Daraasad: Dawooyinka dhiig-karka oo la ogaaday iney wanaagsan yihiin habeenki in la qaato

Saacad iyo dawooyin Lahaanshaha sawirka Getty Images

Cilmi baadhayaal daraasad ku sameeyey dawooyinka dhiig-karka lagula tacaala ayaa sheegay in dawada la qaato xilliyada uu qofku seexanayo.

Wargeyska European Heart waxay ku qoreen iney jiraan waxyaaba aad u sahlan sababna u noqon kara iney nafaf badan badbaadiyaan.

Dawada habeenki la qaatana waxay khubaradu shegeen iney ka hortagaan wadnaha xanuunka ku soo booddada ah iyo madaxa oo uu dhiig ku furmo, ayna ka wanaagsan yihiin kuwa subaxi la qaato.

Khubaradu waxay sheegeen iney aaminsan yihiin qaab dhismeedka jirkeenna uu u shaqeeyo 24-ka sac ay ku xiran tahay sida uu dawada uga jawaabo.

Waxaa kale oo ay sheegeen iney jiraan caddeeymo muujinaya iney dawooyinka kala duwan sida kiniinada loo qaato wadnaha iney si wanaagsan u shaqeeyaan xilliyada qaar.

Khubaraduna waxay daraasaddooda ku sheegeen inuu yahay kii ugu ballaarnaa oo ay ku sameeyaan dawada gaar ahaan kiniinada loo qaata in dhiig-karka lagu dajiyo, iyaga oo daraasaddooda ka qayb geliyey 19,000 oo qof.

Daraasadda dalka Spain lagu sameeyey:

  • Bukaanka waxaa loo qaybiyey laba koox, kooxda hore waxay dawada qaadatay subixi halka kooxda kalana ay dawadu qaadatay habeenki gaar ahaanna xilliga ay seexanayeen.
  • Cilmi baadhayaashu waxay baaritaan ku sameeyeen bukaannada dawooyinka qaatay isbeddelka ku yimid 5 sana ee xigta.
  • Bukaanka kiniinka ka hortagga dhiig-karka xilliga habeenki qaatay ayaa kala bar halistooda ay yartahay inuu wadna xanuun ku soo boodo ama dhiig ku furmo.
Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dhiig-karku dabeecad ahaan wuxuu dagaa qofka marka uu nasanaya ama uu hurdo.

Haddiise ay sidaa dhicin oo sidiisi uu dhiiggu u kacsanaado, wuxuu qofka ku keeni karaa khatar aad u weyn oo ay ka mid yihiin wadna xanuun iyo dhiig madaxa ku furmo, ayey khubaraduhu yirahdeen.

Haddaba waxay daraasaddu ku talineysaa dawada oo la qaato xilliga fiidki ama habeenki uu qofka ka caawinayo iney xaaladda dhiig karkooda la socdaan xilli walba habeen iyo maalinba iyada oo cadaadiska dhiiggooda uu sii yaraado habeenki, marka la barbar dhigo bukaanka qaadanaya dawadooda subax walba.

Barafasoor Ramon Hermida oo kooxda daraasadda sameysay oo ka tirsan jaamacadda Vigo wuxuu sheegay iney dhakhaatiirtu la gudboon tahay iney bukaaknkooda sidaa kula taliyaan: "Wax kharash ahna kagama baxaya. Haddana waxay badbaadinaysaa nafaf badan."

"Qaabka daweynta ee hadda loo adeegsado dajinta dhiig-karka aadka u sarreeya kuma tala bixinayo xilliga ku habboon ee dawada dhiig-karka la qaadan karo natiija fiicanna ay ka dhalaneyso."

"Natiijada daraasaddana waxay tilmaameysaa bukaanka sida joogtada ah u qaato dawooyinka looga hortago dhiig-karka xilliga habeenki marka ay subixi hurdada ka soo toosaan uu dhiiggoodu noqonaya mid deggan, waxaana sida oo kale yaraaneyso khatarta uu u geli karo geeri degdeg ah iyo xididdada dhiigga wada oo dhibaata uu kala kulmo."

Waxayna khubaradu shegen in loo bahan yahay daraasadda in la sii wado si loo ogaado tala bixinta darasadda ay soo saartay ay waxtar u yeelaneyso dhammaan bukaannada kala duwan iyo dawooyinka kala duwan ee ay qaataan.

Haddaba hab noolaleedka saameynta ku yeelan karo dhiig-karka fadlan ka fogoow, Sida:

  • Qofka inu khamri cabbo
  • Sigaar cabidda
  • Miisaanka qofka oo kordho
  • Qofka oo jimicsi ku filan sameyn waayo iyo
  • Qofka oo cusba badan cuno

Muxuu yahay dhiig-kar (muxuuse yahay dhiigga caadiga ah)?

Cadaadiska Dhiigga waa arrin dhaqaatiirta ka caawisa fikradda la xiriirto caafimaadka wadnahaaga iyo xididdadaada dhiigga sida uu yahay.

Cadaadiska ka dhasha dhiigga ay tuurayaan halbowlayaasha wuxuu isbeddel ku sameynayaa qaabka wadnaha uu u garaacmayo, waana taasi sababta ah in laba nooc loo qaybiyo dhiig-karka.

  • Cadaadiska Systolic, waa marka uu sarreeyo uuna muujinayo awoodda halbowlayaasha. Wadnaha ayaa sidoo kale aad u garaacayo ama u tuurayo dhiigga.
  • Cadaadiska Diastolic, waa marka uu hooseeyo, waana marka uu wadnaha deggan yahay, waxaana ka buuxsamayo dhiig sugaya garaaca xiga.
Lahaanshaha sawirka Getty Images

Cadaadiska dhiigga caadiga ah waxaa loo garanayaa inta u dhexeyso 90/60mmHG iyo 120/80mmHg. In uu gaaro meel halkaa ka sareyso waxaa loo arkaa caafimaad daro.

Haddii aanan la daaweyn dhiigga marka uu aad u sareeyo waxaa ka dhalan karo xaalado xaafimaad daro ah sida wadna xannuun iyo xannuunka qallajiya dhinac jirka ka mid ah ee stroke.

Sida keli ah ee aad ku ogaan karto in dhiiggaagu sareeyo waa in la cabiro.

Haddii qofka uu dhiig-kar ku dhaco, dhaqtarka ayaa soo jeedinayo talooyiin ku saabsan isbedel lagu sameeyo qaabka nolosha ay tahay iyo daaweyn macquul ah oo lagu dejinayo dhiigga, sidoo kalena yareynaya halista kale ee ka dhalan karto.