"Ahlu sunna iyo galmudug isku mid ma aha, waana u caqli celinay"

. Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Dowladda Federaalka iyo maamulka Ahlu Sunna ayaa wali isku fahmi la' hannaanka loo dhisayo Dowlad Goboleedka Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ka hadlay khilaafka ka taagan Galmudug ayaa ku eedeeyay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca inuu caqabad ku hayay hannaanka maamul dhiska ee gobolkaasi.

Sabriye oo hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in aan loo baahneyn in Ahlu Sunna ay "isasiiso" maamulka Galmudug.

Mas'uuliyiinta Ahlu Sunna, oo dhankooda tabashooyin ka qaba hannaanka ay dowladda federaalka u waddo dhismaha maamul goboleedka ayaa dhawaan soo xulay guddi barbar socda guddiga ay wasaaradda arrimaha gudaha u howlgalisay inay soo xulaan xildhibaannada.

Wasiir Sabriye ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ku sheegay in tallaabada ay mas'uuliyiinta Ahlu Sunna qaadeen ay tahay mid khaldan.

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye

"Nidaamka maamul dhisidda waddanka oo dhan waxaa dowladda federaalka ah u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulkii aan dhisneynna iyadaa looga fadhiyaa inay dhisto oo ay isha ku heyso. Guddigii ay magacawday Wasaaraddu in Ahlu Sunna ay Guddi kale ka ag sameyso sax ma aha, Ahlu Sunna iyo Galmudug-na isku mid ma aha, guddi haddii la sameynayo howshiisa waxaa leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha, haddey dhaaftana waxay noqoneysaa wax Galmudug oo dhan ay u mideysan yihiin, laakiin ma aha wax Ahlu Sunna u gaar ah, guddigooduna ma shaqeyn karaan, arrintaasi waa fowdo, waana uga caqli celinnay oo waxaan ka rajeyneynaa inay taladeenna qaataan oo aysan iyagu isasiinin Galmudug", ayuu yidhi Wasiirka.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, ahna mas'uulka ugu sarreeya Ahlu Sunna ayaa horay u sheegay in dowladda federaalku ay uga baxday heshiis ay la gashay.

Lahaanshaha sawirka Goobjoog News
Image caption Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo magacaabay guddi barbar socda guddiga ay abuurtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Hase yeeshee, wuxuu Wasiirku sheegay in waji kale loo yeelay heshiiskii dhex maray dowladda Federaalka iyo madaxda Galmudug, kaasoo qeexayay hannaanka loo dhisayo maamulka cusub.

"Waxaan ku celinayaa in Galmudug iyo Ahlu Sunna aysan hal magac ahayn, hal micnana ma aha, waa labo sheey oo kala duwan. heshiiskii aan la galnay dowlad goboleedka Galmudug qodobkii ay ka daneynayeen ee ay warbaahinta ku faafinayeen hadda ayaan gacanta ku hayaa wuxuuna dhigayaa 'Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo magacaabaya guddiga farsamada ee xulista xildhibaannada dowlad goboleedka Galmudug', waxaan rabaa inaad si fiican u garato waxa laga hadlayaa inay yihiin madaxda dowlad goboleedka Galmudug, laakiin waxaad mooddaa Ahlku Sunna inay u dhigeen waxa heshiiska lala galay oo xildhibaannada Galmudug wax kasoo xulaya inay iga uun yihiin".

Mar uu ka jawaabayay su'aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd cidda uu ula jeedo madaxda Galmudug iyo in Sheekh Maxamed Shaakir qudhiisa uu ka mid yahay madaxdaas, maadaama uu yahay madaxa xukuumadda, uuna qeyb ka yahay mas'uuliyiinta heshiiska lala galay, ayuu wasiirku yidhi: "Madaxda Galmudug waa madaxweynaha, mudane Axmed Ducaale Geelle, waa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi, waa guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal iyo madaxa xukuumadda oo Sheekh Shaakir ah. Intii kale oo dhan oo maqan, oo heshiis la'aan uga tagtay Dhuusamareeb, Sheekh Shaakir inuu yiraahdo Galmudug anigaa matala inta kalena waxba lagama soo qaado, sax ma aha".

Horay ayey saraakiisha Ahlu Sunna dowladda dhexe ugu jeediyeen dhaliilo ku saabsan habka maamul u sameynta Galmudug, balse ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen hadalka ugu dambeeyay ee maanta uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Mowduucyada la xiriira