Pakistan: Ugu yaraan 65 qof oo ku dhintay dab ka kacay tareen

Burning carriages Lahaanshaha sawirka Reuters

Ugu yaraan 65 qof oo rakaab ah ayaa dhintay markii tareen ay ku safrayeen oo u kala gooshayay magaalooyinka Karachi iyo Rawalpindi ee dalka Pakistan uu dab qabsaday.

Wasiirka tareennada, Sheekh Rashiid Axmed, ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay gaaska lagu karsado cuntada oo qarxay kaasoo ay quraac ku karsanayeen qaar ka mid ah rakaabka.

Dabka ayaa loo malaynayaa inuu ku faafay ugu yaraan saddex qeyb oo tareenkaasi ah.

Sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaysa saraakiisha, inta badan dadku waxa ay dhinteen mar ay isku dayayeen inay ka boodaan tareenka gubanaya.

Ugu yaraan 39 qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa inay dhaawacmeen, sida uu BBCda laanta Urdu-ga u sheegay ku xigeenk barasaabka gobolkaas.

Saraakiisha aya waxa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay weli sii kordhi karto.

"Waxaa qarxay laba gaaska lagu kariyo cunnada. Cuntaa lagu karinayay oo saliiddii cunnada lagu karinayay ayaa dabka sii kicisay," Sheekh Rashiid Axmed, wasiirka tareennadaa ayaa sidaasi yiri.

Waa dhibaato joogto ah in rakaabka ay gaaska cuntada lagu karsado la soo raacaan tareenka si ay cunno ugu karsadaan safarka dheer ee ay jarayaan, wasiirka ayaa intaasi ku daray.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Rahim Yar Khan ee koonfurta gobolka Punjab.

Pakistan ayaa taariikh u leh shilalka ka dhaca tareennada ee ay dadka badan ku dhintaan. Tirada dadka ay waxyeellda soo gaarto ayaa badanaa sareyso sababtoo ah tareennada ayaa waxaa laga buuxiyaa tiro ka badan intii markii hore loogu talagalay.

Bishii July, 11 qof ayaa waxa ay ku dhinteen shil, halka afar kalana ay shil kale ku dhinteen bishii Sibteembar.

2007 ugu yaraan 56 qof ayaa dhimatay in ka badan 120 kalana waxa ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay meel u dhaw magaalada Mehrabpur.

Bartamihii 2005-tii in ka badan 130 qof ayaa dhimatay kaddib markii ay iskudhaceen saddex tareen gobolka Sindh, shilkaas waxa uu ka mid yahay musiibooyinka ugu xumaa ee tareen uu sababo oo dalkaas ka dhaca.