Qalabka ay isticmaalaan dadka nefta qaba oo "sababa isbeddelka cimilada"

Girl using an inhaler Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Neef-qabatinka ayaa la rumeysan yahay inay saameyso ku dhowaad 340 milyan oo qof guud ahaan dunida

Dad badan oo neef qaba ayaa yareyn kara hawada carbon-ka ee ay adeegsadaan isla markaana badbaadin kara deegaanka, iyagoo ku beddelaya daawooyiin kale oo aanan deegaanka waxba u dhimeynin, sida ay sheegeen baarayaasha UK.

In is beddelkaas la sameeyo ayaa ah mid saameyn leh, si la mid ah inuu qofku beddelo cuntadiisa oo uu khudaar ku beddelo.

Sababta waxay tahay in inta badan qalabka hawada laga qaato ay sii daayaan gaaska hawada wasaqeeya oo lala xiriiriyay kululaashaha cimilada.

Dhibaatada uu qalabkaasi dunida ku hayo

Neef-qabatinka ayaa la rumeysan yahay in ay qabaan ilaa 340 milyan oo qof guud ahaan dunida, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay dallad ay ku mideysan yihiin dadka xanuunka neefta qaba.

Baarayaasha Cambridge University ayaa baaritaan ku sameeyay daawo kale oo loo qoray bukaanno ku sugan England.

Sannadkii 2017-kii, ilaa 50 milyan oo qof oo isticmaala qalabka hawada laga qaato ayaa laga diwaan geliyay dalkaas. Tobankii qofba toddoba ka mid ah ayaa isticmaala qalabka PMDIs - oo ah nooca uu ku jiro gaaska qiiqa badan.

Gaaska hydrofluoroalkane - ayaa loo adeegsadaa inuu daawada ka soo saaro qalabkan hawada laga qaato, waxaana aad looga isticmaalaa guud ahaan dunida, maaddaama uu ka rakhiisisan yahay budada qallalan ee loo isticmaalo in hawada laga qaato.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Daraasad ayaa muujisay in qalabkan uu sii deyn karo hawada carbon ee uu sii daayo gaari safar ku galay masaafo dhan 290km

Maxaa isbeddel ah oo ay sameyn kartaa dawada cusub?

Baarayaasha Jaamacadda Cambridge ayaa sheegay in dawada cusub oo lagu beddelo qalabka neefta laga qaato ay yareyn karto hawada carbon dioxide ee dalkaasi England, halkaas oo in ka badan shan milyan oo qof ay qabaan xanuunka neef-qabatin.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption In qalabka hawada laga qaato lagu beddelo mid cusub oo aan deegaanka wax u dhimeyn ayaa la mid ah inaad iska deyso cunitaanka hilibka

Dhib miyay leedahay in loo beddesho dawada cusub?

Si kastaba, Khubarrada ayaa sheegaya in dadka u baahan qalabkan neefta laga qaato ay sii wadi karaan isticmaalkiisa.

In loo beddesho qalab kale oo cusub oo hawada laga qaato ayaa dhibaato ku keeni kara dadka qaba neefta, iyagoo u baahan inay la qabsadaan, waxaana lagula taliyay inay caawinaad ka helaan dhaqaatiirta.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption In loo beddesho qalab kale ayaa dhib ku noqon karta bukaannada maaddaama a la qabsi u baahan tahay

Dr Wilkinson ayaa ugu baaqay bukaannada aanan beddeli karin dawada ay hadda qaataan inay sii wadaan, balse ay weli ka fekeri karaan sidii ay deegaanka u ilaalin lahaayeen.

"Runtii waa muhiim inaan qalabka hawada laga qaato u isticmaalno si taxadar leh," ayuu yiri.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan