Wariye ka mid ahaa rug-caddaayadii BBC-da oo geeriyooday

Julian Keane

Wariye ka tirsanaa tabiyeyaasha BBC World Service, oo lagu magacaabi jiray Julian Keane ayaa geeriyooday isagoo ay da'diisu ahayd 57 sano, ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa.

Keane ayaa ahaa wariye codkiisa si weyn looga yaqaannay idaacadda caalamka la hadasha, wuxuuna ka hadlayay in ka badan rubac qarni.

Wuxuu ka tirsanaa laanta af Faransiiska ee BBC-da, wuxuuna kasoo shaqeeyay tabinta barnaamijyada Europe Today, The World Today iyo sidoo kale war akhrinta.

Wuxuu warka maalinlaha ah ka akhri jiray telefishinka laanta Faransiiska ee BBC-da tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2012-kii.

Barnaamij soo saareyaasha laantaas ayaa ku tilmaamay inuu ahaa "nin daggan, furfuran, oo mar walba Studio-ga ku sugan xilliga ugu habboon".

Waxay sidoo kale dhaheen: "Julian wuxuu barnaamijkaas kasoo tabin jiray dalal aad u farabadan, inta badanna wuxuu dhexda uga jiri jiray wararka ugu waaweyn ee ay tabiso laanta Faransiiska".

Dhammaan shaqalaha laantaas iyo qeybaha kale ee BBC-da ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geeridiisa.

Intii uu shaqada hayay, Julian wuxuu si toos ah usoo tabiyay doorashooyinkii loollanka adag loo galay ee ka dhacay Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah iyo Venezuela.

Wuxuu sidoo kale kasoo warramay qalalaasihii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay waddanka Afrikada Dhexe, kaasoo salka ku hayay dagaal sokeeye oo u dhaxeeyay maleyshiyaad iska soo horjeeday.

Joe Lynam, oo ka mid ah wariyeyaashii la shaqeyn jiray ayaa Keane u jeediyay ammaan weyn, wuxuuna yidhi: "Wuxuu ka mid ahaa dadka ugu codka macaan ee guud ahaan BBC-da wuxuuna ahaa mid ka mid ah dadka ugu wanaagsan ee abid lagula kulmo nolosha".

Wariye kale oo ay wadashaqeyn jireen, oo lagu magacaabo Shaima Akhalil ayaa iyaduna intaas ku dartay: "Waxaan u xiisi doonaa wajigiisii furnaa iyo sidii uu iigu baaqi jiray marka aan ku sii socdo Studio-ga. Waxaan u xiisi doonaa sida uu iigu dhoollacaddeyn jiray."

Qaar kale oo ka mid ah saaxiibbadiisii shaqada ayaa sidoo kale ugu tacsiyeeyay barahooda Twitter-ka.

Follow us on Facebook, on Twitter @BBCNewsEnts, or on Instagram at bbcnewsents. If you have a story suggestion email entertainment.news@bbc.co.uk.

Mowduucyada la xiriira