Cunugga ceelka ku dhex jira ee looga duceynayo masaajiddada iyo kaniisadaha

.
Image caption Cunugga 2 jirka ah ayaa ceelka ku dhex dhacay maalintii Jimcada

Waxaa maalintii afaraad ku jira howlgal aad u ballaaran oo lagu doonayo in lagu badbaadiyo cunug yar oo ku dhex xayiran ceel ku yaalla dalka Hindiya.

Sujith Wilson, oo labo sano jir ah ayaa markii ugu horreysay ceelka uga xayirmay meel dhexe oo qiyaastii 10m (30ft) ah, balse wuxuu markii dambe hoos ugu sii dhex dhacay godkaas oo qodan ilaa 180m, kuna yaalla gobolka Tamil Nadu.

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya inay neef siiyaan cunugga ceelka ku jira, hase ahaatee carrada qoyan ee darbiyada ceelka ku dhaggan ayaa xayireysa inay hawada hoos u dhaadhacdo.

Waxay hadda isticmaalayaan qalab waaweyn oo ay ku qodayaan god kale oo laga garab sameynayo ceelka uu cunugga ku dhacay.

Sujith ayaa ceelkaas ku dhacay maalintii Jimcada, xilli uu la ciyaarayay carruur kale oo saaxiibbadiis ah.

Image caption Kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya inay cunugga yar badbaadiyaan

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabisay in hooyadiis, oo ku sugan ceelka dushiisa, ay u qeylineyso wiilkeeda, iyadoo ka codsaneysa inuusan oynin.

Markii ugu horreysay ee uu howlgalka billaabanayay ayaa sidoo kale la arkayay iyadoo diyaarineysa xarko ay rajeyneysay in cunuggeeda dibadda loogu soo saari karo.

Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay looga dabaaldagayay munaasabadda Diwali-ga, sheekada cunuga yarna waxay ku faaftay baraha bulshada, waxayna soo jiidatay indhaha shacab farabadan.

Ducooyin ayaa wiilka ceelka ku jira loogu qabtay masaajidyada, kaniisadaha iyo macbadyada kale ee ku yaalla guud ahaan gobolka.

Waxay dadka oo dhan ku duceynayaan inuu si nabad ah kusoo laabto.

Maanta oo Isniin ah, Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda cunuggaas.

Axaddii shalay, god labaad ayaa laga garab qoday ceelka ka dib markii lagu guul darreystay godkii hore.

Dhulka laga qodayo godadka ayaa aad u adag, waxaana loo adeegsanayaa baldoosarro awood badan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa baraha bulshada ku shaaciyay in qodka cusub ee la qodayo uu ku socdo gaabis.

Isku dayo hore oo lagu damcay in cunugga xarigyo looga soo saaro ceelka ayaa guul darreystay.

Saraakiil lagu soo xigtay warbaahinta ayaa sheegay in kaamirooyin ceelka hoos loogu dhaadhiciyay lagu maqlay cunugga oo neefsanaya.

Bishii June ee sanadkan, cunug yar oo isla sidan oo kale ugu dhex dhacay ceel ayaa ku geeriyooday gobolka Punjab, inkastoo howlgal labo maalmood socday looga soo saaray ceelka.

Waxaa jiray baaqyo ku aaddanaa in la ganaaxo dadka ceelasha aan la isticmaalin ka taga iyagoo aan aasin.

Mowduucyada la xiriira