Ciidammada Afgaanistaan ee ay CIA-du taageerto 'oo dambiyo dagaal gaystay'

An Afghan soldier behind a machine gun mounted on a vehicle during an operation in October 2019 Lahaanshaha sawirka AFP/Getty
Image caption Human Rights Watch ayaa waxa ay warbixinteeda ku salaysay wareysiyo ay ka qaadday tobannaan qof oo goobjoog ahaa iyo dadka maxalliga ah

Ciidammada Afgaanistaan ee weerrarada qaada ee ay baritaarto hay'adda sirdoonka Mareykanka ee (CIA) ayaa waxa ay gaysteen tacaddiyo "ay ku jiraan dambiyo dagaal", sida lagu sheegay warbixin cusub.

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa waxa ay ciidammada ku eedaysay "inay gaysteen dil aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo kale iyadoo uusan jirin wax isla xisaabtan ah".

Tacaddiyadaas waxaa ka mid ah dil aan kala sooc lahayn, dad la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen iyo weerraro lagu qaaday xarumo caafimaad.

BBC-da ayaa waxa ay la xiriirtay dowladda Afgaanistaan si ay eedahaas uga jawaabto.

Qaramada Midoobay iyo wargeyska New York Times ayaa hore waxa ay u soo qaadeen eedaha ah in tacaddiyo ay gaysteen ciidammada weerrarka qaada ee Afgaanistaan.

Warbixintan ugu dambaysay ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii bishii Sibteembar ay burbureen wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taalibaan.

Maxay warbixintu sheegaysaa?

Warbixinta HRW ayaa waxaa lagu saleeyay wareysiyo ay ka qaadday dadka maxalliga ah iyo goobjoogayaal indhahooda ku arkay markii ay weerraradu ka dhacayeen waddanka Afgaanistaan, iyo weliba kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

BBC-da oo warbixintaasi aragtay maanta oo Khamiis ah ka hor inta aanan la shaacin, ayaa warbixintu waxa ay diiwaangalinaysaa kiisaska 14 qof intii u dhaxaysay dabayaaqadii 2017 iyo bartamaha sanadkan 2019, kuwaas oo ciidammada ay baritaarto CIA Mareykanku lagu eedaynayo inay tacaddiyo u gaysteen.

Eedaha waxaa ka mid ah sheegasho ah in la bartilmaameedsaday shaqaalaha caafimaadka ee dabiiba maleeshiyaadka ay ciidammadu la dirirayan ama kuwa ku sugana deegaannada ay Taalibaan maamusho, dil aan kala sooc lahayn ama "si xoog ah dad lagu kaxaystay oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen".

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Tobannaan kun oo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dalka Afgaanistaan labaatankii sanadood ee la soo dhaafay

Waxaa intaas dheer in ciidammada "ay u muuqanayeen inay si sharciga aan waafaqsanayn u bartilmaameedsadeen dad rayid ah sababtoo ah inay ku khaldameen awadeed, sirdoon xumo, ama khilaaf dhinaca siyaasadda ah oo gudaha ka jiro".

Khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weerrarada noocaas oo kale ah ayaa aad sare ugu kacay labadii sanadood ee la soo dhaafay, warbixinta ayaa sidaasi sheegaysa.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalka Afgaanistaan ayaa bilowday kaddib markii uu bilowday olole ciiidammada Mareykana ay hogaaminyeen oo looga gol lahaa in meesha loogaga saaro ururka Taaliban kaddib weerarradii 11kii Sibteembar ee sanadkii 2001.

Mowduucyada la xiriira