Cod sir ah oo laga helay qareenka gaarka ee madaxweyne Trump

Rudy Giuliani oo taleefan ku hadlaya Lahaanshaha sawirka Getty Images

Wariye ka tirsan NBC News ayaa sheegay qareenka gaarka ee madaxweynaha Mareykanka Donald trump Rudy Giuliani laba farriimood oo aan ku talagal ahayn oo cod ah.

Codka taleefanka Mr Guiliani uu diray oo la duubay ayaa wuxuu kaga warramayaa baahida lacaged ee jirta wuxuuna weeraray musharraxa madaxweynaha xisbiga jamhuuriga Joe Biden.

Mr Giuliani ilaa iyo hadda kama hadal fariimaha codadka ee la sheegay in la helay.

Hay'adaha Sharcidajinta Mareykanka ayaa horraanti bishan Mr Guiliani ka dalbatay inuu keeno xog ku saabsan u yeeritaanka madaxweynaha ee hay'adaha sharci dajinta.

Mar sii horreysayna waxay si rasmi ah ay mas'uuliyiinta Ukraine uga dalbadeen iney baaritaan rasmi ah ku sameeyaan eedda musuqa ee loo soo jediyey Mr Biden.

Seddex guddi oo ay horkacayaan mudanayaasha xisbiga dimuqraadiga ayaa baaritaan ku haya inuu madaxweyne Trump uu isku dayay inuu madaxweynaha Ukraine uu cadaadis ku saaray inuu baaritaan ku sameeyo Mr Biden.

Giuliani muxuu yiri?

Wariye baaritaannada sameeya ee ka tirsan warbaahinta SBC, Rich Shapiro wuxuu sheegay inuu helay laba farriimood oo cod ahaan u duuban bil gudaheed.

Wuxuuna codadkaasi uu ku sheegay iney yihiin kuwa ka dhashay "wax iska caadi ah oo ku yimid luuqad iska caadi oo wicitaan"

Mr Shapiro taleefankan ugu horreeyey ee aan laga qaban wuxuu ahaa, gelinki dambe ee 28-ka Oktober maadaama uu lahaa xaflad dhalasho uu ilmihiisa u dhigayey. Wuxuu maalin ka hor arrin kale uu ka wareystay Mr Giuliani.

Haddaba codka seddexda daqiiqo soconaya ee laga helay, qareenka gaarka ah ee madaxweyne Trump ayaa la sheegay inuu ku weeraray Mr Biden iyo qoyskiisa.

"Biden wuxuu lahaa xafiis u gaar ah marka uu senatarka ahaa," Mr Giuliani wuxuu sheegay isaga oo la hadlaya qof aan la garan, wuxuu Joe Biden uu kala dul dhacay eedeymo, isaga oo sheegay inuu madaxweyne ku xigeenka uu joojiyey baaritaanka gudha ukrine loga sameyn ahaa si uu u badbaadiyo wiilkiisa.

"Shiinahana sidaa oo kale ayuu ka sameyey. Wuxuuna isku dayay inuu Kazakistan iyo Ruushkana sidaa oo kale uu ka sameyo, ayuu yiri Mr Guiulani oo hadalkiisa sii wata.

Farriinta labaad ee codka, waxay ahayd mid uu reebay habeennimada 19-ka Oktobar wuxuu markale la hadlayey qof aan la garan balse aan la garan.

"Waxaan u baahannahay dhowr boqol oo kun oo doolar," Mr Giuliani inta uu hadalka waday ayaa wuxuu mar soo dhex geliyey Mr Shapiro inuu yiri Baxreyn iyo qof aan la garan oo magaciisa lagu soo gabiyey iney daboolayaan kharashkaasi.

Waa kuma Rudy Giuliani?

Mr Giuliani wuxuu ahaa duqa magaalada New York inta u dhaxeysay 1994 ilaa iyo 2001, xilliga uu weerarka 9/11 dhacayeyna magaalada New York mayar ayuu ka haa.

Wuxuuna ka mid ahaa 2008-ddi musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynanimada isu soo sharraxday, ka hor inta uu iscasilin oo uu taageera u muujin musharraxa John McCain.

Laga soo billaabo bish April 2018-ka wuxuu ku shaqeynayaa qareenka khaaska ah ee madaxweyne Trump.

Mr Giuliani ayaa madaxweyne Trump ku malayey wicitaanka taleefanka madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelensky bishi July wicitaankaasi oo uu ka dhashay muran saabayna inuu madaxweynaha uu sharci dajinta uu hor uimaaddo.

Shaqsi ahaanna waxa uu ka qabanayey dalka Ukraine waxaa sida oo kale ku socsa baaritaan.

Mowduucyada la xiriira