Siduu Ari uga qeyb qaatay badbaadinta madxafka madaxweynihii hore ee Mareykanka?

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Neef ari ah oo bishii lasoo dhaafay sawir laga qaaday isagoo daaqaya dhirta ku dhow maktabadda madaxweynihii hore ee Mareykanka

Xeyn ari ah oo gaajeysan, oo tiradooduna ay gaareyso 500 oo neef ayaa ka qeyb qaatay in Madxafka madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan laga badbaadiyo dabka ka kacay keymaha gobolka California.

Bishii May, mas'uuliyiinta Madxafkan taariikhda keydiya ayaa kireysatay arigaas si uu agagaarka xaruntaas uga dhammeeyo dhirta uu dabka ka kici karo, waxaana tallaabadaasi ay qeyb ka ahayd dadaalka looga hortagayo in uu saameeyo dabka keymaha.

Ariga ayaa cunay dhirtii oo dhan, wuxuuna abuuray dhul baaxad leh oo uu ku hakan karo dabka soo gaaray keynta ku dhaggan madxafka.

Arrintaas ayaa sidoo kale ka dhigan in kooxaha dab damisku ay wakhti u helaan isla markaana uu u bannaan yahay boos weyn, si ay u xakameeyaan dabka ugana difaacaan inuu soo gaaro goobtaas.

Madxafkan oo ku yaalla meel u dhow magaalada Los Angeles ayaa waxaa halis galiyay dabka keynta ka kacay, kaasoo sabab u noqday in dad badan laga daad gureeyo gobolka California, meelo badanna laga damiyo korontada.

Qalabka uu arigan badbaadinayo ee Madxafkaas yaalla waxaa ku jira diyaarad ka mid ah kuwa ay isticmaalaan madaxweyneyaasha Mareykanka iyo qeyb yar oo ka mid ah darbigii Berlin.

Afhayeen u hadlay maamulka Madxafka, oo lagu magacaabo Melissa Giller, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters ku yidhi: "Mid kamid ah kooxaha dabdamiska ayaa noo sheegay in dhulka dhirta laga banneeyay uu u fududeynayo shaqadooda".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ariga wuxuu gacan ka geysanayaa in meesha laga saaro dhirta ugu soo jiidashada badan dabka

Ariga ayaa laga soo kireystay shirkad maxalli ah - 805 neef ayaana loogu tala galay inay nadiifiyaan dhul ku fadhiya 13 acres.

Nin lagu magacaabo Scott Morris ayaa shirkaddaas aasaasay bishii November ee sanadkii hore, wuxuuna lacag dhan $1,000 doolar ku qaataa in hal acre oo dhul ah la nadiifiyo.

Maadaama uu gobolka California filayo dab kale oo dheeraad ah, Mr Moris wuxuu sheegay inuu xoolihiisa sii laban laabi doono, si uu u helo tiro ku filan macaamiisha kiro ahaanta uga qaadaneysa.

Madxaf kale oo weyn oo ku yaalla koonfurta gobolka California, oo la yiraahdo Getty Museum, kuna yaalla magaalada Los Angeles, ayaa isbuucan la badbaadiyay ka dib markii shaqaale farabadan ay ka gureen dhirtii ku ag dhaweyd.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ari ku sugnaa agagaarka maktabadda Ronald Reagan oo laga badbaadiyay dab fudud oo kacay

Maxaa ku dhacay xayawaannadii uu dabka soo gaaray?

Ciidanka xannaanada xayawaanka iyo dad isxilqaamay ayaa u gurmaday xayawaanada ku xareysan xeryaha ku yaalla beeraha, iyagoo ka badbaadinaya saameynta dabka.

Dadka qaarkood ayaa soo xambaaraya xoolaha, waxayna dhigayaan goobo amaan ah, iyagoo noqonaya si ay kuwo kale usoo badbaadiyaan.

Meelaha qaar, oo uu holaca si dhakhso ah u gaaray, xayawaannada ayaa si iskood ah u baxsanaya, si ay naftooda u badbaadiyaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad isku dayaya inay raraan faras cabsanaya
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Fardo xero ku jiray ayaa laga badbaadiyay dab sahlan oo laga cabsi qabay inuu sii fido

Xayawaannada guri joogta ah ayaa la qaxaya dadka ay la noolaayeen ee xannaaneysan jiray.

Hase yeeshee, xayawaanno badan ayaa ku gubtay goobaha uu dabka gaaray, halka kuwo kalena ay ka lumeen dadkii lahaa.

Baraha xiriirka bulshada, sida Facebook-ga, ayaa laga wadaa ol'ole lagu badbaadinayo xayawaanka.

Xarumo badan oo lagu xannaaneyn jiray xayawaanka ayaa laga raray ka dib markii ay halis u noqdeen inuu dabka soo gaaro.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Haweeney dadka deegaanka ka mid ah oo la baxsaneysa eeyaheeda

I ka badan toban keymood oo ku yaalla gobolka California ayuu dab ka holcayaa, waxaana ugu weyn dabka ka huraya keynta Kincade, halkaasoo ay ilaa hadda ku gubatay dhirtii ku taallay in ka badan76,000 acres.

Barasaabka gobolka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ka jirta guud ahaan gobolka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Nirgo yar yar oo dhex taagan qiiqa ka baxaya keymaha gubanaya

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan