Xusuusta xanuunka foosha dhib intee la eg ayey haweenka kala kulmaan?

fool

Xanuunka foosha ee xilliga dhalmada ayaa laga yaabaa in ay tahay mid haween badan ay aad u xasuustaan, balse saameynta dhanka maskaxda ah ee xanuunkaasi uu reebo ayaa laga yaabaa in malaayiin haween ah ay ismoogeysiinayaan.

Dumar badan ayaa xanuunkaasi xilliga dhalmada aan ilaawin oo uu niyaddooda ku soo dhacaa xitaa iyaga oo ku nasanaya guryahooga oo aan fool dareemayn.

Haweenka mar kastaa maskaxdoodu ay ku soo dhaceyso xanuunkii foosha oo xitaa laga yaabo in sanado laga soo wareegay ayaa la sheegayaa in ay qabaan nooc "xanuun" ah oo afka qalaad lagu yirahdo post-traumatic stress disorder (PTSD) oo ah in qofku uu markastaa soo xusuusto waxyaabo dhibbadan oo horey u soo maray nolashiisa.

Jiritaanka xanuunkaasi ayaa la ogaaday ka dib dagaalkii koowaad ee adduunka, kaa oo raggii ka soo dagaallamay markii ay guryahooga ku soo laabteen ay dhibaato kala kulmayeen wixii ay dagaallada kala soo kulmeen oo maskaxdooda ka guuxayay.

In ka badan 100 sano ka dib markii uu soo dhammaaday dagaalakasi, xanuunkaasi PTSD waxaa wali lala xiriiriyaa colaadda iyo raggii dagaallada ka soo qeybqaatay.

Laakiin malaayiin dumar ah oo ku nool dunida dacalladeeda ayaa la qaba dhibaato xasuus ah oo ay ka dhaxleen fool xanuun badan oo soo martay.

Shakhsiyaadka arrintaasi la dhibban ayay xaaladahooda isku mid tahay in tabadan, waayo waxay soo xusuusanayaan dhibaatadii ay ka soo mareen fooshaasi.

"Haweenkan ayaa laga yaabaa in ay cabsi dareemayaan oo ay soo xusuusanayaan xanuun ay soo mareen, gaar ahaan xilligii dhalmada. Qaar ayaa ku riyoonaya, qaarna walwal iyo argagax ayay dareemayaan. Waxay intooda badan isku deyaan in ay is illaawsiiyaan waxyaaba soo xusuusin karaya dhibaatadaasi ay soo mareen," ayuu yiri Patrick O'Brien oo ku takhasusay caafimadka dhanka maskaxda isla markaana ka hawlgala isbitaal ku yaal dalka Britain.

Dhibaato badan ayay wajihi karaan dumarka xilliga dhalmada. Qaar ayay dhacdaa in ay dhintaan, qaarna foosha ayay dhibaato xanuun badan kala kulmaan.

Sida ay sheegtay hay'adda caafimadka adduunka ee WHO, illaa 803 dumar ah ayaa maalin kastaa u dhinta dhibaato la xiriirta dhalmada.

Balse waxaa aad u yar xogta rasmiga ah ee laga hayo tirada dhabta ah ee haweenka wajahaya caqabadaha ka dhashay xusuusta fooshii ay soo mareen, sababtuna waxay tahay dumar badan dhibba uma arkaan arrintaasi. Daraasado la sameeyay qaarkood ayaa lagu sheegay in 4% haweenka carruurta soo dhalay ay qaba xanuunkan.

Daraasad sannadkii 2003 la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saddex meelood meel ka mid ah haweenka foosha soo maray ay wali dhibaato kala kulmayaan xusuusta fooshaasi, gaar ahaanna kuwa wali xusuustooda aysan ka go'in qalabkii umulisadooda ay adeegsanaysay xilligaasi ama in ay xilligaasi u dhaxeeyeen geeri iyo noolal.

Inkastoo arrintaasi inta badan ay saameysay haweenka, haddana cilmibaaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in xitaa ragga qaar ay saameyso, gaar ahaanna kuwa xaasaskooga la joogay xilliga foosha ee arkayay xanuunka ay maraysay.

Khubaradu qaar waxay sheegayaan in dhibaatada inteeda badan ay la kulmaan haweenka niyaysta in ay dhimanayaan xilliga foosha, arrintaa oo aan marnaba maskaxdooda ka go'ayn.

Lucy Webber, waa haweeney wali xusuusata xanuunkii qabtay xilli ay fool haysay sannadkii 2016-kii. Waxay BBC-da u sheegtay in fooshaasi ka dib ay isku aragtay dabeecado aysan horey isugu ogayn.

Tusaale ahaan waxa ay sheegtay in aysan jecleyn in wiilkeeda ay wax yar weydo ama qof kale uu korkiisa taabto. Waxay sheegeysaa in mar kastaa ay dareemeyso walwal iyo cabsi iyo in wiilkeeda ay dhibaato soo gaari doonto.

Khubarada dhanka caafimadka ayaa sheegaya in haweenka dhibka ka soo maray foosha dhammaantood aysan xusuustaasi dhib ku ahayn, waayo waxay ku xiran tahay haweeney kastaa iyo sida ay u aragto xanuunkii soo maray.

Haweenka dhibaatada ba'an kala kulmaya xusuusta xanuunkii foosha ee ay soo mareen waxaa ka mdi ah Stephanie oo BBC-da u sheegtay in daryeel fiican aysan helin xilligii ay foolanaysay, umulisooyiinkeeda qaar ka mid ahna ay u muuqdeen kuwo aan dan ka lahayn oo ku jeesjeesayay.

Waxay aad u xusuusataa mar ay foolaneysay oo umulisooyinkeedii oo dhan ay isugu tageen oo xoog dhulka ugu celiyeen illaa kala immaatay. Waxayna sheegtay in murugada ugu weyn ay ahayd wiilkii ay dhashay oo markiiba loola cararay qeybta xaaladda deg degga ah iyada oo aan loo sheegin xaaladdiisa.

Dumarka qaar ayaa la sheegayaa in ay soo xasuustaan fooshii ay soo mareen marka ay arkaan haween kale oo ay fool hayso, taa oo ka dhigan in maskaxdooda ay dib u daalacato dhibaatdii ay foosha ka soo martay ka dibna ku abuurta walwal iyo cabsi.

Khubarada caafimaadka ayaa rumeysan in xusuusta noocaas ah ee mar kastaa qofka maskaxdiisa ku soo laalaabata ay waxyeeleyn karto maskaxda bani'aadamka.

Inta badan haweenka la dhibban xusuusta foosha ayaa la sheegayaa in aysan jeclayn in ay arrintaas dadka kala hadlaan waayo waxay ka baqayaan in loo arko in ay yihiin kuwo fulay ah oo aan xanuunka u adkeysan karin, sidaa awgeedna ay adag tahay in la cawiyo oo ay helaan talo caafimaad.

Daraasad ay sameysay jaamacadda Sussex ayaa lagu ogaaday in haweenka maskaxiyan la dhibban xusuusta foosha ay sidoo kale dhib ku qabaan qoyskooda, gaar ahaan seygooda iyo ilmahooda.