Nin "siyaasi ku noqday" warar been ah oo Facebook uu ku faafinayo

Adriel Hampton Lahaanshaha sawirka Adriel Hampton/ Wikimedia

Ma doonaysaa in aad xayeysiin been abuur ah ku baahisid baraha bulshada? Siyaasi noqo, ayuu leeyahay ololeeye Ameerikaan ah kaas oo doonaya inuu heer xaqjirnimo ah soo bandhigo si uu shirkadda weyn ee ay bulshadu ku wada xiriirto ee Facebook cadaadis u saaro siyaasadaheeda xayeysiimaha ee dadka siyaasadda ku jira.

Adriel Hampton, oo deggan San Francisco, wuxuu doonayaa inuu bannaanka soo dhigo go'aanka shirkadda ay ugu ogolaatay ololaha siyaasadeed inay u baahiyaan xayeysiimo aanan la baarin, halka dadka kale oo dhan la baaro.

Haatan Hampton ayaa waxa uu isu diiwaangeliyay musharaxnimada gobolka California ee doorashooyinka la qaban doono 2022, si uu barata Facebook ee ay bulshda kuwa xiriirto ugu baahiyo xayeysiin been abuur ah.

"Ololahan wuxuu eegayaa sida saxda ah ee uu u shaqeeyo sharciga baraha bulshada, si loo xaqiijiyo in dadka qaar aanan la eegin xaqiiqada xogta ay soo bandhigayaan sida siyaasiyiinta uu ka midka yahay Donald Trump, kaas oo jecel inuu been u sheego online-ka," wuxuu sidaas u sheegay qeybta ganacsiga ee CNN.

Hasayeeshee Facebook ayaanan doonayn in ninkaas ay u ogolaato inuu warar been abuur ah faafiyo.

'Dagaal rogal celin ah'

Lahaanshaha sawirka PA Media
Image caption Nidaamka Facebook ayaa siyaasiyiinta u ogolaanayo inay ka weecdaan barnaamijka xaqiijinta wararka

Hampton waa xubin ka tirsan Kooxda Bidixda ee Online-ka, kuwaas oo isku tilmaamay "Guddiga siyaasadeedkii ugu horreeyay Digitalka boqolkiiba 99%".

Waxay kooxda sheegtay in ujeedadoodu tahay in ay ka hortagaan xoogagga siyaasadda mayilka adag ee awood siyaasadeed adag ka helay ololohooda baraha bulshada iyagoo lacag badan ku bixiya.

"Wuxuu ahaa qof ka tirsan Laanta Dabagalka Internet-ka ee Ruushka, iyo maskaxda lagu aaminay Digital-ka Trump, iyo kooxda rabshada ee ku xoog batay Online-ka," ayaa lagu qoray website-ka ay leeyihiin kooxdiisa. Hampton wuxuu aaminsan yahay in furun dagaal oo muhiim ah uu yahay internet-ka.

Wuxuu CNN u sheegay: "Waxay ila tahay in baraha bulshada ay si aan cadi ahayn u awood badan yihiin. Waxaan aaminsanahay in Facebook uu leeyahay awood uu ku weeciyo doorashada".

Cadaadiska saaran Facebook

Xayeysiiska uu sameystay Hampton wuxuu ku soo aadayaa xilli ay in ka badan 200 qof oo ka mid ah shaqaalaha Facebook ay warqad u qoreen Aasaasaha shirkadda Mark Zuckerberg. Waxay walaac ka muujinayaa siyaasadaha xayeysiiska ee Facebook, sida ay qortay New York Times.

"Hadalka bilaashka ah iyo hadalka lacagta lagu helo isku mid ma ahan," ayaa warqadda lagu yiri. "Shuruucdeena hadda ee hubinta dadka siyaasiyiinta ah ama kuwa tartanka ku jira, waxay halis ku yihiin waxa ay Facebook u taagan tahay."

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Zuckerberg has defended the firm's policies, saying it doesn't want to curb free political speech

Saacado ka dib, qofka ugu sarreeya xisbiga Dimuquraadiga ee ka tirsan Guddiga Sirdoonka, Sen. Mark Warner, wuxuu baahiyay warqad kale oo Zuckerberg uu u diray. Wuxuu ku qoray in shirkadda ay dhaawaceyso "dhexdhexaadnimadeeda, doodaha dadka, furfurnanta, aragtida kala duwan iyo isla xisaabtanka" ee siyaasadda Mareykanka.

balse, Facebook waxay joojisay xayeysiin been ah oo kooxdan is abaabushay ee wararka aan jirin faafisay ay soo dhigeen Isbuucii la soo dhaafay. Waxay si been oo cad ah isaga dhigeen senator Jamhuuri ah oo taageeraya shuruucda arrimaha Deegaanka ee Mareykanka.

Arrin kale oo gaar ah oo la xiriirta xayeysiiska Hampton, Waxay facebook ku tilmaamtay mid sax ah oo hubin lagu sameeyay sababtoo ah "waxay ka timid koox siyaasadeed".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan