Daacish oo magacawday hogaamiye cusub ka dib dilkii Al-baqdaadi

Abu Bakr al-Baghdadi iyo afhayeenka Abu al-Hasan al-Muhajir waxaa dilay xoogagga Mareykanka iyo kuwa Kurdiyiinta. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Abu Bakr al-Baghdadi iyo afhayeenka Abu al-Hasan al-Muhajir waxaa dilay xoogagga Mareykanka iyo kuwa Kurdiyiinta.

Ururka jihaad doonka ah ee Daacish ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay dhimashada hogaamiyohooda Abu Bakar al-Baqdaadi, waxayna magacaabeen ninkii badeli lahaa.

Ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka ayaa Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi u magacaabay khiliifkooda cusub iyagoo adeegsanayay barta Telegram.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dhammaadkii toddobaadkii tagay baaritaan ku sameeyay goobta uu waqooyi galbeed Suuriya uu kaga suganaa Baghdadi ka dibna weerar ku qaaday goobta taasi oo horseedday in hogaamiyaha Daacish uu meel god ah galo ka didna is qarxiyo.

Al-Baqdaadi oo la baxay "Khaliif Ibraahim" ayaa tan iyo muddo haatan laga joogo shan sano, waxaa raadinayay Mareykanka oo madaxiisa dul dhigay 25 milyan oo doolar.

Daacish ayaa sido kale khamiistii xaqiijisay dhimashada afhayeenkooda Abu al-Hasan al-Muhajir kaasi oo sidoo kale lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen xoogagga Kurdiyiinta iyo kuwa Mareykanka saacada uun ka dib markii uu dhacay weerarkii uu ku dhintay Al-baqdaadi.

Waa kuma Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi?

Magaca saxda ah ee Hashemi ma yaqaanaan ciidamada ammaanka balse waxaa la aaminsan yahay inuu magacaasi yahay magaca is afgarashada ee Khilaafada.

Daacish, waxa faah-faahin dheeraad ah kama aysan bixin xogaamiyahooda cusub, mana aysan shaaciin sawirkiisa, laakinse waxay ku tilmaameen inuu yahay ''xubin muhiim ah oo caan ah''. Warbixinta Daacish waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu Hashemi ahaa jihaadi khibrad leh oo horay ula soo dagaalamay Mareykanka.

Magaca "al-Qurashi" ayay ururka sidoo kale ku caddeeyeen inuu Hashemi ka soo jeedo qabaa'ilka Quraysh ee uu ku abtirsado Nabi Muxamad naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Taasi ayaana sababtay in loo doorto inuu noqdo ''Khalifka kooxda''

Maxaa ku dhacay al-Baqdaadi?

Lahaanshaha sawirka US Department of Defense/Reuters
Image caption Abu Bakr al-Baghdadi

Maalin ka hor shaacinta hogaamiyaha Cusub ee Daacisha milateriga Mareykanka ayaa waxa uu shaaciyay muuqaalkii ugu horreeyay ee laga qaaday weerrarkii lagu dilay hogaamiyaha ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee waqooyiga Suuriya.

Muuqaal midabka danbaska ah leh ayaa waxa uu muujinayaa ciidammada oo xabadaynaya maleeshiyaadka ku sugnaa dhismaha markii ay u dhacayeen goobtaas halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayay Abuubakar al-Baqdaadi ka hor inta aanay gudaha goobta u gelin.

Ka dib markii ay ciidamada gaarka ee Mareykanka ay gaareen goobta Baqdaadi ayaa waxa uu u baxsaday god dhulka hoostiisa ku yaalay halkaas oo uu isku dilay kaddib markii uu qarxiyay suun ay qaraxyo ka buuxeen oo uu xirnaa.

Weerrarka kaddib dhismihii hub ayaa lagu burburiyay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaalkan midabka danbaska ah leh ayaa waxa uu muujinayaa ciidammada oo u dhawaanaya dhismaha - iyo marka dambe oo qarax uu burburinaayo dhismaha

Madaxa taliska dhexe ee ciidammada Mareykanka, Janaraal Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in dhismayaasha la burburiyay ay u muuqdeen "meel baabuurta la dhigto oo kale oo ay ku yaalaan godod waa weyn".

Janaraal McKenzie ayaa sheegay in laba carruur ah ay Baqdaadi godka kula dhinteen - oo tirada carruurtu saddex ma aanay aheyn sida lagu sheegay wararkii hore.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan xaqiijin karin qaabka uu madaxweyne Donald Trump u macneeyay dhimashadii Baqdaadi ee uu ku sheegay inuu qaylinayay oo ooyayay markii uu dhimanayay.