrimahan, isaga oo Shahaadda PhD cilmiga dhaqaalaha ku diyaarinaya Jaamacadda Imperial College ee magaalada London,"

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Nin dadka ajaaniibta bara hidaha iyo dhaqanka Soomaalida

Tobanka qof ee ugu horreeya liiska dadka ugu saameynta badan

Ismaciil Axmed - Aasaasaha iyo Guddoomiyaha WorldRemit

Pat McGrath, MBE - Farshaxaniste Make-up-ka ah

Michael Sherman - Madaxa Shirkadda, BT

Jacky Wright - Madaxa Dhijitaal-ka ee shirakadda Microsoft

Stormzy - Farshaxaniste

Edward Enninful-Tafaftiraha shirakadda OBE

Ebele Okobi - Agaasinka Siyaasadda Dadweynaha ee Afrika, Bariga Dhexe iyoTurkiga

Paulette Rowe - Madaxa Facebook u qaabilsan lacagaha

Lynette Yiadom-Boakye - Farshaxaniiste

Richard Iferenta - Partner, KPMG